Qado Sawirro Wadata Oo Ku-simaha Madaxweynuhu Ka Dalbaday Hudheel Aan Hore Looga Baranin

0
47

Madaxweyne ku xigeenka waxaa Wehelinayay Xubno Wasiirro Ah Iyo Xildhibaanno Golaha Deegaanka Hargeysa Ka mid ah

qado-sawir-wadata

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno wehelinaya oo iskugu jira wasiirro mudanayaal golaha deegaank ah, ayaa si lama filaan ah lagu arkay isagoo ka qadaynaya hutel yar oo cuntaddda laga cuno oo ay ka cunteeyaan dadka bulshada reer Hargeysa. Hadhimada Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha wehelinayey ku lahaayeen Hutelku yaalla xaafadda Jig-jiga yar ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo ASLI, ayaa ahayd mid sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay, isla-markaana bulshada lala wadaagay, taas oo ka duwanayd qadooyinkii hore loogu yiqiinay masuuliyiinta xukuumadda. Waxaana madaxweyne ku xigeenka qadadda kula weheliyey Maayarka Caasimada Hargeysa, Maayar ku xigeenka, Wasiirka Arrimaha gudaha, wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada, Wasiiru Dawlaha Biyaha, wasiirudawlaha Arrimaha dibeda, wasiir ku xigeenka qorshaynta Qaranka, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Goobtaasi oo ahayd goob ganacsi balse aanay shacbigu ka filayn in madaxweyne ku xigeenku si kedisa uu ugu leexdo kana qadeeyo taasi oo shacbigii ku sugnaa goobtu ay aad u soo dhaweeyeen ku simaha madaxweynaha, waxa sidoo kale dareenkeeda ka hadashay mulkiilaha Asli Restaurant oo ah qof haweenay ah ayaa u mahadnaqday madaxweyne kuxigeenka inuu ku soo baydho shacbigiisana uu la qadeeyo, waxaanay sheegtay in markii ugu horaysay ay tahay in madax sarsare oo intaa leeg oo ka socda xukuumada ka qadeeyaan hoteelkeedda. Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha la socday oo tiro badnaa, ayaa muddo mashquuliyey Hutelka, waxana dadweynihii halkaas ku sugnaa ay si weyn u hadal hayeen qadada sawirrada iyo muuqaallada laga duubayo ee xubnahaasi halkaas ku yeesheen, iyada oo aanay jirin cid si gaar ah loosoo casuumay oo goobta timi.

huteelka-asli

Qadada xubnaha is-watay ee uu madaxweyne-ku-xigeenku hoggaaminayey Isniintii dorraad ku yeesheen Hutel ASLI, ayaa noqonaysa middii ugu horraysay ee xubno intaas le’egi iskugu yimaadaan goob meeqaamkeedu hooseeyo, isla-markaana sawirradii laga qaaday lala wadaago bulshada kala duwan ee ku dhaqan gudaha iyo dibaddaba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here