Qatar Airways oo duulimaadyo toos ah ka bilowday Muqdisho iyo Doxa+Wakiilka shirkadda u Qaabilsan Somaliya oo ka hadlay
–
Muqdisho (Hubaal) Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta duulimaadyo joogto ah ka bilowday Muqdisho iyo magaalada Doxa ee caasimadda Dalka Qatar,
Munaasabaddii daah furka duulimaadyada Qatar Airways oo Muqdisho iyo Doxa oo todobaadkii saddex jeer isaga kala gudbi doonta waxaa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Qaar ka mid ah Safiirada Caalamka ujoogo Soomaaliya, Ganacsato iyo marti Sharaf kale oo aad u badan.
Cabdinaasir Cabdillaahi Cali oo ah wakiilka QATAR AIRWAYS ee Somaliya oo ka hadlay duullimaadyada ay diyaaradu bilawday ayaa yidhi “Diyaaraddu waxay duullimaadkeedii u horreeyey ee DOHA Ilaa Muqdisho bilowday maanta, waxaanay garoonka muqdisho soo gaca dhigatay 2:55 pm. waxaanay diyaaraddu toddobaadkii samayn doontaa saddex duullimaad kuwaas oo kala ah Axada, Isniinta iyo Khamiista . mustaqbalkana waxaanu ku rejo weynahay inaanu gaadhsiino gobollada kale ee dalka”. Sidaa ayuu yidhi Cabdinaasir Cabdillaahi Cali, wakiilka Qatar Airways ee Somaliya oo u warramay laanta afka soomaaliga ee BBC.
Soomaaliya oo dib u soo kabanaysa ayay maamulka Qatar Airways u arkaan inay ka jiraan fursado badan, Ihaab Imaan Ku-xigeenka Shirkada Diyaaradaha Qatar Airways, isla markaana hogaaminayey ganacsato ka socotay Dalkiisa oo Muqdisho soo gaadhay ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin in maanta ay hirgeliyaan duuliyaadyo toos ah.
Qatar Airways waxay ka mid noqonaysaa tiro diyaarado heer caalami ah oo hore duulimaadyo Muqdisho uga bilaabay sidoo kale Qatar Airways waxa ay ka midtahay diyaaradaha rakaabka ee ugu casrisan dunida, duulimaadyana ku tagta in ka badan 160 dal, waxayna tani Soomaaliya u leedahay ahmiyad dhaqaale iyo isu socod labada dal ah.