“Waan U Mahadnaqayaa Saaxiibada Wax Naga Towday Ee Naga Cadhooday Ee Aanu Soo Ladqabasanay…”-Muuse Biixi
“Waxa Farxad Noo Ah Oo Naga Go’an In Midnimadii Kulmiye Muqadas Naga Tahay Oo Aanu Jecelahay Tartan Xor Ah ”-Maxamed Biixi
Hargeysa:(Hubaal)-Garabyadii isku khilaafsana Habsami u socodka Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa shaaciyey inay ka Heshiiyeen Khilaafkii dhexdooda yaallay, waxana ay tilmaameen inay diyaar u yihiin sidii looga wada shaqayn lahaa tartan xor ah oo Musharrixiinta Kulmiye ku kala baxaan. Go’aankan ay gaadheen musharrixiinta ku loollamaya madaxtinimada xisbiga Kulmiye oo kala ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax aka maqnaa oo aan goobta heshiiska lagaga dhawaaqay ka maqnaa Musharrax Cabdicasiis Maxamed Samaale, kaas oo isagu wali ku maqan dibad-wareeggii uu kaga jirey arrimaha Xisbiga. Kadib shirar saacado badan qaatay oo shalay gelintii dambe uu dhinacyada khilaafka Xisbiga kulmiye u dhexeeyey la qaatay madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo, ayaa aakhirkii keenay in dhinacyadu isku soo shubaan Xarunta Xisbiga, isla-markaana halkaas ka shaaciyaan in la isku afgartay in meesha laga saaro xurguftii dhexdooda taallay, isla-markaana si midaysan loo wajihi doono Arrimaha Xisbiga. Ugu Horrayn Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Musharraxa jagada madaxtinimo ee Xisbigaas Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in Caadada Kulmiye ay kamid tahay inuu is khilaafo kadibna heshiiyo, “Maanta halkan waxa fadhiya Xisbigii Kulmiye oo isku dhan, waana caadadii Kulmiye, waana wax farxad leh oo cadowga Kulmiye-na ka nixi doono Taageerayaashiisuna ku farxi doonaan.shirkaasna waa leeyahay Buuq, Bulaan iyo Khilaafba, laakiin Xikmaddu waxay ku jirtaa sidee loo xakameeyaa, Kulmiye-na awooddaas wuu leeyahay.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shaaciyey in gebi ahaanba wixii musharrixiinta dhexdooda yaallay meesha laga saaray, waxana uu yidhi, “Halkan maanta waxa jooga musharrixiinta Xisbiga oo dhan iyo raggii Guddida Fulinta, Wasiirro, xildhibaanno oo qoladayada Hoggaanka ka tirsanaysay waxoogaa dhaliilo ah, xaqbaana naloogu leeyahay maadaama xilkii aanu haynay in wax nalaga tabto, annagana waxa waajib nagu ahayd inaanu u caddayno qaladkaas, haddii uu jirona meesha laga saaro, haddii aanu jirina wixii shaki ah meesha laga saaro, maantana waxanu u wada joognaa in arrintaas meesha laga saaray annagoo midaysanna shirkii waa qabsanaynaa hoggaankayagii oo isku dhan.” Guddoomiye Muuse oo hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku adkeeyey inuu soo ladqabeeyey saaxiibadiisa jagada madaxtinimo kula loollamay, kuwaas oo muddo cadho ku kala maqnaayeen, “Waxan u mahadnaqayaa oo soo dhaweynayaa saaxiibadayada wax naga yara tawday ee naga yara cadhooday oo aanu soo ladqabaysanay oo aanu isfahamnay, waana inoo midnimadii Kulmiye iyo tartan xalaal ah.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Ahna Musharrax Jagada madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye Md Maxamed Biixi oo isaguna Halkaasi ka Hadlay, ayaa shaaciyey inuu diyaar u yahay tartan xor ah oo uu la galo saaxiibaddiisa kale, isagoo dhinaca kalena Suulinta Khilaafka ku tilmamaay wax lagu farxo, waxana uu yidhi,“waxa farxad noo ah gebi ahaantayo oo naga go’an in midnimadii Kulmiye muqadas naga tahay oo aanu jecelahay tartan xalaal ah oo xor ah oo loo siman yahay inuu dhaco anigoo ah musharrax Kulmiye ah.” Axmed Cabdi Nuur oo isaguna ah musharrax u taagan madaxtinimada Xisbiga Kulmiye oo hadallo kooban goobta ka jeediyey, ayaa si weyn usoo dhaweeyey is afgarashada laga gaadhay khilaafkii muddada soo taxnaa ee Garabyada Xisbiga u dhexeeyey. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)oo isaguna Halkaasi ka Hadlay, ayaa si weyn ugu ammaanay Madaxweynaha, hoggaanka Kulmiye iyo garabyadii is hayey ee Xisbigaba sida ay khilaafkaas usoo afjareen, “Waxan doonayaa inaan idiin sheego in maanta xamxamtii iyo xantii ahayd in xisbiga Kulmiye khilaaf ka dhex taagan yahay oo ay qaybsan yihiin halkan ku dhammaatay, waxana mahaddaas ilaahay ka sokow iska leh madaxweynaha Somaliland, Hoggaanka Xisbiga, Guddida Fulinta, Musharrixiinta iyo xubnaha xisbiga odayaasha waaweyn eek a qaybgalay sidii la iskugu soo wada dhawaan lahaa, waxana xubnahaas ku ammaanayaa inay maalmo kooban wixii muddada dheer la hadal hayey ku saareen.”ayuu yidhi Wasiir Cuskuse. Wasiirku waxa uu ka Hadlay xubno xisbigu isla gartay inay Hawsha Shirweynaha si wada jira gacanta ugu hayaan, waxana mid mid u magacaabay Xubnahaas la magacaabay, waxana uu yidhi,“Wixii jirey waxa uu u badnaa muran iyo tuhun, waxana lagu heshiiyey in Kulmiye Kulmiye yahay, hoggaankiisu sidiisii yahay, shaqadii socotayna wixii hore loo qabtay dib loo eegi karo, cidda shaqadaas qabanaysa waxa hadhayna dhamaystiraysaa tahay hoggaanka Xisbiga, waxana lagu kordhiyey la taliye ah Wasiir Cadami oo ahaa Guddoomiyihii shirweynihii Kulmiye oo ahaan doona Marjaca loo noqon doono, Hawshase waxa haynaya Afarta Xubnood oo kala ah, Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Md Maxamed Kaahin, Ku-xigeenka labaad, Md Maxamed Yuusuf Waabeeye, ka Saddexaad Maxamed Talyanle iyo Xoghayaha Guud Md Xasan Siciid Yuusuf.” Waxa uu Mudane Cukuse Meesha ka saaray warar sheegaya in madaxweynuhu guddi gaar ah ah u magacaabay Arrinta Xisbiga, isagoo xusay in madaxweynuhu xoogga saaray sidii uu dhinacyada is hayey iskugu soo dhaweyn lahaa, “Sheekada odhanaysa madaxweynuhu Guddi buu xisbiga u magacaabay ma jirto madaxweynuhu Guddi uu magacaabay, waxase uu ku dedaalay in xisbigu isku soo dhawaado marjacna yeesho, hoggaanka xisbigana aan waxba laga beddelin sidii loo wada shaqayn lahaana saaxad dimuqraaddi ah loo bilaabo, saxaaddaas Dimuqraaddiga ah ee GolaKha dhexena musharriintu ku tartami doonaan” ayuu yidhi Mudane Cukuse.