Waxa Qoray Xildhibaan/ Gar-Yaqaan Mahamed Jama Oo Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland
Waxaa ereygan i xusuusiyey Khudbaddii Guddoomiyaha Xisbiya Wadani , Musharaxa Xisbiga Wadani. Waxaan dhegeystay khudbaddii Guddoomiyaha. waxaa i Cajabiyey kelmado ku jiray oo runtii qofka maqlaa aad u soo jiidanaya, ereyo runtii ah kuwo baahi badan loo qabo maanta dal ahaan. Ereyo hogaamiyaha ay ka dhab tahay ama lagu barto ay tahay in aynu ku doorano.
Waxaan soo qaadanayaa erey I taabtay wax bandanna I xusuusiyey oo ahaa Somalilandta aan ku riyoonayaa waa mid qabyaaladda ka caagan, oo la wada leeyahay, bari ilaa galbeed. Ilaahow run ka dhig, hadda maahee.
Markii shalay shirku dhammaaday, waa shirkii uu khudbadda ka jeediyeye, anigoon wali dhegeysan hadalka Gudoomiyaha, waxaan kulanay mid ka mid ah ragga lagu tiriyo mus dambeedka Xisbiga wadano oo ka mid ah haldoorka iyo halyeeyada xisbigu ku dhaarto. Waan iska kaftanay, wuxuu iigu baanay in guushii xisbigu dhammaystiran tahay maanta, waanu iigu dhaartay. Lama yaabine , waaba dhici kartaaye, waxaan ka codsaday in uu ii fasiro sida ay ku imanayso guushaas uu ku dhaartay.
Iskuma hawlin odaygu, wuxuu yidhi , waad ogtahay beeshayadu waa Solid yacni dhammaanteed waa Xisbiga Wadani oo lagu habsaami maayo. Beesha Muuse, sidaa aad arkaysay waa burburinaynaa oo si weyn bay u qaybsamaysaa. Bariga Burcana waad ka war haysaa oo iyaduna waa noo kala badhan tahay, Beesha Hawd iyadana nagu qordin maayo, Sallaxley Ucid uama codayn doonto oo codkeeda ceel ku ridi maysee 80% waa Wadani, Boorama waa 90%, miyaanay sidaas guushu ku dhammaystirnayn.
Waxaan ka fikiray, ereyada horay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani ugu ololeeyey dhalinyarada ee ahaa, waxaan jabinaynaa gidaarada qabyaaladda iyo qoqobnaanta. Waxaan shir u qabanaynaa dhalinyada Burco ee la kala ooday.
Waxaan is weydiiyey markaan sheekadan Sarkaalka wadani dhegeystay, tolow darbiga qabyaaladda iyo qoqobka ma waxaa laga jabinayaa dhinaca Bariga burco iyo Galbeedka hargeysa.
Yaa tolow sheekadan dhallaan habaabista loo dhigayaa. Deedna waxaa igu soo dhacay ciwaanka qoraalkayga ee aad sare ku aragtaan.
Waxaan is barbar dhigay hadalka macaan ee Musharaxa Xisbiga wadani ee sharafta leh iyo waaqica sooyaalkiisa 12sano oo uu Golaha wakiilada hogaaminayey, waxaa ii soo baxay:
- Waxaa Golaha Wakiilada ka shaqeeya shaqaale lagu qiyaaso 160 Shaqaale hoosaadka golaha ku magacaaban, xilal iyo hawlo kala duwanna ku magacaaban, wallow wax 30 ka yari soo xaadiraan. Waxaan qaatay liiska shaqaalahaas, waxaan xaqiijiyey in 99% ay yihiin beesha Guddoomiyaha. Markaan sidaas leeyahay, guddoomiyuhu waa beesha dhexe ee Somaliland. Shaqaalaha tiradaas leh xubnaha ka soo jeeda beelaha darafyada ee uu qoray waa ilaa shan, ma gaadhaan , hadday gaadhaanna kama badna. Cajiib. SOMAALILAND QAYBAALADDA KA CAAGGAN OO LA WADA LEEYAHAY MA TAASAA.
- Waxaa kale oo aan xaqiiqsaday in guddoomiyuhu Somalilandta uu doonayo in la wada yeesho dadka wada yeelanayaa ay yihiin beesha dhexe. Wax qaybinta Guddoomiyuhuna waa taas shaqaalaha intaas le,eg ka siisay beelaha kale 1% wixii uu gacanta ku hayey.
- Waxaa kale oo doodii saaxiibkay, sarkaalkii wadani iiga soo baxday in Musharaxa wadani iyo haldoorka beeshiisu ay doonayan in ka soo jeeda beeshu aanu cid kale u codayn, beelaha iyo deegaanada kalena la yidhaahdo QABYAALADDU WAA CEEB EE KA XISHOODA.
- Waxaan is barbar dhigay, sida gabeedka Burco loogalana dhaqmo siyaasiyiinta degaanadaas eek a tirsan xisbiga Kulmiye, sida Caddaani, Shukri Bandare, Bukhaari, Axmed Cabdi Dheere iyo qaar kaloo badan iyo sida loo buunbuuninayo xubinihii la haybta ahaa Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee shalay ubaxyada la sudhay ee la fooladiyey oo lagu tilmaamay rag qabyaaladda ka koray oo gartay wadada Qaran dhiska. Hadda Caddaani lama odhanayo waad ka kortay qabyaaladdii, waxaa looga yaqaan Xisbiga Wadani iyo Galbeedka Burco , kaba qaad aan tolkii magac iyo maamuus ku lahayn. Cajiib.
Markaa xaalku sow maaha in la yidhaahdo Wadaniyow Qabyaaladu ha wada dhacdo ama ha wada noolaato. Doodu waa xaggiina, arrimihii nabadgelyada iyo hanjabaaddii khudbadda ku jirtayna faaladeedu waa baeen dambe in shaa allaah.