“Qarankani Maanta Cidna Uma Dhutinayo Oo Wuu Isku Filan Yahay Dadkiisa iyo Dawladdiisuna Way Isku xidhan Yihiin”
Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo Weedhihii Kasoo Yeedhay Mas’uuliyiintii Is Maaxdumiyey ku Tilmaamay Hadal Tiro
Hargeysa ( )-Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadallo dhawaan kasoo yeedhay Xubno wasiirro ah oo xilalkii ay xukuumadda u hayeen iska casilay, waxana uu wasiirradaas usoo jeediyey inay Nabadda ilaaliyaan.
Wasiir Shucayb ooSalaasadii Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, kaga falceliyey weedho masuuliyiinta iscasishay ku direen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay inaan hanjabaadi xukuumadda waxba ka qaadi Karin,“cidda maanta hajnabaysa ee Dawladda iyo Madaxweynaha u hanjabaysa, hadalkoodu waa hal bacaad lagu lisay, Madaxweyne Siilaanyo iyo Dawladdiisu ma aha qaar Qori iyo taanki loogu hajnabo, cidkasta oo arrintaas ka hadashayna waxan leeyahay madaxweynuhu doorashuu ku yimi shacabkaana aqlabiyad ku doortay.” Ayuu yidhi Wasiir Shucayb.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata tilmaamay in kuwa Hanjabayaa yihiin qaar aan lahayn caqliyo la jaanqaadi kara duruufta taagan, isla-markaana xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tahay mid ku timi kalsoonida iyo rabitaanka shacabka, waxana uu Xusay inaan danta guud cidna looga baqi Karin, waxana uu yidhi,
“Kuwa sidaas u hadlayaa waxa ay ka dhigan yihiin ilmihii yaraa ee Hooyadii Khuukh ku yidhi, qarankanina maanta cidna uma dhutinayo, cidna uma baahna waana isku filan yahay, dadkiisa iyo dawladiisuna way isku xidhanyihiin. Qof looga baqi karo danta guudna ma jiri karo, qofka iska hadlayna waxanu leenahay Been Baad sheegaysaa.”