Qaybta 7aad Ilaa 9aad Ee Deriska Axkaamta Ramadaanta-Diyaarintii: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
113

Qaybtii 7aad:

Ma jiraan shuruudo kale oo haddii la sameeyo soonku jabayo?

  • Haddii qofku isaga oo aqoon u leh arrimaha aynnu kor ku soo xusnay midkood sameeyo wuu ka jabaya soonku.
  • Haddii uu isaga oo xasuusan in uu shaygani soonka jabinayo uu la yimaaddo isna ka sare uun buu la nooc yahay oo wuu jabayaa soonku.
  • Haddii qofku xorriyaddiisa kula yimaaddo wax soonka jabinaya oo uu aqoon u leeyahay oo aan lagu khasbin wuu ka jabayaa isna soonku.

 rakuub

Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga

Carrabku waa xubin mihim ah oo Alle ugu deeqay bani’adamka, waana mid ka mid ah waxaynnu kaga duwannahay noolaha kale, xubinkani waxa uu ka masuul yahay dhawaq kasta oo kaa soo baxa hadduu sanyahay iyo hadduu xunyahay ba, sidaa darteed ayuu Rasuulku CSW u yidhi, “Yaa laba ii ballan qaadaya ilaalintooda ana u ballan qaadaa janno”, waxa ka mid ah carrabka. Carrabku isaga ayaa innoogu filan janno iyo naar kaynu gali lahayn, markaa waxa mihim ah in aynnu ilaashanno carrabka oo wax Alle SWT oggalyahay innaga soo baxo.

Wakhtigu isna waxa uu ka mid yahay nimcooyinka Alle SWT innoogu deeqay, waana wax aynaan ku baraarugsanayn, Rasuulku CSW waxa uu lahaa qofna labadiisa gomadood Ilaahay SWT hortiisa kama dhaqaaqayaan illaa afar wayddiimood la wayddiiyo, laba kamid ahi waa wakhtiga.

Halkaa waxaynu ka arkaynaa mihimka ay leeyihiin ilaalintoodu, marwalba in la ilaaliyo waa wax innagu waajib ah, xilliyada khayrka badan sida Ramadaan oo kale in la sii xoojiyana waa sunne khayr badan laga helayo.

Sidaa aynnu ugu baraarugsanaanno ilaalintiisu waa midda ka kaliya ee aynnu kaga badbaadayno Alle SWT hoojintiisa. Mucaad ina Jamal Rc ayaa Rasuulku CSW ku yidhi, “Miyaa la noo qabanayaa waxaannu ku hadalno,” dabadeed Rasuulku CSW intuu carrabkiisi qabtay ayuu ku yidhi, “Hooyadaa kaa goblantay Mucaadow, dadka wajiyadooda madaxa ma wax aan ahayn waxa carrabkoogu ku hadlaa loogu tuura.”

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

            Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

                    Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

                         SheekhRakuub.wordpress.com

QAYBTII 8AAD

Axkaamta Ramadaanta

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 8aad

Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga

Waxaynu halkaa ka arkaynaa carrabku in uu yahay waxa samaha iyo xummaanta inoo soo jiida, haddii waxaynu ku hadlaynaa yahay wax Alle SWT raali galinnayn sida xadiiska ka muuqata ayeynu waxaynu ku galabsannay naar kuna galaynaa.

Ilaahay isaga oo inoo baanaya wuxu ina leeyahay “Miyaanan u samayn laba indhood, carrab iyo labadiisi daan.” intan aad ku socota ba ee aad wax ku arkaysaba annagaa leh. Sidoo kale carrabkan iyo labada daan ee isu hagaajiya ama isu toosiya hadalka annagu miyaanan ku siin weeye su’aashu, haa Allow adaa na siyey, sidaa awgeed waxa innala gudboon mahadcelin.

Ilaahay SWT mar kale wuxu innoogu baanay in uu ina siiyey carrab hadalka soo saara, “Wuxu idin baray hadalka.” Ogow mar kasta oo aad hadal maqasho waxa hadalka soo saara waa carrabka, kaas oo aynnu ku kala duwannahay makhluuqaadka kale.

Sida oo kale Alle SWT wuxu inoo sheegay eray kasta oo afkeenna ka soo baxa inuu yahay mid guntan oo la qorayo, “Kama soo baxo hadal ‘afkooga’ illaa waxa tirinaya oo ogsoon Malaa’ig.”

Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?

Akhlaaq marka laga hadlayo waa habdhaqanka qofka oo toosnaada, waana mid diintu dhiirigalisay in lala yimaaddo, iyada oo dadka ku tartansiinaysana u tilmaantay in maalinta qiyaame sida loo kala akhlaaq roon yahay loo kala darajo sarrayn doono, waxaana taa muujinaya xadiiska sugan ee Rasuulku CSW leeyahay, “Waxa Mu’miniinta ugu darajo sarreeya kooga ugu akhlaaq wanaagsan.” Hubaashii habdhaqanka suubani wuxuu qofka gaadhsiiya sarreedo aan salaad badnaan iyo soon badnaan lagu gaadhin.

