Qaybaha 3aad-6aad ee Deriska Axkaamta Ramadaanta

0
176

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 3aad

 Maxaa karaahiyo ah marka aad sooman tahay?

  • In aad soonto maalinta shakiga (sida in la arki waayo bisha, Shacbaanna aan la dhammaysan
  • In aad soonto sannadka oo dhan.

Maxa lagaaga baahan yahay marka aad sooman tahay?

  • In aad badiso xuska Alle SWT sida Quraan akhris badan, digri badan iyo duco badan ba
  • In aad wakhtiga ilaaliso (waa in ananu wakhtigu kugu dhaafin in aad lumiso sida adoo ciyaaraya ‘game, dubnad, laadhuu iyo shax’. Ogow in culimada qaar dubnadda laadhuda iyo shaxda sidooda u xaarantimeeyaan, markaa in wax laysku haysto aannu soonkaagii kugu dhaafin waa dardaraan )
  • In aad badiso salaadaha sunnayaasha ah, waxa dhacda in dadka qaar salaadda tahajudka u kacaan, salaadda subaxna ka seexdaan, taasi maaha mid bannaan.
  • In aad sadaqada badiso, sida adiga oo afurinaya qof sooman ama wax siinaya qof baahan.

Waa ayo dadka soonka laga fududeeyey?

  • Qofka gaboobay (qofka gaboobay waxa ku waajib ah in maalin wal ba u miskiin quudiyo, waxaana laga bixinayaa mud (laba kilo iyo badh) raashin ah ama qof sooman ayuu afurinayaa. Hadduu doonana hal maalin ah ayuu soddon miskiin wada afurrinaya)
  • Qofka xanuusanayaa (qofka xanuusanaya haddii la rajaynayo inuu ka kaco wuu soo qallaynayaa, haddii aan rajo laga qabin inuu ka bogsan karo xanuunka isna sida qofka gabowga ayaa laga afurrinaya)
  • Qofka socotada ah (musaafirku isagu wuu iska afurayaa hadhowna wuu soo qalaynayaa).

Muxuu qofka soomani ku afurayaa?

Waxa sunne ah in aad ku afurto timir, oo Asxaabigii Anas Rc wuxu yidhi xadiiska u wariyey “Rasuulku CSW wuxu ku afuri jiray dhawr xabbo oo timir ah.”

Sida oo kale Rasuulku CSW wuxuu ku dhiiri galiyey Asxaabtiisa in ay timirta ku afuraan, sidaa awgeed waxa sunne ah in timirta lagu bilaabo afurka, timirtuna waa geed sonkor dabiici ah leh, sida macmacaan yada macmalka ahna aan keenin wax cillad ama xanuuna, culimada caafimaadku waxa ay dhiri galiyaan ku afuridda timirta iyaga oo sheega caloosha madhani inay ka helayso tamar wax ku ool ah, sida oo kale aanay caloosha galayn wax cillad ahi haddii lagu afuro timir iyo biyo.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

QAYBTII 4AAD

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 4aad

 Faa’idooyinka timirta

Timirtu waa geed loo bogay guud ahaan manaafacaadkiisa, gaar ahaanna macaankiisa. Waxa lagu ammaanay Diinta Islaamka marar badan, yada oo sidoo kale uu Rasuulku CSW ku booriyay ummadda in ay cunaan. Si gaar ah, waxay u wanaagsantahay marka uu afurayo qofku.

Haddaba, waxa muhiim ah inaan ka eegno xagga Sayniska iyo faa’idooyinka uu daah-furay ama ku sheegay in timirtu ay leedahay.  Timirtu waxa loo adeegsan karaa: cabbitaan ahaan, midho ahaan, khudrad ahaan iyo tamar ahaan ba. Waxay tiraabeen Saynisyahannadu in ay afar-laab laga helo tamarta laga helo tufaaxa; toddoba-laab tamarta laga helo liinta; saddex-laab tamarta laga helo shamaamka.

Daraasado badan ayaa muujiyay in cunnidda timirtu aad ka quudato maalintii 7 xabbadood ay ( 100 g oo timir ah) ay daboolayso baahiyaha maalin laha ah ee uu jidhku uga baahanyahay macdanaha: magniisiyam, manganiis, ayroonta, bataasiyamta iyo sida oo kale kaalsiyamta.

Intaa waxa dheer in timirtu ay ka kooban tahay jaadadka kala duwan ee faytamiinada ee jidhku u baahanyahay. Tusaale ahaan, waxa laga helaa; faytamiin A, faytamiin B ( weliba waa Faytamiin B2 ama Riboflavin qofba sida uu u yaqaano, thiamin).  Waxaan isna aan meesha ka maqnayn Foolik faytamiinka la yidhaahdo. ( Dadka qaarna u yaqaanaan faytamiin C).

