Qaraxyadii Is Xigay Ee Lala Beegsaday Madaxtooyada Xamar Oo Galaafatay Shaqadii Sarkaalka Labaad Ee Ugu Sarreeya Sirdoonka Soomaaliya

0
11

 

 

Muqdisho (Hubaal) – War Qoraal ah oo ka soo baxay Agaasimaha hay’adda Nabad-sugida Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa hay’addaasi.

 

Saraakiishan shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ah Taliye xigeenka koowaad ee NISA iyo Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah taliye ku xigeenka Labaad ahaa.

 

 

 

Lama oga ilaa iyo hadda sababta shaqo joojintan keentay, hasse ahaatee ilo ku dhaw dhaw xafiiska saraakiisha shaqada laga joojiyay ayaa warbaahinta u sheegay in Qoraalkaasi uu ka soo baxay taliska sare hay’adda Sirdoonka Qaranka.

 

 

 

Arrintan ayaa imaneysa xili maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ay ka jirtay amaan darro baahsan, sida Qarayo, weerarro toos ah iyo waliba dilal siyaabo kala duwan u dhacay

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here