WAA MAXAY TAWXIIDKU?
Qalinkii: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rarakub
Qaybtii saddexaad
Ka baqashada shirkiga
Dambiga waxa aan ka baqan gaalka iyo munafaqa, se qofka imaanka leh dambigu aad ayu u dhiba, waxaadna ku garan karta Cumer Ibnu Khadaab Rc sidu uga baqan jiray munafaqnimo inay haysto, oo waaki u tagayey asxaabigi Rasuulku CSW sirta u sheegi jiray ee Xudayfa Rc waaki ku lahaa “Illahban kugu dhaariye magacyadi munafaqiinta ee Rasuulku CSW ku sheegay magacayga mukugu daray”, waaki asxaabigu ku lahaa “may”.
Asxaabigi Ibnu Abi Mulayka Rc waaki xadithki u Bukhaari werinayey ku lahaa “waxaan so gaadhay in ka badan sodon asxaabti Nabiga CSW ah, manaan arag mid aan naftiisa uga baqanayn nifaaq (munafaqnimo)”. Bilaahi calayk haddi asxaabti Rasuulku sida ay uga baqanayeen munafaqnimo inagu xagaynu isla joogna. Bal eeg Alle SWT isago ka waramaya in aan lays qaadqaadin oo nafta waxanay ahayn laga dhigin laysna cajabin suratul najmi waka ku yidhi “hay amaanina nafihina, Alle waa ogyahay qofka isaga ka baqanaye”.
Alle SWT isaga og qofka ka baqanaya iyo ka iska yeelyelaya isagana kala saaraya, waxay aayadu ka hadlaysa inaynaan inagu is cajabin, oo cibadada aynu la imanayna aanay wax weyn u qaadan, balse ogaano inay jirto cibaado aan la aqbalinba; sida haddi aad cid kale is tusayso, haddi munafaqnimo kugu jirto iyo meelo badanba.
Alle SWT suratul nisa wuxu ku yidhi “Illahay uma dambi dhaafo qofka isaga ka gaaloba, wixi (gaalnimada) inta kaso hadhana wu u dambi dhaafa haddi u doono”. Waxaad arkaysa in gaalnimo naxaris lahayn, dambi dhaafna lahayn qofka sida ku hoydana aanu naxaris rabi sugayn.
Dadki wanaagsana ubadkay dhalaan waxay ku tarbiyadayn jiren in aan shirkigu wax yar ahayn, bal eeg suratul luqmaan sidu ninkaasi inankisa u dardarayo “inankaygiiyow ha u shariik yeelin Alle, shirkigu waa dambi weyn”. wuxu u sheegaya in aan shirkigu aanu lahayn wax yar oo inta layska sameeyo layska fadhisan karo adigo dhoohan oo moogan waxaad samaysay ee shirkigu acmaashadi oo dhan masaxayo.
Dadki wanaagsana waxay ku ducaysan jiren sida Alle SWT Qur’aanka ku sheegay “Allahayow qalbigayaga ha leexin, intaa aad hadaysay ka dib”. Waxa aad arkaysa in qalbigu yahay haydaroniga lexlexinaya nafta, oo Rasuulku CSW waaki isna ku ducaysan jiray “Illaha qalbiyada gedgediyow, qalbigayga diintaada ku sug”.
Alle SWT suratul maa’ida wuxu ku yidhi “qofka u shirki yeela Illahi, waxa laga xarimay jannada, hoygisuna waa naar”. Illah haynaga ilaaliye waxa aad arkaysa xaga lagu dambayn dono haddi lagu kari waayo xaga ay tahay.
Waxa ka sugnatay dadki wanaagsana inay nafahooda iyo ubadkooga Illahay SWT u baryi jiren ino dhawro bal eeg suratul Ibrahiim isago Allahi SWT la hadlaya”Illahow iga dheere aniga iyo ubadkayga cabudista asnaamta”.
May ahayn ambiyadu qaar is dhigta oo isagi ayaa iskaga bilabaya oo Alle SWT hanuunka waydisanaya. Bal u fiirso Nabi Yacqbub CS oo geeridi uso dhawatay oo ubadkisi si waraysanaya sidu Alle SWT suratu baqara kaga waramay “xus xili yacqub inamadisi ku lahaa, dabaday maxaad cabuudi doontan”. In lays tarbiyadeya oo qof kasta inta u ka masulka yahay tarbiyada way wanaagsan tahay, maalinta qiyaamena qof kasta intu masuulka ka ahaa waa la waydin waxay qabten iyo inu dayacay iyo in kale sida Rasuulku CSW xadiiska ku sheegay “qof kasta waxba la raaciyey, qof kastana waa masuul”.
Gawraca Wax Lo Gawraco Alle SWT Qayrki
Marka ay diintu kugu yaraato, amase ahaato mid xumaha daaqa, inaad dambiga samaysa wax weyn ku ahaan mayo, in aad Alle SWT cid aan ahayn wax u gawracdana wax dhaca ayey noqonayaan, oo maantaba qaar aya laga kari layahay.
Alle SWT suratul ancaam wuxu ku yidhi “idhaahda, saladayda, gawracayga, noloshayda iyo geeridaydaba Allaha leh caalamka ayey u sugnatay, una shariik yeeli maayo”. Si cad ayu Alle SWT inogu sheegay isogo ina baray waxaynu odhan lahayn, waxa ayaan dara ah maanta inaynu xabaalo wax u qalqalno inago ku mamusayna amba xaqi Alle SWT lahaa sinayna, Alle SWT suratul kawthar wuxu ku yidhi “u tuko Alle dabadeed gawraca same”.
