Qaxooti Yemen ka soo Laabtay oo Diyaaradi ka qaadday Madaarka Berbera

0
78

DIYAARADDA-OCCEIAN-OO-QAXOOTI-SOOMAALI-AH-KA-QAADDAY-MADAARKA-BERBEERA-22-JULY-2017-AFTAHANNEWS

Berbera (Hubaal):- Qaxooti Yemen ka soo laabtay oo Soomaali ah oo Toddobaadyadii u dambeeyey soo gaadhayey Dekedda magaalada Berbera, isla markaana ku sugnaa Xarunta Somaliland iyo Hay’adaha Qaxootiga kala shaqeeyaan ugu talo-galeen, ayaa Diyaaradi ka qaadday Madaarka Berbera, taasoo u qaadday magaalada Muqdisho. Dadkaas ayaa Qof kasta la geyn doonaa meesha uu doonayo ee uu codsado deegaannada gobollada Dalka Soomaaliya ee ay Qoysaskooda iyo Eheladoodu ku kala dhaqan yihiin Dadkaas Qaxootiga ah. Waxaana Ambabbixinta Qaxootigan oo illaa Boqol Ruux ku dhawaa ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha UNHCR, IOM iyo Xukuumadda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here