Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in khilaafka iyo is-qabsigu yahay wax iska caadi ah, laakiin loo baahan yahay in la helo cid gurmata marka muran dhasho si looga gudbo dhibaatooyinka ka horyimaad.
Md. Axmed-Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyey xaflad qado-sharaf ah madaxtooyada ugu sameeyey hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo gacansatada ku guulaystay in Muuse Biixi ka tannaasulo murrashaxnimadiisa maanta, waxa uu sheegay in dalka Somaliland yahay qaran halgan ugu jira horumar.
“Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu wanaag inoo horseedo. Waxaynu nahay dad had iyo jeer qaran ah oo ku jira halgan, ummadda iyo duniduba hawl badan ka sugayso. Waa wax caadi ah in la is-qabto ama wax la isugu yimaad, laakiin qarankeennu waa inuu lahaado qayb marka la is-qabto gurmata oo wax xallisa, iskuna keena dadka si aynnu mar walba uga gudubno dhibaatooyinka innaga horyimaad,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Waxa kaloo uu u mahadnaqay ganacsatada ku guulaystay xallinta khilaafka la xidhiidhay murrashaxnimada ee xisbiga talada haya, waxaannu yidhi; “Waxa farxad weyn manta [shalay] ii ah in aynu qaddadan isugu nimo innagoo xallinnay hawlihii dhex yaallay xisbigeenna. Waxaan jecelahay in aan mahadnaq ballaadhan u jeediyo odayaasha sharafta leh ee doorka weyn ka qaatay xallinta khilaafkaas iyo isu-keenka ummadda reer Somaliland, waanan soo dhawaynayaa, una mahadnaqayaa.”
Afar gacansade oo kala ah; Maxamed Aw Siciid Geeddi, Jaamac Oomaar Seed (Oomaar), Rashiid Ibraahim Ciise iyo Maxamed Xuseen Axmed (Indho-birta), ayaa ku qanciyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi inuu murashaxnimada uga tanaasulo madaxweyne Siilaanyo, kuwaasoo labada masuul is horfadhiisiiyey habeenkii Sabtidu soo galaysay ee toddobaadkan, isagoo guddoomiye Biixi si rasmi ah u shaaciyey inuu murrashaxnimadiisa ka tannaasulay maalintii Sabtida.
Ganacsatada khilaafka KULMIYE xalliyey oo goob-joog ahaa xafladda qado-sharafta ah ee madaxweynuhu sameeyey, waxa afkooda ku hadlay ganacsade Rashiid Ibraahim Ciise, kaasoo Ilaahay ka baryey, kuna duceeyey in khilaafka ay xalliyeen aannu dib dambe u dhicin, waxaannu yidhi; “Waxaad u mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo casuumada noo fidiyey, gartayna wixii aannu qabannay. Waxa kaloo aan u mahadnaqayaa ummadda Somaliland. Waxaan leenahay waxaas aannu xallinay inay sidaas ahaadaan oo aanay noqon wax burbura ayaan Ilaahay ka rajaynayaa, waxaanan labada odayba (Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi) in aanay wax dambe isku khilaafin, dibna loo maqal, sidaasna xisbiga KULMIYE gacanta isku haysto, guushana ku gaadho.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo isna xafladdaas ka hadlay, ayaa ganacsatada uga mahadnaqay dedaalka ay u galeen sidii loo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE.
“Odayaasha baayacmushtarka ah waxaan uga mahadnaqayaa guushan weyn ee ummadda reer Somaliland maanta u baahnayd ee ay gaadheen. Waxaan u mahadnaqayaa madaxweynaha ummadda oo ka garawsaday, aqbalayna wanaagga iyo talada wanaagsan ee loo keenay. Waxaan u mahadnaqayaa Muuse Biixi Cabdi oo Guddoomiyaha xisbiga ah, aadna aan ugu tahniyadaynayo gobonnimada uu sameeyey, garashada iyo dul-qaadka uu sameeyey, isagoo dadka u oggolaaday in danta dalka iyo ummadda Somaliland meel ku jirto, xisbiga Somaliland ee KULMIYE uu mid qudha yahay. Arrintaas aad ayaannu ugu faraxsanahay. Waxaannu jecelnahay in xisbiga KULMIYE midoobo, ummadduna midawdo, nabadeenuna adkaato. Waad arkaysaan waxa caalamka ka socda manta. Nabadgelyada Somaliland iyo horumarkeeduna waa muqaddas, waanna in aynnu mucaarid iyo muxaafidba u midawno, shacbiga reer Somaliland-na waa inay ogaadaan in maanta hawshaasi (khilaafkii madaxweynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE) dhammaatay, meel ayeynu ka soo wada jeedsanaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Qado-sharafta ka dhacday madaxtooyada waxa ka qaybgalay hoggaanka xisbiga KULMIYE oo ay hormuud u yihiin Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin, taasoo ujeeddadeedu ahayd mid lagu muujinayey sida loogu faraxsan yahay xalka khilaafka KULMIYE, gaar ahaan tanaasulka murrashaxnimada ee guddoomiye Muuse uga hadhay madaxweynaha