“Qaranku Wuu Soconayaa, Doorashadana Wakhtigeeda Ayaa La Qabanayaa, Sabab Aynu Isu Cambaaraynaana Ma Taalo”

0
12

Wasiir Koore Oo Mucaaridka Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Buuqa Iyo Cayda ay Warbaahinta Marinayaan

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka warfaafinta ee Somaliland Saleebaan Cali Koore oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada lagu qaban doono waqtigii loogu talagalay oo aanay jirin wax la isu qabqabsadaba.

“Maxkamadda dastuuriga ahi waxay soo saartay in la furay ururadii, marka ururadaa lagu tartamo, saddexda xisbi ee soo baxa ayaa u tartami doona madaxtooyada. Qaranku wuu soconayaa, doorashadana waa la galayaa, sabab aynu isu cambaaraynaana ma taalo. Doorashada wakhtigeeda ayaa la qabanayaa, waxase jira wax la odhan karo oo aanan anigu ka hadli karin awoodo Illaahiyana, sida dastuurku sheegay waxyaalo wax ku baaqdaan waa jiraan, laakiin haddaanay waxaasi iman dawladda aan afhayeenka ka ahay, diyaar bay u tahay inay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto.” Ayuu yidhi wasiir Koore oo waraysi gaar ah siiyay laanta afsoomaaliga ee idaacada bbc-da

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya saacado kaddib markii gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu doonayo muddo korarsi iyo in ballanqaadyadii uu shacabka u sameeyay uu ka soo bixi waayay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here