Qareenada U Doodayay Haatuf Iyo Xuquuqal Iinsaanka Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ku Tumatay Madaxbanaanidii Garsoorka

0
53

Hargeysa(Hubaal) Qareenka u doodaya masuuliyiintii wargeyska Haatuf ee Shalay loo taxaabay xabsiga iyo xuquuqal iinsaanka ayaa waxa ay ku eedeeyeen xukuumada Somaliland inay faraha kula jirto oo ay ku tumatay madaxbanaanida garsoorka.

IMG_0010

Shir jaraa’id oo ay maanta qabteen ayaa waxa ay kaga hadleen in aan si cadaalada ah loo qaadin kiiska masuuliyiinta Haatuf,isla markaana la handaday oo afduub meesha ka dhacay.

Qareenka u doodaya masuuliyiinta haatuf Xasan cali Banfas iyo xubnaha ka socday xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa labaduba waxa ay ku tilmaameen in wixii shalay meesha ka dhacay uu ahaa afduub.

Garyaqaan Muuse Yuusuf oo ka socday xuquuqal iinsaanka ayaa ku eedeeyay xukuumada inay si toos ah faraha ugula jirtay, isaga oo xusay in marnaba aan loo ogolaan qareenada Haatuf inay hadlaan oo garsoorku uu noqday mid u xidhan dhinaca xukuumada

Qareenada masuuliyiinta Haatuf ayaa waxa ay sheegeen inaanay ka hadhayn oo ay u gudbin doonaan haayadaha kale sida maxkamada sare islmarkaana aanay ogolaanayn in dacwadani ku soo noqoto maxkamada gobolka.

Gabagabadii qareenada iyo xubanaha ka socday xuquuqal iinsaanka ayaa soo jeediyay in aanay xukuumaddu ku tuman dastuurka iyo madaxbanaanida garsoorka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here