Waxaan ahaa arday markaas uun dhammeeyay dugsi sare. Waxaan bilaabay shaqo u badan mutadawacnimo. Muddo markaan ku jiray marxaladdaas ayaan go’aansaday in aan
waxbarashadayda sii wato, ilaa heer Jaamacadeed. Waxaa ii ballan qaaday adeerkay oo markii horana waxbarashadayda la socday gacanna ku lahaa. Garab iyo dhiirrigelinna isiin jiray. Adeerkay waxaannu ku ballannay Jabuuti si aan u kala xusho Jaamacadaha dalalalka deriska ama kuwa Bariga fog, oo berigaa aad loo tegi jiray. Waxaan u xadhko xidhay safar. Waxaan soo diyaarsaday dhammaan alaabtayda waxaan u baahnaa. Habeenkii waxaan seexday Xafiis aan shaqaale ka ahaa, si aan aroorta hore halkaas uga jarmaado. Habeenkaas hore waan u gam’i waayay.
Waxaan ka fekerayay safarka dheer ee i sugaya, iyo anigoo aan waddanka hore uga bixin waxa aan la kulmi doono.
Waxaan 4:00 aroornimo goor himsehimse ah ka anba baxnay magaalada Burco. Waxaanu ahayn saddex qof Aniga, dirawalka gaadhiga iyo Agaasimhii xafiiskayaga. Waxaanu kusoconnay xawaare aad ah, sababtuna waxa ay ahayd waxaa shir Hargaysa ku lahaa Agaasimiha 08:00 Aroornimo. Nasiib wanaag wuu ka gaadhay. Anigu waxaan sii watay safarkaygii waxaan tegay istaanka gawaadhida u kala safarta Somaliland iyo Jabuuti. Waxaan soo kiraystay boos kursiga dhexe ah. Gaadhigu wuxuu ahaa nooca loo yaqaan ‘Qareengoo’ Waa laangaruuser gaboobay oo daqash ah. Judha aad isha ku dhufato waxaad arkaysaa dayac badan oo ka muuqda oogadiisa. Hayeeshee markuu dhaqaaqo waa gaadhi dhaqaaqay uun.
Waxaanu baxnay goor maqaariib ah. Habeenkii oo dhan waxaanu ahayn guure. Dhulku wuxuu ahaa abaar. Omoska iyo habaaska aanu jidka kula kulannay waxay ahaayeen layaab. Wado xumo, gaadhi xumo iyo abaar ayaa isu kaaya barkaday. Waxaanu marba tuulo kusii nasanno aroortii danbe ayaanu ka quraacannay Lawyocado. Waa magaalo xeebeed, aan aad u weynayn. Dhaqaaleheeduna badanaa wuxu ku xidhanyahay khayraadka badda iyo cashuurta dadka safarka ah ee ukala gudbaya Somaliland iyo Jabuuti. Maalinta inteedii hore oo dhan waxaanu joognay Lawyacado. Waxaa nala waydiiyay sharciyo si aanu u gudubnno. Anigu waxaan sitay Baasaaboorkii hore Soomaalida ka dhaxeeyay. Waxaan ka codsaday laanta socdaalka in dal-kugal la ii saaro, si aan u gudbo. Hayeeshee way iidiideen. Talo ayaa igu caddaadatay ballan muhiim ah ayaan leeyahay, si alla si aan yeelo ayaan garan waayay.! Waan fekeray. Talo waxaan ka qaadi waayay in aan Laaluush bixiyo. Nin madaw oo caato ah ayaa i fahmay. Markuu gartay in ishaydu galac leedahay ayuu ila faqay. Kuye “Sharci ma wadatid miyaa?” Anna waan shakiyay xoogaa baan ka aammusay, basaas ayaan u qaatay. