Maalin walba xasuusleh waxay ahayd maalin arbacaa waxaan shirku lahayn Hoteel cigaal Geesta kale waxaan Maanka ku hayay inay qabsoomayso Xalafddii qalin jebinta jaamacadda Golis Ee Burao waxaan geesta kale xog dheeraddda ku hayay habeenimadii saalisadda inay burco soo gelayaan Koox ka tirsan Golaha wasiiradda soomaliland oo ka soo qayb galaya,xalfaddda dhacaysa maalinta arbacadda ee beriya ,waxaan jadwalka ku darsaday inaan ka qayb qaato ka qaayb galka Xalfadda ,maadama oo ay isku arkayaan ,ama ay kulminayso ,Mucaarid ,Muxaafid Qoraa ,Abwaan ,Weriye ,Suldaan ,Caaqil ,Miskiin ,Taajir ,Garre Guntane iyo guud ahaanba Qaynahaa Bulshadda ,aan dib idiin celiyee waxaa bilaabantay xalfadii waxa uu qof walba diyaarsaday wixii uu kaga qayb qaadanlahaa ,Qoladda jaamacadu waxay diyaar saday barnaamijkoodii ,Ardaydiina waxay diyaarsatay Farxad ,niyad samaan ,weriyihiina waxa uu diyaar saday cameraddii ,wasiiradiina waxay diyaar sadeen odhaahdoodii ,mucaaridkiina waxa uu diyaarsaday jawabteeddii,ka dib waxaa bilaabantay ,Khadbadihii allah warbaa soo socdee hayga daalina ,oo aan dhan kale u yar laabtee wasiiradu khudbaday qoranayeen kumay darsan in meeshan aay joogaan Burco tahay laakiin malaaha waxay moodayeen inay Hargeisa tahay Fahanoo reer hargeisa Macaaradnimadooda malaha Daah bay yar saaraane ,burco waa laysu cadeeyaa ,oo qosolna ma jiro qof walba waxa uu diido wuu sheegaa markaas hadalka waynu sii wadidoonaaye aan xageeenii u soo jar jiicee Qudbadihii ayaa socday Dadkoo hostaa ka doonayaay odhaahda mucaaridka iyo Gantaalkii Faysal ku Ridii jiray Dawladda ayaa inaankii xidhiidhinaayay yidhi waxaan ku soo dhawaynayaa Gudoomiyaaha Xisbiga Ucid En Faysal cali xuseen ,waxaana sawaxan iyo Sacabo tun Sookacay Faysal Hadda la soco Hangoolkiina wuu sitaa ,Saalaan Dheer oo Hangoolka Korlootaagay ka dib dadkuna sacabka raacinayeen waxa uu fuulay Top memberkii ,waxaana uu Hanbalyo ,Salaan sharefeed,u dulucadda u geliyaba waxaa uu soo gaadhay ileen jaanisbaa laysla wadda gaadayaaye Xiligii uu ku Ridilaah Gantaalka Dawlladda ‘’Laakiin faysal waxa uu Qosol iyo Beercaddad geliyaay dadkii waxaana uu yidhi’’ Maanta Dawlladda waxba laga sheegimaayo-Oo wasiiro badan ayaa fadhiya ,,waxaa meeshii is qabsaday sawaxan sacab iyo kala gees gees oo ninba waxabuu jeclaa inuu faysal dhaho maadama oo uu yahay afkii mucaaridka ee goobtaa joogay ,, aan mucaaridka ka wadda dhamaane waxaa iyana goobtaa fadhiyaay musharax Jamaal Cali huseen Musharax –ku xigeenkiisii c rashiid xasan mataaan ,iyo qaar kaloo badan .
Ka soo wareegtay mucaaridkii la ogaa laakiin waxaa dilaacidoonaa mucaarid kale oo aanay wasiiraddu ogayn oo wa ayo? Waad ila ogaan ee la soco bal waxaa iska daba hadlay Dawladii iyo waxay cago ku jiidato,waxaana wasiiradda ugu horeeyaay wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyaradda allaha tolow muxuu la kulmay ? ma soo dhawayn? Ma sacabotun? Ma hanbalyaayn? Ba ila eega haddaba waxa uu la kulmay waxaa uu soo kacay iyadoo sacabka loo garacay lkn jab la maaganyaahay waxa uu isu taagay qudbad waxa uu ku horaysiiyaay Hanbalyaayn ,Bogaadin ,Soo dhawayn ,laakiin Reer Burao war kama hayee waxa uu soo gaadhay isna jaaniskii uu islahaa kaga faa idayso ileeen waynagii nidhi jaanis ayaa laysla wadda gaadayaaaye’’waxaa uu yidhi kelmad Goobtii u Rogtay Sawaxan ,,waxa uu yidhi markii uu hadalkii soo waday Reer Burco Sagaal sanno ayaay Mucaarid soo ahaayeen muracadnimadii way ka daaleen soow———maaaaaaaaah? Jawaabtuu sugayaay waxay ahayd (———HAAAAAAAAAAAA) laakiin waxaa uu la gulmay waxa ka duwan waxaanay ka soo qayb galayaashii ku jawaabeen (Maya —-Maya – Oow — Oow Ka fadhiiso meesha ,wallow ay qaar xaga danbe ka lahaayeen Guul – wade guul wade?) markaas waxaa uu wasiirkii ku waashay kelmmad kale oo aad u xaraabo badan kelamdaas Ciwaan kalaan u samaynaynaa Qoraalkaa dheer manta intaa ayaan ku joojinayaa iinsha allah .lasoco Qaybta labaad? Kelmadii wasiir iyo Waxay xalfadii kaga Qayb galeen wasiiradii kale iyo Gurxankii Xalfadda Dibadeed,iinsha allah.
Prepared:Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)