QARAN HURDA (Sleeping nation) Dhibaatooyinka cadaalad darrada Qormadii 4aad

0
24

Bashaar.Waxaa mahad dhamaanteed iska leh ilaahay SWT waxaan kaloo umahad celinayaa saxaafada xorta ah ee inta badan ku hawlan gudbinta wararka, iyo qoraalada saliimka ah.

Waxaan qormadan 4aad oo ka mid ah maqaalkii aan ugu magac daray QARAN HURDA (sleeping nation) aan kaga hadli doonaa (Arimaha cadaalad darrada ah ee ka taagan wadanka.)

ma jecli inaan soo gudbiyo wax xaqiiqda ka fog waxaad inta badan dareemaysaa inay jirto cadaalad darro ka taagan dalka gaar ahaan marka la doonayo in la sameeyo shaqaalo qoris, dereji siin ciidan iyo furasad kasta oo soo baxda.

 

1.waxaad wada ogsoontihiin oo dhammaantiin aad la wada socotaan inay jiraan cabashooyin kasoo yeedhay xagii derejo qaybinta ciidanka qaranka taasoo aad arkaysid ama aad

maqlaysid derejo cid la siiyay oo ku faraxsan iyo mid diidan taasi waxay kuu muujinaysaa in ciidamada loo kala eexaystay derejo qaybintii.

 

2.dhammaan bahda aqoonta baratay gaar ahaan dhalinyarada reer somaliland meel kastoo ay joogaan waxay wada ogsoonyihiin inay soo dhammaatay wakhtigii shaqada sida xalaasha ah loogu tartami jiray lana marayo wakhtigii la isku gacan qaban jiray shaqo raadiska taasina waa cadaalad darro keentay inay dhalinyaro fara badani wadanka ka quusataan kana tagaan

 

3.maanta somaliland waxay maraysaa meel qof kasta oo caqli iyo cilmiba lehi dareen sanyahay inay jirto inaan loo wada sinayn fursadaha shaqo, iyo kuwa deeqaha waxbarshoba.

 

4. waxaan kusoo koobayaa qormadan in dawladu yarayso cadaalad darradda baahsan ee shacabku dareemayaan.

 

waad mahadsantihiin

Alla mahad iska leh

Qalinkii: Abdifatah Bashir Hassan

Burao-Somaliland –

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here