Muqdisho (Hubaal) Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa Shir-weynaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya oo shalay Muqdisho ka Furmay ka Sheegey in marka la gaadho sannadka 2016-ka aan la Aqbali doonin Wax muddo Kororsi ah. Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dorraad si rasmi ah u shaaciyay in aysan Somalia ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah marka la gaadho Sanadka 2016-ka, iyagoo madaxda Somalia ay sheegeen in arritan laga tashan doono shirka Furmay. “Kulan ay shalay yeesheen Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa lagu Ansixiyay Qaraar dhigaya in aysan jirin wax muddo kororsi ah oo Golaha Fulinta iyo Sharci Dajinta Somalia ay sameystaan marka la gaadho xilliga uu Waqtigu ka dhacayo.” ayuu yidhi danjire Nicholas Kay. Sidoo kale Mr. Kay ayaa intaas Raaciyay in Qiimeyn iyo Daraasad uu Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay Sameeyay ay ku ogaadeen in Xaaladaha ka jira Somalia aysan u habooneyn in la qabto Doorasho uu Qof kasta Codkiisa ku dhiiban karo. Danjire Nicholas Kay ayaa dhanka kale walwal ka muujiyey kasoo Qaybgal la’aanta shirka ee Hoggaamiyeyaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).
“Waxaan filayay inay Shirkaan nagala Qaybgalaan dhamaan hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada dalka, balse taasi ma dhicin, waana arrin niyad-jab ah in aysan shirka imaan madaxda Puntland iyo Jubbaland, inkastoo dadaal badan loo galay in lagu Qanciyo inay ka soo Qaybgalaan Shirka.” ayuu yirdhi Danjire Kay. Isagoo sii hadlayay Danjire Kay ayuu intaas ku daray. “Ka maqnaashahooda ay shirka ka Maqan yihiin Shirka Madaxda Jubbaland iyo Puntland waa mid Muujinaysa Baahida loo qabo in si dhaw loo wada-shaqeeyo si loo helo Somalia oo dhidibo adag ku taagan, isla marakaana Mideysan oo Horumartay.” Ugu dambayn wuxuu kaloo ka hadlay Wakiilka QM ee Somalia Horumarka illaa hadda la gaadhay, isagoo Qiray inay jiraan Waxyaabo badan oo wali u baahan in wax laga qabto.