Qawleysato Aan La Haybsan Oo Labadii Sanno Ee U Dembeeyey Xilliyo Kala Duwan U Dhacayay Xafiisyo Kala Duwan Oo ay Leeyihiin Hay’adaha UN-ta Iyo INGOs-ka Ee Dalkaas
Kampala (Hubaal/W/wararka) – Boob baaxad leh ayaa weriyey in kooxo qawlaysato ah oo aan la aqoonsanayni ay tan iyo labadii sanno ee la soo dhaafay ku bililliqaysanayeen agabka iyo qalabka xafiisyada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala magaalo-madaxda dalka Uganda iyo gobollada kale ee wadankaas. Sida ay warbaahintu soo tebisay kooxahan oo aan haybtooda la aqoon balse la aaminsan yahay in ay bulshada deegaannada xafiisyadu ku yaallaan ka mid yihiin ayaa la sheegay in waxyaabaha ay bartilmaameedsanayaan bililliqadoodu ay ka mid yihiin qabalka Stationery-ga loo yaqaanno ee xafiisyada hay’addaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee dalkaas ka shaqeeya yaalla, iyada oo agabka ay ugu jecel yihiin in ay xadaan ama boobaanna ugu muhiimsan yihiin kombiyuutarrada xafiisyada [Personal Computers] iyo kuwa gacanta lagu qaataba [Labtops], kuwaas oo marka la isku xisaabiyo qiimayaasha qalabkaasi iyo barnaamijyada [Software Programs] ay ku shaqeeyaan lagu qiyaasay in cadadkoodu noqonayo malaayiin dollar. Ururrada u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah oo gaadhaya tobaneeyo ayaa qalab laga xaday inta xafiisyadooda loo dhacay labadii sano ee tagay. Dhawaan urruro 30 ka badan ayaa booliska dalkaas cabasho gaadhsiiyay ah in arrinkaa wax laga qabto.