gabaygan waxaa layidhaahdaa QASA wuxuuna ka hadlayaa
dhibta iyo xasuuqa falastiin ee ay yuhuudu ku hayso
wuxuuna soo baxay 26-7-2014 kii waxaana curiyay
ABWAAN: MAXAMUUD AXMED SHIRE (garaad shire )
Hooyada qudhii laga jaray
Ilmaha qoorka sare waayay
Aabaha madfacu uu qabsaday
Qalanjadaa qoorta laga gooyay
Dhiigooda maatida la qubay
Qoyska la xasuuqay
Qasaaraa dhiciyo daarahaa
Sidii qashinka loo daadshay
Qalbigaan ka ooyaa dhibtiyo
Qoonta falastiine
Murugada I qabataa
Ilmadu marada qoysaaye
Allahayow quweebaan dhahaa
Qaadir baad tahaye
Carabaanse qiiriyo lahayn
Kaalmo iyo qowled
Iskadaa wax qabad iyo
Inay qori ku biirshaane
Iyagaaba qaarkood yihiin
Hiil qarsoodiya e
Kama hadal sucuudigu mar qudha
Qiiqa falastiine
Qaahiri badheedh bay qasa
Qool u geliyeene
Qadar iyo kuwayd maba oga
Qoonkan jeex dumaye
Qushi buu imaaraadku yidhi
Qayladii timiye
Urdun iyo qolada reer baxrayn
Way ku qoslayaan uune
Laga waa mid qudha oo yuhuud
Qaraf ku tuuraaye
Wax la quuto mooyee
Ka madhan carabi qiimiiye
Qisadii asxaabtiyo may dhugan
Seefihii qaysar gowracaye
Qasawaadki ruum lagu qabsaday
Waa shay ka qaafila e
Casiirkaa qabow bay sunii
Uga qashaafeene
Iyaguna qudhooday hureen
Goortiyay garab ka quusteene
Qabrigay ka doorteen dulmiyo
Quudhsi nololeede
Gumaysiga may qaadane jihad
Qaade qayr badane
Diide inay yuhuud uga qaxaan
Aradadii qaaliga ahaaye
Qarax iyo qunbuladay rideen
Qayb yuhuud dilaye
Qasriyadi talaabiid iyaba
Dheehi laga qaadye
Godod iyo hadeer bay qoteen
Meel qarsoodiya e
Qalqal baa israa,iil ku dhacay
Haday kibir la qooqeene
Qaatiyaan haday taagan tahay
Dowladii qarada wayneede
Qiil iyo haday doonayaan
Si,ay nabad u qaataane
Haday qoomameeyaan ,waxay
U qod qodaayeene
Qudus iyo dhawaan way xorayn
Meelihii diinta ku qoraaye
Allahayow nasriga sii qasa
Qaadir baad tahaye