Nuxurka Qoddob Ay Labada Dhinac Kalsooni Ku Dalbadeen Oo Yoolkiisu Dhinac Kasta SAameeyo
Jabuuti (Hubaal)- Wadahadalo Jabuuti martigelisay oo afar maalmood uga socday dawladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo, ayaa shalay laga soo saaray 8 qoddob oo aan masiiri ahayn, hase yeeshee lagu xoojinayo iskaashiga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada dhinac. Waxa qoddoban u kala saxeexay labada dhinac Guddoomiyihii ergada Somaliland Maxamed Mixille Boqore oo u saxeexay Somaliland, halka Maxamuud Sheekh Cumar Xasan uu isna u saxeexay dhinaca maamulka Khaatumo.sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagaga hadlay wada-hadalladan oo ay xukuumaddu soo saartay waxaa tallooyin iyo baaq loo diray beello kasoo jeeda gobolka Sool oo farriin cod dheer loogugu baaqay in islaaxintooda iyo nabadgelyada deegaannadaas simidaysan looga wada shaqeeyo. Qoraalka xambaarsan qoddobada kasoo baxay Wada-Hadlada Somaliland Iyo Khaatumo waxaa uu u dhignaa sidan: “Waxaa 25 March 2017 ilaa 29 March 2017 ka bilaabmay shir ay isku yimaadeen Guddida Wada-hadalka ee Somaliland iyo Khaatumo, kaas oo ka qabsoomay Dalka Djibouti. Shirkaas oo ku bilaabay, kuna dhamaaday is afgarad qodobadii laga wada hadlayey. Shirkaas waxaa laysla gartay, oo ka soo baxay qodobadan soo socda:
- Waxaa laysla qaatay in si sugan looga wada shaqeeyo arrinta nabadeynta ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee (Baharsame iyo Qayaad), si buuxdana u tageerno, iskuna garab taagno Guddida nabadeynta ee hawshaa gacanta ku haysa.
- Waa in wixii faro galin ah, gudaha iyo dibadaba ee wax yeelayn kara nabadeynta labadaas Beelood meel looga soo wada jeesto.
- Waxaa si buuxda layskula qaatay in hawlaha Abaaraha iyo horumarinta deegaamadaas layska kaashado si wadajir ah.
- Waxaan si wadajira ugu baaqaynaa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba, ay ka hawl galaan dhamaan gobollada iyo degmooyinka aaney hore u tagi jirin, halkaas oo aaney imika wax nabadgelyo daro ahi ka jirin, loona sameeyo guddi wadajir ah.
- Waxaa laysla gartay in maamul daadejintu aasaas u tahay nabad kuwada noolaanshaha iyo kobcinta awooda bulshada, sidaa daradeed waa in la gaadhsiiyo oo laga abuuro maamul iyo adeega bulshada meelaha aaney hore uga jirin, ha’yadaha samafalkuna doorkooda ka qaataan.
- In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo caqabadeyn kara hanaanka wada-hadalada laba dhinac.
- In wixii dhiig iyo dhaqan ku saabsan lala kaashado goloyaasha dhaqanka si wadajira.
- Waxaa laysla qaatay in guddidii farsamadu soo diyaariso qabashada shirka danbe , soona cayinto goorta iyo goobta sida ugu dhakhsaha badan.
- Waxa laysla qaatay in yoolka wadahadaladeena uu saldhig u yahay is aaminid, wada-shaqayn, nabadgelyo, horumar dhan kastaba ah.
Gudoomiyaha Waftiga Somaliland, Mr.Maxamed Mixile Boqore iyo Gudoomiyaha Waftiga Khaatumo Mr.Maxamoud sheikh Cumar Xasan