Qaraxii Kalsantv Iyo Cabaadkii WADDANI  By Mukhtar Cilmi

0
72

 

Asalaamu Calaykum Waraxamtulaahi Wabarakaato. Xisbi mucaarid ah markuu mucaarid dhab yahay wuxuu difaaca khaladaadka dhaca iyo xaqa muwaadiniinta codkooda rabo , xisbi waddani wuxu noqday xisbi warbaahiinta nadiifka ah inuu la dagaalamo ,waxanaa cad in yahay xisbi aan waxba ku soo kordhin doonin saaxada kadib falkii ay ku kacayn inamdii qarxiyay sirtii nayroobi ka dhacday kulankoodi somaliweynka ahaa ee farmaajo wareysigiisi ku sheegay,talaabadii Shaqada Ay Kaga Joojiyen Maamulka Tv-ga Kalsan cabdirisaaq Terra Iyo maxamed Yuusuf Bakayle Ma Ahayd Talaabo Aynu Odhan Karno Waxay Ahayd Talaabo Waafaqsaneyd Xeerka Shaqaalaha raiydka Somaliland Iyo Qawaaninta Shaqada Ee Caalamiga ah ee waddani mar walba difaaco?!! Mise Waxaynu Odhan Karna Talaabada Labada Suxuufi Shaqada Lagaaga Eryeey Waa Mid Xeerka Shaqaalaha Rayidka Somaliland Iyo Kuwa Dunidaba Baal Barsan?. cabdiraxman Cirro iyo kooxdi Xirsi waxay Miciin bideen sidii ay shacabka indho sarcaad ugu ridi lahaayeen inay Tvgii Kalsan ninkii Yaxye Sheekh Ismaaciil  $5000 shan kun oo dollar oo Laaluush ah siiyaan tvgiinna heshiis kula galaan bishiiba 4 afar kun oo dollar sida la sheegayo !!. Waxaana intaasba lagu kala iibsaday sidii yaxye iyo Kalsantv loo Oran lahaa Sacabada Ku qariya runta oo waxaad tiraahdaan Waraysigii farmaajo waa been abuur.

1-1Sida Caadiga ah Xeerka Shaqaalaha Ee Dalka u Yaala iyo Shuruucda Caalamiga Ah Ee Shaqada Iyo Shaqaaluhu, Si Qoto Dheer Ayeey Uga Hadleen Xaqa Iyo Xuquuqda Ruuxa Shaqaalaha Ahii Leeyahay, Way Jirtey Qarnigii 17aad In Uusan Ruuxa Shaqaalaha Ahii Xuquuq Iska Daaye Anuu Lahayn Qiimeyn Qofnimo Balle Waxaaba La Sheega In Dawladaha Qarkood Shaqaalahoodaa Ay Kula Dhaqmi Jireen Xeerka loo Yaqaano Xeerka Keymaha ( Law Of Jangle) Oo Asal Ahaan Laga Soo Miin Guuriyeey Bulshada Indhayarta Ah Oo La Tibaaxo Iney Ka Mid Yihiin Bulshooyinka Ugu Mayalka Adag Leh Aadamaha, Laakin Wixii Ka Danbeeyey Qarnigii 18aad, Dunidu Waxay kasoo Saartey Xad Gudubyadii Iyo Caga Jugleyntii Xeerer Badan Oo Markii Danbe Isuu Badaley Qaarkood Kuwa Caalami ah, Dal Kasta Oo Dunida Ka Midi Sida Somaliland Oo Kale Wuxuu Muwaadiniintooda Shaqaalaha ah u Sameeyey Xeerar Iyo Qawaanin Ilaalineysa Isla Markaana Si Miisaman U Daryeelaaya Xaqa Iyo Xuquuqdooda Shaqo. cabdirisaq Terra iyo Maxamed Bakayle, Cida Eridey Waa Yaxye Sheekh Ismaaciil Agaasimaha Bariga Africa Ee TVga Kalsan, Nidaam Ahaan Waa Qeyru Sharcii Qof Aan Ahayn Madaxa Shaqaalaha TVga Ama Gudoomiyaha Guud Ee TVgu Inuu Qof Shaqaalihiisa Ah Eryo, Iska Da Terra Oo Ahaa Agaasimaha TVga Ee Jamhuuriyadda Barakeysan Ee Somalilandee. Shacabka ayaa makhraati furi doona waraysiggii Farmaajo isagoo aha mid dhanaystiran waxayna fadeexad ku tahay mar walba oo taariikhda warbaahinayd aan ilaawi doonin doorki WADDANI iyo cabudhinta suxufiyiinta dacaada u ah qarankooda, dawladana wixii qarankeena suubaan ku gafa in ay talaabo ka qaado hadii noqoto tv amba wargeys amba shabakad.

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here