“Aniga & Dawladaba sharaf Bay u tahay In aanu Maanta Qali jebinno,…..Dhalinyarada Gobolkana Waxaa n leeyahay”- Xoghayaha fulinta ee degmada Laascaanood
Munaasibada Khamiistii lagu qabtay hotel Casuura ee magaallada Laascaanood ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan bahda aqoonyahanka, maamulka degmada, bahda aftahanka iyo qaybaha dadweynaha gobolka Sool.
60 arday oo dhamaystay waxbarashada heerka koowaad oo ah difcadii labaad ayaa xafladan loogu talagalay sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Illays Axmed Cali Xusseen oo intaas ku daray in jaamacada hadafkeedu yahay sidii loo soo saari lahaa dad dhisan oo isbedel keena.
“Jaamacada waa ta keliya ee inta aan ogahay lagu dhigo dhaqanka iyo luqadda Soomaaliga, waana Jaamacad laga aaqoonsan yahay America, bariga Afrika qaybo Yurub ah iyo guud ahaan degaanada Soomaalida” sidaana waxaa yidhi Cismaan Cabdinuur Xaashi Gudoomiyaha Golaha Hagidda Jaamacada Umadda Illays.
Ardayda Jaamacada dhamaystay waxaa goobta lagu xusay xoghayaha dawlada hoose ee degmada Laascaanood Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud
oo si aad ah ugu muuqdey xaflada.
Daawo muuqaalka