Waa maalinta udxada ee la leyahay marka aad tukataan Alle SWT u gawraca gawraca. Gawrac aan Alle SWT wax lo gawracina shirki ayey kenaysa inaynu iska ilaalino ayaa muhiim ah, oo maanta waxa aad arkaysa qaar ku odhanaya gawracan jiinka ayaan u samaynaya, Alle SWT suratul jin wuxu ku yidhi “waxay ahaaden koox insiga ka mid ahi, qaar magansada oo wax mooda koox ka mid ah jiinka dabadeed waxay jiinki la magan-saday u kordhiyaan un kibir”. Waxa aad arkaysa cid aan wax ahayn marka aad wax ka dhigtid xaga laysla tagayo, oo neef qal, neefaf qal ayaa ku xigta, hadi kale ubadka ayaa laga laynaya oo waa lagu jaanjaminaya, adana isku keenay waxaas oo dhan, hadi aanad donan lahayn ismaydaan aragten ayaa hubaal ah.
Rasuulka CSW waxa ka sugnaday xadith Cali Ibnu Abi Daalib warinayo Rc oo muslim soo saaray inu yidhi “Rasuulku wuxu nacdalay cida Alle SWT cid aan ahayn wax u gawracda”. Aragtay cidhib xumadu inay xata nacdal Rasuul CSW ledahay, walaalayaal yaynaan is dhigan oo shirkigu wax yar maahe yaynaan waxaynu fudaydsanayno cadaab Rabi SWT aynaan ku mutaysan.
Nidarka Alle SWT qayrki wax lo nidro
Kalmada nidar waa nidar qofka oo wax isku waajibiya aan Alle SWT ku waajibin, marka hore karaahiyo weeye xukunkedu hadise qofku galo (nidarka) waajib ayey noqonaysa.
In aad nidarka aad gashay ofisa waxay noqonaysa wax waajib ah, hadi aad ka baxdana dambi ayaad gashay, Alle SWT suratul insaan wuxu ku yidhi marku ka hadlayey mu’miniinta “way ofiyaan nidarka”. Marka nidar aad gashay oo aad adu is dul saartay inaad oofisa waa kugu waajib, aayada hore way oofiyaane ayey ahayde aayadan eeg suratul xaj Alle SWT wuxu ku leyahay “ha ofiyaan nidarka “. Waxa aad aragta in waajib lagaga dhigay waayo amarka waajib ayu faa?iideya ayey culimada badankoodu aaminsan yihiin, marka Alle SWT nidarki oofiya ayu si cad u yidhi.
Alle SWT isago ino sheegaya inu ina og yahay wax walba oo aynu qabanayno nidarkana si khaas ah u bar tilmaamsaday ayu yidhi “waxaad bixisaan oo sadaqo ah, ama aad ku nidaartaan nidar Alle waa og yahay”. Waxa aad arkaysa in nidaarki si cad lo xusay inaynu samaynayno iyo in kale.
Hadaba nidaarka aynu kaso hadlayana waa ka sharciga waafaqsan ee Alle SWT ogol yahay qofka ku nadra inu sameeyo, laakin midba xaraan ah oo hadi aad shirki galiso tusaale ahaan shaydaan iyo xeerti hadi aad tidha hadi aad waxa isisaan waxasan idin qalaya shirki ayey noqonaysa, Alle SWT waad ka ku kufriyaysa, Rasuulku CSW wuxu yidhi xadithi Caa’iishi warinayso Bukhaarina so saaray “qofka ku nidra inu Allihi adeeco ha sameeyo, qofka ku nidra inu Allihi caasiyana yaanu samayn”. Waxa aad si cad u arkaysa nidarku inu shardi leyahay ki islaamnimadada wax yeelaya waa haku meraysan.
Baryada cid aan Alle SWT ahayn la baryo
Baryada aynu ka hadlayna wata Alle SWT xaqa u leyahay in kaligi la baryo oo aynu cid kale kula kufno, soomalidu waxay tidha baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku naca, Alle SWT suratul qaafir wuxu ku yidhi “aniga I barya aan idinka aqbale”.
Waxaad arkaysa in Alle SWT ku leyahay waar hadi aad cid baryayso aniga I bari, Alle SWT makhluqaadkisa kale ayu yidha wa kuwa I baryaya adoomadaydi marka aynu baryayno marka inaynu isaga barino waa waajib ee xata sune maha, rasuulku CSW wuxu lahaa ducadu waa cibaado mar kalana waa laf dhabarta cidabada ayu lahaa. Marka inaynu Allahen barina inaga ayaa dan inogu jirta dambigena lagu dhaafaya. Alle SWT wuxu leyahay “yaa ka dulmi badan qof Alle sokadi cid kale baryaya”. Mar kalana wuxu yidhi Alle SWT “kuwa iska kibriya baryadayda, waxay galayan janahama guunteeda”.
Waxa aad arkaysa baryada Rabi SWT oo aad iska kibriso ifkana wax ku heli maysid aakhirana waadiga Alle SWT sidu ugu hanjabayo arkaya. Inaad cid kale baridana xaraan ayey kugu noqonaysa.