Qarax Ka Dhacay Muqdisho Oo Toban Qof Ku Dhinteen

0
58

qaraxyada muqdisho2

Muqdisho (Hubaal) Qarax xooggan ayaa maanta duhurkii ka hor ka dhacay meel u dhaw xarunta wasaaradda gaashaan dhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoog ahaa ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho u sheegay in ay halkaa ku dhinteen ugu yaraan toban qof, intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Waxa qarxay ayaa ahaa gaadhi walxaha qarxa lagu soo rakibay oo duqeeyey baabuur kale oo ay saarnaayeen saraakiil ciidanka Soomaaliya ka tirsan. Inta badan dadka ku dhintay qaraxan waxay ahaayeen rakaab saarnaa gaari mararay waddadaasi marka uu qaraxu dhacay. Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliayda weerarkan.

Waa weerarkii ugu dambeeyay qaraxyo is xigxiga oo magaalada Muqdisho ka dhaca maalmihii la soo dhaafay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here