INTAAS KADIB WAXAYNU MAANTA HALKAN UGU DALBANAYNAA, CAFIS SAXIIBKEEN;-AQOON YAHAN JAMA JIIR
(AQOON YAHAN JAMA JIIR)
BISMILLAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.
SALAAMU CALYKUM WA RAXMATULAAHI WA BARAKATUHU.
INTAAS KADIB WAXAYNU MAANTA HALKAN UGU DALBANAYNAA,
CAFIS SAXIIBKEEN;-AQOON YAHAN JAMA JIIR IYO INTA KALE LA MIDKA AH
OO AYNU LEENAHAY HA LA SII DAAYO>
1-QOLO HADDUU KU HEERYAYSAN YAHAY,AMA QABIILKIISA,
UU QARAABO KIIL YAHAY,TOLKII BAA QADARINLAAYE,
JIIR KAMA QADEEYEEN XABSIGA,QAAN SIDUU GALAY.
2- QALOOC WAX ULA MUUQDUU ARKOO,QORAY AQOONTIISE,
QAWLKII XORNIMO LOO YIDHAA,QOONSIMAAD NOQOYE.
QAFIS KUMA JIREEN JIIR,SIDUU QUDHO DAD SOO GOOYEY.
3- QUWAD SHEEGASHADU WAXAY DHASHAA,QARAX LA EEDAYE,
QUSUR RUUXI GALAY WUU YAQAAN,QAXARKA YAAL JEELE,
QAANAAN HADHAYN LAMA GALIYO,QADAF COLAADEED BEERA.
4-QALAD HADDII U DHACO INAD SAXDAA,WAA MID QAAYIBAN,
QORSHAHAAGA ADIGOO DHIGTAYBAA,TALO LA QUUDAAYE.
QUSHI LAMA YIDHAADUUN SIDOOD,QAAN MA GAADH TAHAY.
QAYLA DOON AYAAN MAANTA AHAY,AAN LA QADINAYNINE,
QISAASTEE WIXII LAGU QABSADAY,WUU QARSOON YAHAYE,
QIIL LAGU BANAYSTIYO QANDIBA,QIRO WADAADOOW DHEH.
6-QUNYAR SOCODKA QODAXDAABAN MUDIN,QOOBKA UU DHIGO,
QOF QOF NECEBI QADAFKUU FALAA,QARANKU EEDAAYE,
QADER IYO QORAAL EEBAHEEN,YAAN LA QABANAYN.
7-QAATI BAY KA JOOGAAN DADKII,SOO QABOO XIDHA,
QAS WIXII ABUURAYA WAA LAGA QASHAAFAAYE,
QALALAASAHAY JECELYIHIIN QOONKAN TALIYAA.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Kampala/Uganda