Qalin jabisee maxaad qaban? Qalinkii: Eng .Idiris  Dayib  Cabdi

0
47

 

 

Waxa xusid mudan in  mudooyinkii  ugu danbeeyay  ay dalka ka qabsoomayeen xaflado is daba jooga oo qalinjabineed oo ay arday tiradoodu kor u dhaaftay kumanaan  kaga qalin jabiyeen jaamacadaha dalka  kana qalin jabiyeen kuliyado kala duwan hadaba waxa ardaydaas kala qayb galay qalinjabintooda  madax-weynaha  jumhuuriyada soomaaliland md:Axmed maxamed maxamud(siilaanyo ) iyo raxan wasiiro ah kuwaasi oo ardayda si  isku mida ugu  bogaadiyay midho dhalka cilmigii ay mudada u soo halgamayeen .hadba waxa iyana xusid mudan inaan ardaydaasi tirada badan ee dalka u qalin jabisay aanay badidoodu hayn waxa camala oo ay qabtaan  taasina ay caqabad ku noqon karto geedi socodka waxa barasho ee ay ardayduu aqoontooda halkaasi  ay hada gaadhay kor uga sii dhaafi lahayd .Hadaba camal la’aan taasi baahsan ee asiibtay da’a yarta aqoon yahanka  ah ayaa sobobtay in dhalin yaro tiro badani  wakhtigooda ku lumiyaan inay fadhiyaan maqaaxiyaha iyo goobaha dhalin yaradu ku kulanto,halka ay qaar kalena naftoodii ku biimeeyeen jidka silica iyo saxariirka badan si ay ugu beegsadaan marxalad marxada ay hada ku jiraan ka gadisan taasi oo qaarkood dhexda ugu sii dhimanayaan  silic ,darxumo iyo gaajo hadaba  musiibadan isugu jirta camal la’aanta iyo tahriibka ee  ku habsatay dhalinyarada  oo ah ubaxii dalka ayaan ilaa hada jirin waxa ugu meel yaal xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay mada-weyne AXMED SIILAANYO  sidii loo xakamayn lahaa camal la’aanta tirada beeshay ee sobobtay inay da’yartii dalka ka dhamaato kuna lee’ato  badaha iyo saxaraha dheer  u dhaxeeya liibiya iyo suudaan .hadaba musiibadan  tahriibta ayaa ah mid maalin walba u soo hoysa khasaare naf iyo maalba isugu jirta qoysas reer soomaaliland ah oo inta waalidiinta lacag tiro badan la ga qaado hadana  ilmahoodii  la dilo ama badaha la gu tuuro .hadaba tahriintabtan ayaa ah mid waalidiin tiro badan ku abuurtay warwar iyo walaac oo halka ay ilmihii ay ku tabceen ee ay waxa bareen ka filayeen inuu naftiisa iyo naftoodaba waxa taro uu naftiisa ku biimeeyo tahriib marka uu waayo wax uu qabto amaba uu ka shaqeeyo .hadaba shaqooyinka dalka laga qabto ayaa noqday qaar ku salaysan beel ama wajir garasho taasi ayaa sobobtay in qofka aan haysan cid la waji garanayo oo uu ku daba faylo ama aanay beeshoodu awood ku lahayn ilaha dhaqaale ee dalka inuu ku dhiirado inuu naftiisa ku biimeeyo halistaasi tahriibta (ma dhiirado nimaan garab waxa lagula dhisayni).sidaasi darteedIdiris  Dayib  Cabdi shaqadii ayaa noqotay maxaad taqaanaa mahee  waa ayaad taqaan.hadaba waxa aan u soo jeedin lahaa xukuumada ,hayadaha dawlada iyo kuwa maxaliga ahba in hoos loo eego baahiyaha da’yarta aqoon yahanka ah loona sameeyo ajandayaal lagu horu marinayo loogana faa’iidaysanayo muruqooda iyo maskaxdooda  si loo kaantaroolo camal la’aanta tirada beeshay ee sobobtay tahriibta .waxa iyadana sidoo kale muhiima in la xuso in dhalinyarada da’da yar ee  maalin walaba jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadaba ka qalin jabinaysa laga qayb galiyo siyaasada dalka oo lagu carbiyo sii aay iyagu hadhaw dalka waxa ugu qaban lahaayeen lana dareen siiyo inuu dalku dalkoodii yahay si jiilba jiilka uu ka danbeeyo uu ugu dhiirado sidii uu dalka waxa uga noqon lahaa .sidaasi darteed waxa muhiima in la helo wasiiro ama wasiiro ku xigeeno  da’yar ah oo ah ku wakhtiyadaasi ka qalin jabiya jaamacadaha  si markaasi uu waxa badan uga badalo geedi socodka ama habsami u socodka shaqo ee wasaaradasi isana uu uga helo khibrad iyo aqoon dheeraada .hadaba waxa inta badan la maqlaa in wasiir ku dhaw 50jir ama dhaw iyo 50jira la yidhaa  waa dhalin yaro taasi macnaheedu waa  da’aha inaasi ka yar waxba looma hambayn  ama waxaba looma ogola mar hadii wasiirkii 50jirka ahaa wali dhalin yaro yahay.Si kastaba ha ahaatee xukuumada haatan talada dalka haysa ayaa halku dhigeedu ahaa wakhtigii ay ku jirtay loolanka jigada madaxtinimo (UDUB WAY TAGAYSAAYE  HA TAHRIIBIN ) halkudhigan ayaa ididiilo  badan galiyay dhalin yarada dalka  oo ay is lahaayee isbadalka dalka ka dhacayaa waxabadan ayuu noloshiina ka badali doonaa  oo shaqooyin ayaa abuurmi doona  oo aqoonta ayaa shaqayn doonta  tiina way dhici waday  taasina waxa ay sobobtay in da’yartii aqoonta lahayd iyo kuwii hada waxabaranayayba inay dalka ka huleelaan markay arki waayeen idiilo ay ku dhiiradaan oo kuwii jaamacadaha ka baxayba  ay geedaha hadhsanayaan.

IDIRIS DAYIB cabdi

Email:idiris_dayib@hotmail.com

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here