Hargeysa (Hubaal) Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in dhammaan waraaqihii lagu codeynaayay iyo agabkii kale ee lagama maarmaanka u ahaa doorashada madaxtooyada Somaliland ay soo gaadheen magaalada Hargeysa.
Afhayeenka guddiga doorashooyiinka Soomaliland Saciid Cali Muuse , ayaa sheegay in qalabkani doorashada laga keenay dalka Imaaraadka carabta.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qalabkani oo warqadaha codaynta iyo foomamka ay ka mid yihiin ay soo gaadheen Hargeysa maanta.
“Waxa aan u xaqiijinayaa dadka Somaliland in wax alaale iyo wixii la doonayay in doorasho lagu galo guddiga doorashooyiinka qaranka wax ka maqan haba yaraatee ma jirto ” ayuu yidhi mr Saciid.
Afhayeenka guddiga doorashooyiinka Soomaliland Saciid Cali Muuse ,oo waraysi siinayay BBC ayaa sheegay in qandaraaska daabacaada warqadaha codeynta ay siiyeen shirkada Al Qureyr ee fadhigeedu yahay dalka Imaraadka Carabta.
Mr Saciid ayaa intaa ku daray in ay sugi doonaan ammaanka qalabka doorashada islamarkana ay wax waliba hubiyeen.
Doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 13 Nofembar 2017.