Qaramada Midoobay oo Ergey Cusub U Magacawday Ku Xigeenka Nicolas Key

0
24

New York:(Hubaal)-Peter de Clercq, ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- moon u magacaabay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaalida, kaas oo lagu bedelay Philippe Lazzarini oo hayay xilkaas. peterMr Peter oo u dhashay dalka  Netherlands ayaa sidoo kale waxaa uu noqon doonaa madaxa laamaha Qaramada Midoobay u kala qaabilsan isku dubaridka gargaarka bani’aadminimo iyo horumarinta barnaamijyada ee UN-OCHA iyo UNDP ee Soomaalida. Sida laga soo xigtay  warbixinta ka soo baxday xafiiska Ban Ki-Moon,Mr. Lazzarini oo u dhashay dalka Switzerland ayaa loo magacaabay xidhiidhiyaha xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Lebanon.  Xoghayaha guud ayaa Philippe Lazzarini ugu mahadceliyay shaqadii uu ka hayay Soomaaliya mudadii uu xilka hayay. Mr. de Clercq ayaa waxaa uu inta muddo ah ka shaqeynayay hey’adaha Qaramada Midoobay,isagoo ka soo shaqeeyay dalal uu kamid yahay Suudaan, waxaa uu 27 sano u shaqeynaayay laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.  Bishii May ee sanadkan ayaa sidoo kale waxaa waqtiga loo kordhiyay xafiiska caawimaada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo la siiyay saddex bilood oo dalkaas ay siin doonaan taageero key aadan dib u soo kabashada guud ahaan Soomaaliya Dawladeedda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here