Waa habdhaqan uu hormood ugu ahaa ummadda Rasuulku CSW miyaanad arag marka Alle SWT leeyahay, “Waxa kuu sugnaatay akhlaaq sarraysa.” Sida oo kale Caai’sha Rc ayaa mar la waydiyey habdhaqankii Rasuulka CSW waxay ku tidhi, “Habdhaqankiisu wuxuu ku salaysnaa Quraanka.”

 Rasuulku CSW wuxuu ahaa mid horseed u ah ku dhaqanka diinta sidaa darteed qofka ugu hor dhaqma ayuu ahaa.

Habdhaqanka tolmoon waxa lagu gartaa af gaabni iyo dhawrsanaan sidaa ajligeed ayaa ergaygii Alle SWT lagu sheegi jiray in uu ahaa mid tilmaamaha ku suntan, xadiis ka suganna wuxu ahaa, “Alle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.”

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

            Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

                    Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

                         SheekhRakuub.wordpress.com

QAYBTII 9AAD

Axkaamta Ramadaanta

 Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 9aad

Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?

Habdhaqanka sare waxa ka mid ah sida aynnu soo sheegnay xishoodka, xishoodka ugu dunsani waa ka qofku Alle SWT ka xishoodo. Rasuulka CSW oo maalin la hadlaya asxaabtiisi baa ku yidhi, “Waar ka xishooda Alle, xishood dhab ah.” Inta ay naxeen saxaabadi ayey si degdeg ah ugu falceliyeen, “waanu ka xishoonnaa Rasuul Allow.” Intaa markii ay yidhaahdeen buu haddana ku yidhi, “Xifdiya madixiina iyo intuu koobsaday, xifdiya calooshiina, badiyana xusuusnaanta geerida.”

Billaahi calaykum xadiiskaasi muxuu inoo reebay, haddii lagu yidhi xifdi madaxa iyo intuu koobsay; waa indhahaagu yaanay eegin wax aan Alle SWT raalli ka ahayn, dhegehaaguna yaanay dhagaysan wax Alle SWT necbaysanayo, calooshaada yaanay gelin xoolo aan xalaal ahayni weeye.

Sidaoo kale badiya xusuusta geeridu na waa ha isa siin noloshan, maalin aadan is ogayn ayey geeridu kuu iman kartaa, saacad aadan ogayn ayey naftu kaa bixi kartaa, mar walba waa in diyaar u noqotaa geerida.

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Erayga Salaad luuqaad ahaan waa duco, dhanka shareecadu adeegsatana waa cibaado khaas ah oo Alle SWT addoomihiisa amray in ay sameeyaan.

Salaaddu waa tiirka labaad ee tiirarka islaamku ku taagan yahay. Waana tiirka kali ah ee Alle SWT soo waajibiyey isaga oo ergaygiisi uu dunida sare la jooga.

Sida ka sugan ergaygii Alle, maalinka qiyaamaha waxa ugu horreeya ee la iska xisaabinayaa waa salaadda, haddii qofka salaaddiisu u hagaagto waxa u hagaagaya camalkiisii kale oo dhan, se haddii ay ka xumaato salaaddu qofkaasi khasaare ayuu ku sugan yahay. Sidaa awgeed salaaddu waa tiir ka culus soonka.

Salaaddu qofka ooga waxa ay u keenta xasiloonni iyo degenaan, taa soo haddii uu markiisi hore ahaa mid qalafsani u dhashay ka dhigta mid ka miirta dabeecaddiisi adkayd, sida oo kale salaaddu waxa ay qofka ka hurguftaa xumaha iyo joogtayna caasinnimada. Alle SWT wuxu yidhi, “Salaaddu qofka waxa ay ka reebta dambiga iyo macsida.” Qofkii intaa iska waaya waxa khaldan qaabka uu u oogo salaadda ee haysku noqdo, mihimku waa in qofku ogaado in salaaddu ka hor joogsanayso qofka xumaha oo dhan, taasna qofku waxa uu helayaa marka uu arkaanteedii la yimaaddo, sida oo kale Alle SWT ka cabsiga badiyo.

Kolka laga hadlayo salaadda: arrinka ugu mugga weyn ee lagu kala garto qofka iyo diintiisa, ergeygii Alle waxa uu yidhi, “Annaga iyo gaalada waxa noo dhaxaysa salaadda, qofkii ka tagaana waa gaaloobay.” Xadiiskaasi waxa u si cad u qeexaya dhanka lagu tirinayo qofka ka taga oogista salaadda.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

            Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

                    Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

                         SheekhRakuub.wordpress.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here