Ku darsoo, timirtu waxay ka kooban tahay maaddo muhiimaddeeda aan ka wada dharagsannahay – fuluwariin.  Ta ka sii daran waa in shan-laab qaddarka fuluwariin ee laga helo midhaha laga helo timirta. Waxa aad ka war-qabtaa akhriste in dawada aan ku cadayanno ay ku jirto fuluwariin. Sidaa si la mid ah, waxay ku jirtaa timirta – suus ilkaha gala innagga dheer haddii aan quudanno, bi idni Allah.

Dheef-Shiidka:Timirtu waxay si mug leh uga qeyb qaadataa dheef-shiidka qofka yadoo dar-dargelisa  si dhakhso ah inay u gutaan hawshooda xubnaha loogu talo galay. Si gaar ah waxay ugu habboon tahay qofka sooman. Tusaale ahaan, marka uu cuno xabbadda ugu horreysa ee timir ah ayaa waxa soo noqda boqolley sarreysa oo tamartiisa ah, waxa si tartiib ah u bilaabma dheef-shiidkiisa; waxaana tiraab suubban laga helaa afkiisa udgoonku ka burqanayo. Nebiga SCW waxa ka sugan in uu yidhi, “ Midkiin kolka uu afurayo, ha ku afuro dhawr xabbo ah timirta rudubka, haddii aannu heysanna timir, haddii aannu helayna biyo; biyuhu waa daahir’e.”

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

            Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

                    Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

                         SheekhRakuub.wordpress.com

QAYBTII: 5AAD

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 5aad

 Faa’idooyinka timirta (2)

Ka hor-tagidda cudurro badan: Waxa hubaal ah in timirtu ka hortagto cudurro badan qaar kalena daweyso. Tusaale ahaan; timirtu waxa ay baabiisaa dhagaxaanka kalyaha geli raba; waxay ka hortagtaa madax wareerka; waxay ay hortag weyn u tahay kansarka; waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushaa sidii ay meesha uga saari lahayd xaasaasiyadda; waxay horumar baaxad weyn ka muujisaa isku buuqa ku dhaca gaalada yadoo u horseeda daganaan ku meel gaadh ah; waayo Iimaankii weynaa ayaaba ka maqan marka horeba.

Cunnida timirtu waxay faa’ido togan oo taam ah u leedahay odayaasha. Waxay si deg-deg ah u daajisaa muruqyadooda, yadoo sahasha in si fudud muruqyadoodu u kala baxaan; isuguna soo ururaan. ( Muscle relaxation and contraction). Firfircooni xad-dhaaf ah ayuu dareemaa gadh-caska guri jooga ah; talo laga sugeenka ah.

Faa’idada koritaanka caruurta ay u leedahay timirtu: Koritaan deg-deg ah ayay bilaabaan caruurta cunta timirta. Faytamiin A da ku jirtaa wuxuu dardar galiyaa aragga caruurta. Waxa ay timirtu muhiim u tahay sida oo kale hooyada kolka ay leedahay uurka. Timirtu muddadan waxay hoos u dhigtaa werwerka, walaaca iyo walbahaarka soo waajaha hooyada. Kolkay umusho laftigeeda kama maaranto hooyadu.

Afurinta qof sooman ajar ma leedahay?

In aad afuriso qof sooman oo aad cabbitaan iyo cunto siiso waxa ku jira  abaal marin aad u weyn, waana arrin Rasuulku CSW dadka ku booriyey kuna dhiiri galiyey.

Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, “Qofka afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkuu afuriyey.” Culimadu way ka hadleen oo waxay yidhaadhdeen ajarka qofka sooman ee la afuriyey laga qaadi maaye ajar kaas oo kale ayaa la siinaya kan wax afuriyey. Sidaa darteed waa mihim in haddii awood loo leeyahay lagu dedaalo in la afuriyo dadka aan waxba haysan, qofka la afuriyeyna farxad ayey u tahay ka wax afuriyeyna ajar wayn ayaa ugu sugan.

Ma soomayaan haweenayda uurka leh iyo midda ilmaha yar jaqsiinaysaa?

Haweenayda uurka leh iyo ta ilmaha jaqsiinaysaa cafimaad ahaan ayaa loo yidhi hayska cunaan, waxa loo danaynayaa ilmaha uurka ku jiraa ama ilmaha ay jaqsiinayso ama iyada qudheeda oo laga ilaalinayo caafimaad ahaan inay is dhinto.

