Ra’yul caamka bulshada Hargeysa Iyo Sida Ay U Dareemeen Isu Soo Bax Dhiig ku daatay Oo Oromadu Samaysay
Reysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Sheegay In Dawladdiisu Gacan Bir Ah Ku Qaban Doonto Kooxo Uu Ku Tilmaamay Qas-wadeyaal Oo Ku Dhex Gab-banaya Dibad-baxan
Addis ababa (Hubaal-W/wararka)- Ra’iisal-wasaaraha dawladda federaalka ah ee Itoobiya Atto Hailemariam Desalagn ayaa ka hadlay rabshadihii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay dalkiisa kuwaas oo ay dibadbaxyo iyo mudaharaadyo xasillooni darro abuuray ay ku sameeyeen qowmiyadda oromadu. Raysal-wasaaraha Itoobiya waxaa uu sheegay in ay dawladdiisu gacan bir ah ku qaban doonto wax uu ugu yeedhay qas wadayaal aan ka talinayn danta dalkiisa. Mr. Hailemariam oo warbaahinta maxalliga ah ee dalkiisa la hadlay waxaa uu farta ku fiiqay in dibad-baxyadaasi ay dadka samaynaya ku dhex jiraan kooxo qas-wadeyaal ah oo meel ka dhac ku sameeyay hay’ado dawli ah iyo kuwo rayidku leeyahayba. “Waanu ka war haynaa kuwa qas wadayaasha ah in ay dileen xooggaga amnigu, isla markaana ay gubeen xarumaha dawladda iyo hantida dadweynaha” sidaa ayuu yidhi Raysal wasaaruhu, isaga oo intaa ku daray “waxaan ku qaban doonnnaa gacan bir ah”. Hoggaamiyaha Itoobiya waxaa uu hoosta ka xariiqay waajibaadka ay dawladdiisu ku wajahayso dhacdooyinkaas oo aan in muddo ah looga baran qowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dhulkaasi, sidaasi oo ay tahayna ay xukuumadda oo gacan ka helaysa aqlabiyadda shacbigu qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah kooxahaasi.
Dibad-baxyo waaweyn ayaa tan iyo toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday gobolka Oromiya, oo ka tirsan sagaalka is-maamul goboleed ee dalka Ethipoia, ayaa ay ku dhinteen tiro badan oo shacab ah, inkastoo xukuumadda dalkaasi ay sheegtay in shan ruux ay ku dhinteen, waxaana amuuraha sababay Dibadbaxyadani ay dadka u dhuun daloola siyaasadda dalkaasi ku fasireen in ay horseedeen kadib markii ay dawladdu ku dhawaaqday go’aan lagu ballaadhinayo magaallo madaxda Addisababa oo si weyn u fidaysay sanadihii la soo dhaafay, sidaasi darteedna uu qorshe [town plan] ah oo loo dhigay in lagu ballaadhiyo bedka ay ku fadhidaa uu gaadhay ama galayba qaybo kamid ah gobolka Oromiya. arrintaas oo ay shacabku ka hor yimaadeen.
Dibadbaxyada Oromada iyo Tallaabada Maamulka Addisababi ku suuliyey oo laga dareemay Somaliland
Mudaharaadka ay sameeyeen qawmiyada Oromadu ee ay ku diidan yihiin sida la sheegay fiditaanka caasimadda dalkaasi iyo tallaabada ay kaga jawaabtay dawladda dhexe ee Raysal wasaarare Hailemariam ayaa laga dareemay dhinaca Somaliland, gaar ahaanna magaalo madaxda Hargeysa, taas oo goobaha barkulanka ah ee dadweynuhu isugu yimaado hadal hayntiisa lagu falanqaynayay. Ra’yul caamka bulshada ku dhaqan Hargeysa, gaar ahaanna dadka u dhuun daloola siyaasadda iyo dhaqdhaqaaqa dhaqan dhaqaale ee dalkaasi Itoobiya ayaa siyaabo kala duwan u tafsiiray amuuraha saldhiga u ah iyo halka eelku ka qoonmay.
Waxaana ay arrintaasi ku tilmaameen mid sii socoshadeedu aanay wax u dhimayn oo keliya killillada uu dalkaasi ka kooban yahay hase yeeshee uu Somaliland lafteeda siyaabo kala duwan uu saamayn ugu yeellan karo. arrimaha ganacsiga, amniga iyo weliba isu socodka badeecadaha kala duwan ee ay baayac mushtarku isu weydaariyaan dalalka Somaliland iyo Itoobiya. Meelaha ay si gaar ah u saameeyeen xiisadda isu soo baxyadaas waxaa ka mid ah ganacsiga jaadka Itoobiya oo intii dhaqdhaqaaqa oromada iyo xakamaynta dawladdu socday gabaabsi ku noqday Somaliland oo ah suuqa ugu weyn ee ay itoobiya keento xaddiga ugu badan ee jaadka ka soo go’a beeraheeda, halkaasi oo intii xiisaddu jirtay la dareemay in uu yaraaday jaadkii taas beddelkeedana uu kor u kacay qiimihii uu hore uga joogay seylada [koleyada] ay muqayiliintu ka iibsan jireen.
Qaar kamid ah shirkadaha jaadka ka soo waarida dalkaasi oo ka hadlay kor u kaca qiimaha jaadka ayaa sheegay in uu maalmihii u dembeeyey yaraa xaddiga ay keeni jireen dalka, taas oo sababteeda ay ku xidhiidhiyeen xaallada ka jirta dhulkii uu ka beernaa oo ay u badnaayeen qowmiyadda dibad baxa dhigtay ee oromadu.