Komiishanka Doorashooyinka oo aan wali la Ansixin iyo wakhtigii Doorashada oo Muddo 7 Bilood ahi ka Hadhsan tahay
Hargeysa(Hubaal) Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada ayaa Sidda uu Qorshuhu ahaa ay ahayd in Dalka ay ka Qabsoomaan Sanadka Danbe oo Muddo Todoba Bilood oo kali ahi inaga Xigto, Laakiin isweydiintu waxay tahay mudadaasi kooban ee ka hadhay Doorashooyinka sideebaa lagu guri karaa Qodxaha Faraha baddan ee horyaala Doorashooyinka.
Arrimaha ugu waayen ee rajadii laga qabay in doorashooyin dhacan sii fogeynaysa ayaa waxa ka mid ah Ansixin la’aanta Komishanka Doorashooyinka oo ilaa wakhtigan aan Wax shaqo ah qabban, iyada oo Gudidii hore ee Doorashooyinka uu wakhtigu kaga eekaa 29 Ocotober basle Muddo ka hor shaqadii ay hayeen laga Sii joojiyey.
Arrimah kale ee Mugdiga galinaaya in ay Qabsoomaan doorashooyinka ayaa waxa ka mid ah in uu Khalkhal weyni galay jadwalkii Doorashada ay u dhigeen Komishankii hore oo Maalin maalin u Muddeeyey hawlmaalmeedkooda shaqo kuwaasi oo hore warbaahinta u soo badhigay, basle markii la baddalay wax badani iska badaleen Arrimaha jawdalka komishankii hore, Arrimaha Isbedelaya ayaa waxa ka mid ah in bishan aynu ku jirno ee November ayay ahayd in lagu dhawaaqo shirkadii hesha Qandaraaska Diwaanglainta Codbixiyaasha iyo Waliba in isla bishanba ay Hawl gasho biloowdo dalkan la keeno Agabka lagu qabbanayo Diwaangalinta Codbixiyaasha.
Qorshayaasha kale ee ahaa in la Qabto ayaa waxa ka mid ah in Bishii aynu soo dhaafnay iyo bishan aynu ku jirno in ay Socdaan Wacyigalinta Diwaangalinta, Dhammaan qodobadaasi iyo kuwo kale marka la eego ayaa waxa sii Xumaanaysa Rajadii laga qabbay in dalka doorasho ka dhacdo Waloow Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukumadu intuba iska dabba maraan in wakhtigeeda doorashado ku qabsoomayso.
Marka aynu u soo Gundo degno komsihanka Cusub ee dhawaan la Doortay basle wali aan la Asixin ayaa waxa Horyaal Hawlo badan oo Culus kuwaasi oo la eegidoono sida ay uga dabaashan, waxa kale oo iyana la sheegayaa in marka komishanka la ansixiyo in ay safaro baddan oo dibada ah ay ugu bixi doonan kuwaasi oo soo qaaddan doona tababaro ku saabsan hanaanka Doorashooyinka loo maamulo, waxana halkaasi iyana ku lumidoona wakhti kale, in kasta oo ay ahayd in Komishanka Cusubi Wakhtiganba shaqeeyo laakiin dib u dhaca iyaga ku yimid ayaa Su’aalo baddan dhalisanysaa iyo ansixin la’aantooda Maadama Khilaaf uu u dhexeyo Xildhibaanada Golaha wakiilada.
Waaheen media