Sida daraadeed ayaa la yidhi yaanay soomin ee hayska cunaan, se waxa u furan laba mid; inay soo qallayso intii ka tagtay ee Ramadaan ah, waana ta ugu wanaagsan ee ay waajibka isaga ridayso, taasanay culimo badani ku tagsan yihiin oo ay leeyihiin waa waajib. Midda labaad;  culimada qaar waxa ay yidhaahdaan haddii aanay karayn in ay soo qallayso dad bay afurin kartaa ama sadaqo ayey bixinaysaa sida qofkii gabowgu hayey iyo kii xanuunsanayey oo kale, mid se ogow waxa ka xoog badan in la soo qalleeyo.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

            Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

                    Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

                         SheekhRakuub.wordpress.com

QAYBTII 6AAD

Axkaamta Ramadaanta

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 6aad

Miyey jiraan wax aan cunista iyo cabbista ahayn oo soonka jabiyaa?

Waxa soonka jabiya wax kasta oo leh macnaha cunis iyo cabbid ee uu gudba qofka gudihiisa, waxaana arrintaa caddaynaya xadiiska Rasuulka CSW, “Ku xeel dheerow sandaarsiga haddii aanad ahayn mid sooman.”

Halkaa waxa aad ka arkaysaa haddii aad sooman tahay in aanad sandaarsiga ku sii fogaanayn oo aanad isku fogaynayn sandaarsiga, waana daliil muujinaya qofka ay biyuhu gudaha u galaan inu soonkiisu jabayo, yaanay ahaan ba kuwa afka laga isticmaalo ee cunis iyo cabbis ah.

Waxa taas la mid ah faleebooyinka loo isticmaalo qofka ee xididka lagaga quudinayo, oo afka sanka ama meel jidhkiisa ka mid ah lagaga xidho, taas oo aannu qofku dareemayn gaajo iyo haraad toonna, oo uu helayo faleebo cunto iyo cabbis ba iskugu jirta oo awood uu kaga maarmo siinaysa, sidaa darteed uma bannaana in qof sooman uu isticmaalo isaga oo ku jira gudashada soonka dhexdiisa.

Waxa kale oo iyaduna la mid ah faleebooyinka laysku xidho inuu qofku qaato sida faleebada dhiigga oo la yidhaah dhiig ayaa lagu shubayaa isaga oo sooman, maaha wax bannaan, sida oo kale dheecaanada nafaqada ee ka kaxaynaya inu gaajo ama haraad dareemo maaha wax bannaan iyaguna.

Arrimahaa aynnu kor ku soo xusnay waxa ay meesha ka saarayaan ahmiyaddii soonka ee ahayd in qofku Alle SWT dartii u dareemo surmi iyo gaajo, taas oo qalbigiisa ku dhalinaysa in uu baqasho sameeyo ah horta yaad u sooman tahay ee aad u gaajeysan tahay? Maxaad ku helaysaa tawskan ama gaajadan adag ee aad ku jirto?. Hubaashi su’aalahaasi waa mid qalbigiisa goojinaya, hir fogna ka tusaya abaal-celinta Alle SWT.

Biyaha  taranka oo la iska keeno soonka ma jabiyaan?

Haddii qofku si ula kac ah isaga keeno biyaha taranka, waxa buraya soonkiisii, waxana lagu leeyahay qallo maalintaas ah, se haddii si aan iska keenis ahayn ay kaaga yimaaddaan, tusaale adiga oo hurda oo aadan is ogayn, soonkaagu maaha mid jabaya. Biyaha taranka haddii aad gacantaada isaga keento iyo haddii fara-ka ciyaar xaaskaaga aad la samayso kaaga timaaddo waa mid jabinaysa soonkaaga.

Ma jiraan wax la isku khilaafsan yahay in ay soonka jabiyaan?

  • Hadduu qof bixiyo dhiig isaga oo sooman waa arrin laysku khilaafsan yahay oo culimada qaar waxa ay leeyihiin, “Waxa daciifaya awooddisii isaga oo marka hore ba iska daciif ahaa soonka dartii, sidaa ajligeed ma bannaana,” culimada qaarna waxa ay yidhaahdeen, “Way bannaan tahay hadduu qofku karayo kamana jabinayso soonkiisa,” waana sida loo badan yahay.
  • Dadka xiiqda qaba naqaska ay afka ka qaatan soonka ma jabinayo sida loo badan yahay.
  • Qofka maalin Ramadaan istooba waxa loo badan yahay in aannu ka jabayn soonku.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

            Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

                    Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

                         SheekhRakuub.wordpress.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here