Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Oo Sheegay Inay Soo Celin Doonaan Qiimihii Shilinka Somaliland
Hargeysa (Hubaal) wasiirka Wasaaradda maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo shalay warbaahinta ugu waramay xafiiskiisa ayaa ka hadlay hawlaha ku saabsan sidii loo soo celin lahaa qiimaha shililnka Somaliland iyo fulinta awaamiirtii dhawaan ay xukuumaddu soo saartay. “shirkadduhuna way qaateen inay amarka dawladda u hogaansamayaan isla markaana fulinayaan. Maanta (shalay) waxaan qoray war-saxaafadeed amuurtaasi ku waajahan oo ah; dhammaan kastamada jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku yaallaan, inay lacagta cashuur bixiyeyaasha lagu qabto, Kaash Shilinka, si Somaliland ay lacagteeda wax ugu cashuurato, halkii awal jeeg laga qaban jiray, oo isba waa lacage, si aynu u abaarno jewi lacagteena aynu jecelnahay, isla markaana aaanu danaynayno, sidoo kalena aanu tusayno in cashuur-bixiyeyaashu inay cashuurta ku bixiyaan lacagta shilinka Somaliland ee noodhka/kaashka ah.” Ayuu yidhi wasiirku, waxaana uu bulshada Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isuqabsadaan sidii ay u xoojin lahaayeen lacagta dalkooda, waxaanu yidhi; “waxaan doonaynaa ummada reer Somaliland inay iska kaashadaan oo ay lacagtooda isticmaalaan, qaran kastaaba wuxuu ku faanaa lacagta uu leeyahay, waa astaanta labaad ee qaran uu leeyahay.