Qaran Iyo Qabyaalad Midkaynu Qaadanaa?

0
42

Ummad kasta oo dunida ku nooli, waxay leedahaya taariikh dheer oo lagu xasuusto sooyaalka taxanaha nonoleed, taa soo la xidhiidha gadgadoonka waayaha ee hadba dhinac u gabidhaclaynaya. Layskuma khilaafsana in ay Bulshooyinku ku kala duwan yihiin, dhaqanka iyo xadaaradaha ay kasbadaan. Hadaba markii dadka Soomaaliyeed uu ILAAHAY ku uumay gayigan aynu ku nool nahay, waxay noqdeen dad ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolodhatonimo, ku waa soo Xoolahooda ula guuri jiray, hadba meesha ku haboonaata daaqsinta Xoolahooda. maadaama ay dadka Soomaaliyeed ahaayeen reer guuraa marba meel ula uguura Xoolahooda, umay suuragalin in ay magaalooyin dagaan, Dawladnimo iyo reer magaalnimana yagleeshaan. Dawladihii shisheeye ee ka soo talaabay badaha marna kumay milmin dadka Soomaalidu, siiba Dawladihii gumaysta yaasha ahaa ee wadanka joogi jiray ee reer Europe. Dadka Soomaalidu marna may aaminin Dawladahaa, madaama ay ahaayeen Dawlado dool ah, isla markaana kiristaan ah.

 Soomaalidii reer guuraaga ahayd waxay sii wateen, noloshoodii raacatada ahayd, taa soo ay aqoon durugsan u la haayeen. Hadaba mar hadaanuu Aadamuhu ka maarmin maamul iyo isku tiirsanaan waxay hindiseen nidaam maamul oo dhaqankooda ku salaysan, kaa soo intii isku reer ihiba ama isku tol ahiba mid ay samaysteen.

 Nidaamkaa maamul ee shacbiga Soomaalidu dhisteen,oo walina sii muuqda waxa ugu sareeyay Suldaan dhaqameed, kaa soo u dhisan qaab boqortooyo, waxa ka sii hooseeyay, Caaqillo ka taageeri jiray, hawlaha maamul ee Suldaanku u egman yahay.

Waxa kaloo iyana jiray odayaal awood badan ku dhex lahaa Bulshada,kuwaa soo ahaa Ninkarmeedka ama ehelu caqliga, waxayna maamulka Suldaan ka caawin jireen hawlo ay ka mid ahaayeen, kala saaridda reeraha wixii dhexdooda ku yimaada, la tacaamulidda Bulshooyinka ay is deegaan gaadhaan.

Waxa maamulkaa askar u ahaa, Ragga xooga leh ee beesha ka tirsan, kuwaa soo wixii hawl ciidan ah u igmanaa. waxa kaloo odayaasha reerku ku wacyi galin jireen, jiilka yar ee soo koraya, in uu tolku yahay tolone, cidwalbana ay waajib ku tahay in uu u hogoonsamo wixii reerku go’aansado, iyo in layska celiyo wixii ay u yaqaaneen shesheeyaha, oo ahaa reerihii ay oodwadaagta ahaayeen ee Soomaaliyeed ku waa soo xafiiltan badani uu u dhaxayn jiray, waxa jiilka yar ee soo koraya loo sheegi jiray in reerkan ay ka dhasheen uu yahay, hormuudka Bulshada deegaan kan , wax walbana iyaga looga danbeeyo. taa soo isla waynaan aad badan ku abuuri jirtay, dhalinyarada ama jiilka yar ee soo koraya.

Hadaba markii 60kii la hantiyay Dawladnimo xor ah tacab iyo dadaal badan ka dib, waxa isla jaanqaadi kari waayay dhaqankii Soomaalidu ku soo caano maashay ee ahaa qabaliga, iyo kii Dawladnimada ee inagu cusbaa.

 Bulshadii Soomaalida ee soo qabantintay dhaqankii qabaliga ahaa, ee ku salaysnaa kala qaybsanaanta iyo xafiiltanka reeraha dhexdooda, waxa ku adkaaday, in ay dhistaan Dawlad tayo leh oo si siman loo wadaago, lana jaanqaadi karta Dawladaha caalamka, isla markaana fulinaysa adeegyadii Bulshada ee looga baahnaa, maadaama dadka soomaalida ay ka dhexeeyeen qulqulatooyin badan, oo qof kastaana ku soo barbaaray iyadoo la leeyahay reer hebel waa shisheeye, waxa ku adkaatay wax wada yeesha, dadkii ay u yaqaanay shisheeyaha.

 Waxa markaa bilaabmay in ay iska hor yimaadaan, beelihii Dawlada u nisba sheeganayay, awoodii dawladana laysku adeegsaday, xaalna ku danbeeyo, Qabiilooyinkii ku dagaalami jiray, QORI midhkaliyaala ah, ay isu fuulaan Taagyo iyo Beebeeyo, iskuna xasuuqaan, Dawladiina isku rogtay Qabiilooyin hubaysan oo is gumaadaya. Waxa markaa, gabi ahaanba meesha ka baxay, Dawladii dhexe ee la wada sheeganayay iyo rajadii shanta Soomaaliyeed.

 Hadaba markii xaal sidaa noqday, waxay Somaliland ka baxday midawgii dhex maray woqooyi iyo koonfur waxaana lagu dhawaaqay, in ay somalilnd dib ula soo noqotay madaxbanaanideedii 18keedii may 1991. Hadaba Somaliland way dhaantaa soomaaliyadii uu dhexmaray midowgu, oo waxa ka jira maamul iyo nidaam shaqaynaya. Laakiin Somaliland waxa lugta jiidaya laba shay oo kala ah qabyaalad iyo aqoonla’aan inaga haysata dawladnimada, waxaana muuqda in Dawladnimadii lagu qiimaynayo wixii ay u igmanayd waxaan ahayn,laguna maalayo dhiil aan keedii ahayn , jihadeeniina laga weeciyay, oo loola kacay meel aanay inagu anfacaynin. Hadalada laga naxayo ee marwalba aynu maqlayno waxa ka mid ah, imisa wasiir ayaynu leenahay, hebel intii uu joogay muxuu ka qabsaday, imisa reerka ah ayuu shaqo geeyay, haddii aynu nahay reer hebel ayaa inoo musharax ah. Mushkiladaha kale ee aynu aragno waxa kamid ah suldaan ama odayaal maqac qabiil sheeganaya oo dadka kicinaya. Waxaa marwalba dhacda siyaasi halkuu shalay amaanayay maanta markii la eryay caayaya. Waxaynu arkaynaa in Qabyaaladii noqoto mid lagu adeegto, nin kasta oo dan lihina uu ku qadhaabto.

 Qabyaaladii waxay noqotay mid aan cidna ka reebanayn, haddii ay tahay Madaxdhaqameed, Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoonyahan iyo Culimo.

Waxa kaloo ay Qabyaaladu inaga hortaagan tahay in bulshadu isdhex gasho is aaminto, danta ay wada leeyihiin u midowdo,himilo iyo hiigsi yeelato, wax wada qabsato, isku tiirsanaato iyo in dawladnimadu inoo shaqayso oo nin kastoo wax tabanayaaba uu dawlada ku tiirsado. Qabyaaladu waxay hor taagan tahay horumarka iyo in la maalgashado wadankeena, waayo waxaynu mar walba aragnaa, iyadoo Kambani ama Shirkad maalgashi laga horgaynayo Qabiil loona dhigayo in Qabiil wato ama cidkale ku danaysanayso ama bulshada sixun loogu turjubayo, sidaasina uu ku baaqanayo horumarkii Bulshadani u haraadanayd, hadaba xagaynu ku soconaa?

Qalinkii: Cumar Axmed Cali

cumarmahad333@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here