Qarax Hadda Ka Dhacay Muqdisho

0
124

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in hadda uu qarax ka dhacay gudaha magaalada. Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe, waxaana ka dashay dhimasho iyo dhaawac badan, waloow aan la hayn tirada dhabta ah.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in muddadii uu Muqdisho ka shaqeynayay uusan waligii arkin qarax la mid ah qaraxan. Qaraxa oo lagu sheegay inuu ahaa gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa dhacay xilli isgooyskaasi uu mashquul ahaa.

Dhismaha hoteelka Safari ayaa dumay, waxaana la sheegayaa in dad badan ay ku hoos jiraan burburka. sidoo kale waxa uu burbur soo gaaray xafiiska bisha cas oo ku yaal meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.

Saraakiisha gurmadka ayaa isbitaalada u daabulaya dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, ilaa haddana lama oga tirada rasmiga ah ee dhimashada balse dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in tobaneeyo qof ay dhinteen.

Sida uu sheegaya weriyaha BBC-da, xalaadda waxaa sii adkeeyay dab ka kacay kaalin shidaal oo u dhaweyd goobta uu qaraxa ka dhacay. Weriyuhu waxa uu sheegayaa in uu indhahiisa ku arkay dhowr iyo toban qof oo dhaawac ah oo ay u suurtagashay in ay ka soo baxaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qiiq iyo uuro madow ayaa cirka isku shareeray, waxaana sida la sheegay la maqlayay dhawaqa rasaas muddo socotay. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

Dhanka kale, qarax kale ayaa laga soo sheegayaa degmada Wadajir ee isla magaalada Muqdisho, lamana oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Xigasho:bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here