Cali Guray Oo Ka Jawaabay Hadal Kasoo Yeedhay Siyaasi Qabo, Nuxurkiisana Ku Tilmaamay Cadho Ka Dhalatay Mansab La’aan
Hargeysa (Hubaal) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali-Gurey oo ka tirsan Xisbiga Talladda Dalka ee Kulmiye ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee qorshaynta ee Xukuumaddii Siilaanyo Md. Maxamed Aadan Qabo, kaasoo ku duray in shakhsiyaad uu ka mid yahay isaggu [Cali-guray] ay Xukuumadda ka xigsanayaan.
Cali guray waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in muddo kooban gudaheed uu Qabo xamili waayey mansab la’aanta Xukuumadda Kulmiye sida daraadeedna aanu la yaabayn hadaladiisa.
Sidoo kale waxa uu cali guray sheegay in siyaasi Qabo uu si qaldan u turjuntay hadal uu isaggu hore u yidhi, kaasoo uu tilmaamay inuu ugu jawaabayey cid kale.Sidaas daradeedna hadaladiisa u macnaysanayo cadho ka dhalatay Xukuumadda uu ka maqan yahay: “Qabo, hadaanu happy ku ahayn dawladda Muuse Biixi dhisay ee uu ka maqan yahay, dee anigu waan ka maqanahay markay dan gaar ah tahay, aniguna happy kuma ihi, waayo habeen walba gidaarkaasaan fadhiyaa, laakinse waxa laga yaabaa, Isagu waa abu beedoo shalay buu Londhon ka yimid, dabeed waa kaa gashigiisaba aad ka aragto ee sidaas iska ah. Aniguna 12 sanadood baan gidaar ka fadhiyaa axna ma llihi.” Sidaas ayuu yidhi Cali-guray oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayey Magaaladda Hargeysa. Waxaanu intaas ku daray “anigu Qabo lamaan hadlin ee ninka aan la hadlay Feysal Cali Waraabe ayuu ahaa. Qoladan ay is ahaayeen ee safiirka Jabuuti iyo saaxiibbadiisa, isagaana iga xiga oo wadajoogeen, Muuse Biixina haddaanu nahay Ilmaadeer, iyaguba Ilmaadeer bay yihiin, kama xigo, haddii uu ka tegayna ana wuu iga tegay, markaa isagu wixiisu waa cadho Hunguri ka kacday ee waxkale maaha. Waxaannan leeyahay Kursigu waa meerto‘e anigaaba kaa lehe oo qoladii sugaysay ahaaye, Arab Isaaqna wuu badan yahay oo xataa haddii wax loo kordhinayo in loo kordhiyo waaban qabaaye, dee adigu ma lihid, rag badan oo kaa tayo badan, kaa aqoon badan, oo kaa garasho badan oo kaa waaweyn oo kursiga kaa leh ayaa jira. Haddaad xamili kari weyday laba bilood oo qudha, laba iyo toban baanu xamilnee orodoo London-taadii ku noqo oo barafkaagii iska doono.”
DAAWO: