Qareenno Madax Banaan Oo Falanqayn Sharci Ku Naqdiyey Garnaqsigii DDH Iyo Xayiraaddii Maxakamaddu Saartay Akown-nadooda+Dhukumentiyo Dheeraad Ah Oo Xafiisyo Kala Duwan Ka soo Baxay
“Aqoon Darada Sharci ee ka Muuqata Garnaqsiga D/Hoose ee Hargaysa & Xayiraadii Maxkamadu Saartay Akoonadooda”.
12/12/2015.
Marka hore D/hoose ee Hargaysi waa Haayad ama Institution Shakhsiyad Qaanuuniyad leh oo la dacwayn karo waxna dacwayn karta.
Hadaba waxa Maxkamada Gobolka Hargaysa “M/Jeex” dacwad fulin ah ka soo furtay muwaadinka loo fuliyaha ah ee magaciisu yahay Cismaan Ciise Faarax, dacwadan oo ka dhalatay Xuquuq Madani oo uu ku leeyahay D/Hoose ee Hargaysa, xuquuqdaasi oo ku sungantay Heshiiska kiro gaadhi ah oo dhexmaray Loo Fuliyaha iyo D/hoose, heshiiskan oo sumadiisu tahay Lr:09/98 ee ku taariikhaysan 07/01/98 oo ay ku saxeexan yihiin labada dhinac ee kala ah: Kireeye Cismaan Ciise Faarax iyo Kirayste D.H.H oo ay matalayaan Maayarkii xiligaa Mudane Cali Xasan “Cali Asad” iyo Xoghayihii D.H.H ee xiligaasi Mudane Jaamac Siciid Cilmi.
- QORAALKA HESHIISKA DHEX MARAY LOOFULIYAHA IYO D.H.H.
dacwadan oo markii ay soo gaadhay garsooraha kiiskan gacanta ku haya ee Maxamed Jaamac Caraale waxa uu u diray qoraal uu kaga soo qayb-galinayo uguna mudaynayo dhagaysiga dacwadan D/hoose ee Hargaysa qoraalka sumadiisu tahay MGH/DFL/68/014 ee ku Taariikhaysan 31/10/015 ay Maxkamada Gobolka M/jeex u qortay oo gaadhay maamulka dawlada hoose ee hargaysa .
Qoraalkaas oo markii uu maamulka D/hoose ee hargaysa uu gaadhay ay kaga soo jawaabeen qoraalka uu maayar C/raxmaan Soolteeko ku saxeexan yahay, kaasoo nuxurkiisu yahay in Madaxwayne Cigaal soo saaray Dikreeto uu ku laalayo Daymihii hore wixii aan sifo sharciya loo marin, taas oo aad moodo in aanay maamulka D/hoose ee Hargaysi fahmin inaanu Madaxwayne laali Karin xuquuq qof leeyahay oo sifo sharciya ku sugantay sidoo kale qoraalka ay cuskanayaan ee ay leeyihiin Madaxwaynaha daymo hore ku laalay ma sheegayo daymaha sifaha sharcigaa ku sugmay, ee waxa uu sheegayaa daymaha aan sharciga waafaqsanayn hadaba muwaadinkan loofuliyaha ahina waxa uu ku dacwiyayaa dayn sifo sharciya ku sugantay oo ka dhalatay heshiis uu la galay D/hoose ee Haragaysa oo uu kaga kireeyay gaadhi uu lahaa.
- QORAALKII AY MAAMULKA D.H.H UGU JAWAABEN MAXKAMADA.
Sidoo kale waxa uu qoraalkoodan ay ku doodayaan ku sheegen in Afar Maayar iska badaleen D/Hoose inta uu muwaadinkani dayntan ku lahaa. Hadaba waxa aad moodaa in maamulkan D/hoose joogaa ay kala garan la yihiin in muwaadinkan loo fuliyaha ahi inu dacwaynayo shakhsi gaara iyo inuu dacwaynayo Haayad Dowladeed (Public Institution) D.H.H oo ilaa la siiyo daynta ama la cadeeyo inaanu waxba ku lahayn aanay dhacaynin daynta uu ku leeyahay D/hoose, hadii Afar Maayar ama Toban Maayar intay doonaan ha iska badalaan isbadalka dadkaa maamulkii sharciyan ma rido daynta lagu leeyahay.
Sidoo kale, waxa la yaab leh dooda ay ku doodayaan maamulka D/hoose ee Hargaysa in aan Maxkamadu xayiri Karin Akoonka D/hoose leedahay, balse ay xayiri karto Akoonada Gaarka loo leeyahay (Private Accounts), doodaasi oo meel ay ka keeneen iyo sharci ay u cuskanayaan toona aanay jirin. Sidoo kale wax aka muuqata doodooda in ay kala garan la yihiin in loo fuliyuhu soo dacweeyay Qof ama Shakhsi gaara iyo inuu soo dacweeyay oo dacwadani khusayso Haayad Dowli ah oo sharciyad qaanuuneed leh, waxaas oo dhan markaad aragto waxa muuqanaysa in D/hoose ee Hargaysi u baahantahay sharci-yaqaano kala taliya sharciga oo si dhaba ula shaqeeya, balse aanay u baahanayn qaar magac u yaal ah si ay uga gaashaantaan ceebtan iyo aqoon daradan sharci labadaba.
Dhanka kale D/hoose ee Hargaysa waxa ay diiday amarkii Maxkamada iyadoo maamulkeedu iska saraysiinayo sharcigii wadanka u yiilay ee ay Maayarka, Maayar-ku-xigeenka iyo Xildhibaanada ku ahaayeen waxaana cadayn u ah dacwadan oo mudo dheer socotay waxa hore amaro digniina oo ay Maxkamaduhu hore ugu amreen in ay mudo toban cisho gudohooda dayntan ay ku soo bixiso D.H.H sida ku cad qaraarada sumadoodu tahay MGH/DML/69/2014 Ee ku Taariikhaysan 15/3/2014, iyadoo uu difaacayay dhinaca D.H.H Garyaqaanka guud ee Qaranka oo is hortaag dacwadan ka sameeyay sida ku cad qoraalkiis is hortaaga ee Sumadiisu tahay TIX/XGGQ/X/H42/2014 ee ku Taariikhaysan 02/04/2014 iyo Qaraarka Maxkamada ee lagu diiday is-hortaaga Garyaqaanka Guud ee Qaranka markii ay maxkamadu aragtay inaanu sharciga waafaqsanayn qaraarka diidmada ee Maxkamadu soo saartay ee sumadiisu tahay MGH/DFL/69/2014 ee ku Taariikhaysan 29/04/2014 intaas oo dhan dabadeed garsoorihii kiiskan gacanta ku hayay waxa uu soo saaray amar digniina xoogan ah oo waafaqsan Qod: 338,339,343,62,284(1)272,279XHM. sida ka muuqata amarka digniintaa ee xoogan sumadiisu tahay MGH/DFL/69/014 Ee ku Taariikhaysan 16/11/015.
Intaas oo dhan kadib ayuu garsooruhu isagoo ilaalinaya cadaalada iyo saraynta sharciga iyo waajibaadka saaran garsoor ahaan iyo talaabooyinka sharci ee u banaynay talaabadan xayiraada ah ee uu soo saaray xiligii ku haboonayd ee dacwadu maraysay ayuu soo saaray qoraalka xayiraada ee uu ku xayirayo Akoonada D/hoose ku lahayd Baanka Dhexe ee JSL oo sumadiisu tahay MGH/DFL/69/2014 kuna Taariikhaysan 06/12/2015.
Intaa dabadeed waxa dhacday in maamulkii D/hoose qaylo dhaan ku dhufteen oo ay iyagoo yaacaya u tagaan ku-simaha-gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Gudoomiyii Maxkamada Racfaanka iyo Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka taas oo muujinaysa inaanay garanaynba awooda qoraalka ay ka cabanayaan cida soo saartay iyo awooda cida ay uga cabanayaan iyo kala saraynta awooda maxkamadaha dalku sida uu yahay iyagoo sita qoraal ay isku duluc yihiin kii hore ee maayarku maxkamada u soo qoray oo ay ku kordhiyeen codsi xayiraad ka qaadis qoraalkaas oo uu ku saxeexanyahay maayar ku xigeenka oo ah kusimaha maayarka oo ay ku codsanayaan in xayiraada looga qaado ACCOUNT ka D.H.H ee maxkamdu xayirtay.
- QORAALKII CODSIGA XAYIRAAD KA QAADIDA EE AY SOO QORATAY D.H.H.
Sidoo kale waxa ay ku doodayeen daynta muwaadinkani sheeganayo kuma jirto daymihii langu wareejiyay, iyagoo qarinaaya qoraalka madaxwaynihii hore u qoray D/hoose ee Hargaysa maamulkii joogay xiligii Madaxwayne Riyaale ee uu ku faraayay in maamulka D.H.H uu u saaro hubinta dayntan uu muwaadinkani sheeganaayo oo loo qanciyo ama dayntiisa loo siiyo.
- QORAALKII MADAXWAYNE DAAHIR RIYAALE UU KU AMRAAYAY MAAMULKA D.H.H SI MUWAADINKAN LOO QANCIYO AMA DAYNTIISA LOO SIIYO.
Sidoo kale waxa jirtay markii loo saaray gudidaa dhexdhexaadkaa ee ku xusan qoraalka madaxwayne riyaale u qoray maamulka D.H.H gudidaa oo uu madax ka ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska hantidhawrka qaranka waxa ay dawlada hoose maamulkeedii xiligaa joogay ku dooday in dayntan la bixiyay taas oo gudidii dhexdexaadka ahayd ee loosaaray wayday qoraal cadaynaya in la bixiyay isla markaana u cadaatay in dayntan lagu leeyahay D.H.H taas oo uu waliba qoraal uu ku cadaynayo in la siiyo muwaadinkan loofuliyaha ah dayntiisan markii ay cadaatay inuu sifo sharciya u leeyahay waxa uu u qoray maamulka D.H.H. qoraalka hantidhawraha guud ee qaranka ee sumadiisu tahay REF:HAN/GQ/118/06/2008 Ee ku Taariikhaysan 22 jun 208.
- QORAALKII UU HANTIDHAWRAHA GUUD KU CADAYNAAYAY INUU DAYNTAN KU LEEYAHAY LOOFULIYUHU D.H.H KUNA AMRAAYAY IN LA SIIYO.
Guntii & Gabagabadii; waxan oo dhan oo isugu soo biyo shubanayaan in Sharciyaqaano La-taliyaal u noqda D/hoose ee Hargaysa si degdeg ah loogu sameeyo si looga hortago in qoraalo danbe oo aqoon daro dhinaca sharcigii ka muuqato aanay uga soo bixin, waayo waxa ay ceeb wayn ku tahay Jiritaanka Qaranimo iyo Maamul ee Dawlada Hoose ee Hargaysa oo ah Dawladii Hoose ee Caasimada Qaranka Jamhuuriyada Somaaliland.
Qareenada Loo Fuliyaha:
- Garyaqaan Xamse Maxamud Xasan
- Garyaqaan Xuseen Shabeel C/laahi