Qarax Gilgilay Fagaare Uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Kala Hadlayay Malaayiin Qof Oo Dhoollatus TAageero Ah Isugu Soo Baxay Addis Ababa

0
16

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo  dadka kala hadlay Telefishanka Dalka Ethiopia, wuxuu cambaareeyey qaraxaas, oo uu sheegay in kuwo  uu ku tilmaamay Inay kasoo horjeedaan horumarka nabada Iyo midnimada Ethiopia soo abaabuleen

Addis Ababa(Hubaal)-Qarax weyn, ayaa gilgilay goob fagaare ah oo Ra’isal wasaaraha Dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed  kala hadlayay malaayiin qof oo isugu soo baxay fagaarahaa oo ku yaal Caasimada Dalka  ee Addis Ababa.

Qarax ayaa dhacay xili shalay dadku si fiican u dhegeysanayeen khudbada Ra’iisal Wasaare Abiy uu kaga hadlayay isbedeladiisa siyaasadeed iyo qorshayaashiisa cusub ee uu doonayo Inuu Dalka ku hoggaamiyo. Warbaahinta dalka Ethiopia, ayaa deg deg looga qaaday goobtaa qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxu sababay khasaare dhimasho oo ugu yaraan dhawr qof ah, halka ugu yaraan 144 dhaawacyo  soo gaadheen oo la geeyay cusbitaalada sida uu xaqiijiyay Solomon Ali oo ka tirsan hay’adda Ethiopian Red Cross Society, waxaana inta badan dadka dhaawacu soo gaadhay markii ay is jiidheen. Ra’iisul-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhambaal tacsi ah u diray dadkii maanta ku dhintay qarax ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis-ababa oo lagu taageerayey isbeddellada uu wado Ra’iisul-wasaaraha cusub ee Itoobiya.

 

Siday werisay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, qaraxaas ayaa dhacay waxyar ka dib markii uu Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed dhammeeyey khudbad uu u jeediyey dadweyne tiro badan oo taageersanaa tallaabooyinkii uu qaaday muddooyinkii u dambeeyey.

 

Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed wuxuu sheegay inuu si tiiraanyo leh u tacsiyadeynayo qoysaskii ay dadku kaga dhinteen iyo kuwii u dhaawacmay  sidii loo midayn lahaa bulshada Itoobiya oo dhan.

 

Md. Abiy Ahmed waxa uu qaraxan ku eedeeyey dad uu ku tilmaamay inay qorshaynayaan inay carqaladeeyaan dib u midaynta ummadda reer Itoobiya, waxaanu sheegay in dadkaasi ay hore u fashilmeen imikana kashifmayaan. Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya wuxuu ugu baaqay shacabka Itoobiya inay is dejiyaan isla markaana dulqaad iyo midnimo muujiyaan.

 

Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed waxa uu shaaciyey in ciidammada boolisku baadhayaan qaraxan, waxaanu dadweynaha ka dalbaday inay ciidammada ammaanka la soo xidhiidhaan haddii ay arkaan wax shaki geliya. Qaraxaas ayaa la sheegay inay ku dhinteen dhawr qof halka dad badan oo kalena ku dhaawacmeen.Qaraxa, ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy isbedel siyaasadeed ku sameeyay Siyaasada Dalka ee gudaha iyo dibadda, isagoo meesha ka saaray cadaawadii mudada dheer u dhaxaysay Dalka Ereteria oo hore uga goostay Ethiopia, Isla markaana dagaal kumanan qof ku dhinteen ku dhexmaray sagaashanadii xadka ay wadaagaan, waxaana goobta qaraxu ka dhacay markiiba la geeyay Ciidamadda Amaanka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here