Hargeysa (Hubaal)-Maxamed Cismaan Bulaas oo ah Mudane katisan Golaha wakiillada Somaliland lagana soo doorto Bariga Gobolka Sanaag, ayaa ku dhawaaqay in wax wada-lahaanshihii Shucuubta reer Somaliland meesha ka baxday, isla-markaana Cid gaar ahi cuuratay Khayraadkii dadka ka dhexeeyey ee la wada lahaa.
Xildhibaan Bulqaas ayaa Kalfadhigii 27-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu doodda ajandaheeda keenay Qoddobo xusub oo uu sheegay in wax lagaga qaban karo Qabyaaladda iyo Kala sarraynta ka jirta waddanka oo uu hoosta ka xariiqay in xukuumaddani caado ka dhigatay.
Mudane Bulqaas oo markii Fadhigaas laga soo dareeray Warbaahinta qaarkeed wax ka weydiisay inuu faahfaahiyo qoddobada uu Golaha horkeenay iyo waxa kallifay, ayaa sheegay in sinaantii shacabka iyo wax wada lahaanshihii Beelaha Reer Somaliland gebi ahaanba meesha ka Baxeen, isagoo intaas ku daray in cid gaar ahi afka la gashay Tuumbadii khayraadka waddanka,
“qaranka looma sinna, Wada-lahaanshihiisu ma sugna, in gaar ah baa iska sheegata, dadka kalena waa lagu Qurxiyey, caalamkaynu wareegnaa ictiraaf baynu raadinaa waase Been oo waxba kama jiraan. Dhulkii baaba aan loo sinnayn.”ayuu Yidhi Mudane Maxamed Cismaan Bulqaas.
Xildhibaan Bulqaas oo Hadalkiisa sii wata ayaa afka ku ballaadhiyey in aanay Beelaha Somaliland si siman u wadaagin khayraadkii waddanka, gar ahaan Beelaha Darafyada, waxana uu tilmaamay in Raggii Somaliland u dhashay ee Turkiga yimi kana socday Dhinaca Somalia ay Ahaayeen Qaar Caddaaladda darrada Halkan taalla Ka Cararay, waxana uu yidhi,
“Caalamku wuu ogyahay in yari ay meeshan haysato, maamulkeeda, dhaqaalaheeda, mashaariicdeeda iyo xilalka waaweyn ee Dawladda Beelaha qaarkood oo darafyada u badanina aanay waxbaba ka ahayn oo D-ka yihiin. Ama waligiinba Turkiga halla tago ama meelkasta halla tagee waxaasaa dadku arkayaan, kuwa diiddan ee Gobolladaas ka tirsan ee Turkiga jooga ee lasoo dirayaa mararka qaarkood xaq bay u hadlayaan markay ogyihiin in meesha caddaadaladi aanay ka jirin, Haddii aanay meeshan caddaaladi ka jirinna Adeer Jahanabaa La Tegayaa oo Somaliland loo xidhxidhnaan maayo.”
Mudane Bulqaad oo Hadalkiisa sii wata, ayaa Golaha Hokeenay xeerar daaha ka faydaya sidii loo dabageli lahaa lacagtii 2%-ga ahayd ee hore loogu qoondeeyey Gobollada Bariga Waddanka oo uu xusay in cid gaar ahi ku takri fasho, waxana uu isagoo arrimahaas ka Hadlaya yidhi,
“Waxyaabaha kale ee Aan Golaha Horkeenay waxa kamid ahaa Xeerka lacagta 2%-ahayd ee Gobollada Bariga loo qaadi jirey si maamul fidin iyo maamul-daadadjin loogu sameeyo in dib loogu noqdo, maadaama aanay sidii ay ahayd u fulin ama loo gaadhsiin Gobolladii waxan lahaa oo si ka baalmarsan loo isicmaalo lacactaas.”
Xildhibaan Bulqaas waxa uu si toos ula hadlay Beesha dhexee Somaliland oo uu sheegay inay Dhamaanba Goobihii muhiimka ahaa iyadu wada qaadatay, waxana uu sheegay inaan Somaliland Gudaheeda wax la wada lahayn oo been la iskugu sheekeeyo,
“Xeerka kala sarraynta qabyaaladda oo aan muhiim u arko ayaan soo jeedin lahaa, Qabyaalad baynu ku shaqayno haddii ay Somaliland nahay, waana kala sarraynaa oo A,B,C,D-baanu kala nahay, caalamkuna waa la socdaa anaguna waa la soconaa, markaa yeynaan Been isu sheegin oo odhan waxbaynu wada leenahay oo Somaliland baynu nahay, waxba ma wada lihine been baynu isu sheegaynaa Dawladdiina idinkaa wada haystaa Haddii aad Beeshe Dhexe tihiin, Meel wal oo ugu sarraysa oo A, ah idinkaa jooga, Ciidamada oo dhan idinkaa wada Haysta kuwa nafta leh, ilaa Hoggaamada ilaa iyo meel walba, kun Janan baad leedihiin iyo kun Kormeere oo meel ay ka yimaadeen aanaan garanayn.” Ayuu yidhi Bulqaas.
