Qaqan-Qaabada Shir-Beeleed Aanay Xukuumaddu Ku Faraxsanayn Qabashadiisa Oo Ay Xalay Beesha Gobolka Saaxil Iclaamisay Goobta Iyo Goorta Uu Qabsoomi Doono

0
40

Xukuumadda Oo Qorshaynaysa Baleyn ay Kaga Mid Noqonayso Ergooyinka Shir Beeleedkan

 

Guddaha Ka Akhri: Shir Doceedyo Ay Dhowrkii Caano Maal Ee Lasoo Dhaafay Madax Dhaqameeda Saaxil Ku Faaqideen Shirweynahan Oo Ka Qabsoomi Doona Deegaanka Baxarasaaf

Hargeysa:(Hubaal)-waxgaradka, siyaasiyiinta iyo salaadiinta beesha gobolka Saaxil, ayaa isku raacday inay iskugu yimaadaan shirweyne loo dhan yahay oo lagu lafoguri doono muranka ka taagan maalgelinta marsada Berbera iyo waliba arrimo kale oo beesha dhexdeeda ah.13582422_1039614636107857_479627161_o

Sida wararku sheegayaan, shirar-doceedyo muddooyinkii ugu dambeeyey beesha hoggaankeeda iyo siyaasiyiinteeda  uga socday magaalada Berbera, ayaa noqday qaar khilaaf xooggaani ka dhex dhashay, waxana taasi keentay in lagu baaqo shirweyne ballaadhan oo arrimaha la isku mari la’yahay oo ay shirkadda DPWorld ugu horrayso lagu qaadaa dhigi doono.

Shirweynaha beeshani yeelan doonto, ayaa la isla gartay in lagu qabto tuulada BAXRO-SAAFKA ee gobolka Saaxil, waxana lagu casuumay waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta beesha oo haatan si weyn iskugu khilaafsan maalgelinta xukuumaddu dabada ka riixayso ee marsada Berbera lagu wado.

Shirweynahan oo lagu sheegay inuu noqon doono mid aragti midaysan oo danta gobolka saaxil laga soo saari doono ayaa la sheegayaa in loo qoondeeyey inuu qabsoomo  29-ka bishan Jully ee aynu ku jirno sanadka 2017-ka, waxana maalmaha Ciidul-fidriga la gudo geli doonaa diyaarinta ajandihiisa.

Xukuumadda, ayaa la sheegayaa inaanay shirkaas ku faraxsanayn, balse xubno siyaasiyiin beesha kasoo jeeda oo maalgelinta marsada Berbera la dhacsan, ayaa isku dayaya inay xukuumadda ku qanciyaan inay shirkaas taageerto, isla-markaana culays badan saarto sidii natiiijada kasoo baxdaa u noqon lahayd mid u janjeedha dhinaceeda, waxana xubnahani doonayaan in dedaal dheer loo galo sidii shirkaasi u noqon lahaa mid aakhirka laga soo saaro natiijo xukuumadda dani ugu jirto, taas oo aan la hubin sida ay ku suurtoobi karto.

Lama garan karo natiijada shirkaas kasoo bixi doonta, balse talo-qabeenka beeshaas oo shirkan horboodaya, ayaa si weyn ugu ololaynaya sidii loosoo saari lahaa natiijo lagu wada qanacsan yahay oo danaha gobolka iyo beeshuba ku jiraan, balse waxa jira xubno tiro badan oo gucle orod ugu jira in lasoo saaro natiijo loo midaysan yahay oo lagaga soo horjeedo dhaqdhaqaaqyada shirkadda DPWorld ka waddo magaalada Berbera oo ilaa iyo haatan shacabka deegaanku ka muujinayaan dareen taban.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here