Bulqaas waxa uu sheegay Xilalka shilin oo dhan ay Beesha dhexe tunka ku wada sidato, waxana uu yidhi,
“Wasiirrada ugu wanaagsan ee Wada A-da ah idinkaa wada lehe annaga waa D, iyo wasiir-ku-xigeenno iska gidaar ah iyo wasiirro aan naf lahayn oo aan waxba loo dirsan karin oo aan waxba tari Karin oo aan qof shaqo geyn Karin.”
Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Shaqaalaha kala duwan ee Dalka hannaan qabyaaladeed lagu qaato, waxana uu intaas ku daray in ka-hadalka arrimhaaas aanu ka hadhi doonin ilaa iyo inta shacabka uu metelaa xaqooda la keenayo,
“Shaqaalaha Dawladda Qabyaalad iyo reero ayaa lagu qoraa waynu ognahay waxaas, mana jeclin inaynu runta isku sheegno qofka sheegana waa la neceb yahay annaguse runtaanu sheegaynaa waligayna ka Hadhimayno waayo dadbaa nasoo doortay oo aanu u joognaa meesha kana hadhimayno ilaa xuquuqdii dadkaas halkaas lasoo dhigo, bahasha dee ama inagu kala kaxeeya ama waa inaynu siday u helnaa Xuquuqda dalka.” Ayuu yidhi Mudane Bulqaas.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Qabyaalad baa lagu qoraa dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyey beelo gaar ah ayaa la qoraa wasiir halkaas jooga ayaa reerkiisa qora iyo afar meelahaas looga keena, Annagu dad baanu metelnaa cid wax noo qortaana ma jirto, sanad walba laba kun iyo saddex kun baa la qoraa, wasiirraa noogu jira meesha way ka Hadlaan cidi uma joojiso, “
Xildhibaanka ayaa Hoos ugu dhaadhacay Cabashada Beeshiisa iyo Deegaanada uu kasoo jeedo, waxana uu hoosta ka xarriiqay in xataa Caddaalad darradu ka jirto Gobollada Beeshiisa oo Beelo kale ku dulmaamulaan, waxana uu yidhi,
“Gobolka Sanaag waanu ka tirsanahay waxbana kama nihin, imika Sanaag oo kale Beesha aan kasoo jeedaa waa beesha ugu badan 80% Sanaag annagaa leh oo Degna, Haddana waxba kama nihin oo beelo kale oo nala deggen baa haysta Xuquuqdii oo dhan, wasaaradihii, Dawladnimadii iyo meel walba.”
Mudane Maxamed Cismaan Bulqaas waxa uu si cad usheegay in icitaafka Somaliland iman doonin, ilaa iyo inta Caddaalada Gudaheeda ay iska saxayso, waxana uu tilmaamay in Heshiisyadii hore Beelaha somaliland wax wada qaybsiga Khayraadka ugu galeen uu buray,
“ictiraaf aynu helaynaa ma jirto ilaa aad Na raalligelisaan oo gudahayaga ka saxdaan oo aa inagu aynu is isictiraafno, dadku xoolo ma aha way tashanayaan oo xuquuqdoodii bay doonanayaan, Waxana aan Aaminsanahay in Heshiis Reer Somaliland Mar hore ayuu buray, waana in la helaa wixii dadkani xuquuqda u lahaa,” ayuu yidhi Xildhibaan Bulqaas.
Xildhibaanka ayaa meesha ka saaray in maamul hano qaad ahi ka jiro Gobolada bariga, waxana uu ku nuuxnuuxsaday in Siyaasadda Xukuumadda ay kamid tahay inaan Maamulka la gaadhsiin Deegaanada Fogfog, waxana uu yidhi,
“Wax maamul ah oo ka jira Gobollada Bariga fof ma jiro oo xukuumaddani ay gaadhsiisay Ceerigaabo iyo Lascanodna waxba ma dhaafsiisna, Lamana ogola in la gaadhsiiyo siyaasadda xukuumadayna kamid tahay inaan la gaadhsiin 2%-gaasaa kamid ah kharashkii loogu talogalay in lagu gaadhsiiyo meelo kaaase la mariyaa, haddaanu xilldhibaano nahay iyo haddaanu wasiirrada deegaankaas u dhashay nahayna annagaa gaadhsiin lahayn cidise uma ogolla.”
Xildhibaanka oo si aad ah u caadifaydaysani, waxa uu sheegay inuu in badan madaxweynaha qaranka arrintaas horgeeyey, balse nasiib darrada jirtaa tahay inaan wax garawshiiyo dhaafsiisan oo madaxtooyada yaalla jirin, waxana uu yidhi,
“Madaxweynuhu waa hagaag buu ku odhonayaa waa ka qaadayaa, haddana waxba lagama qabto oo waxyaabaha khaldan bay kamid tahay, madaxweynaha kun program baad u geysanaysaa meel baa la iska dhigayaa dib u arki maysid, wixii la doonayaana madaxweynaha la hordhigaa, kun jeer baana aan u geeyey Tabashada shacabkayga madaxweynaha.”
source:himilo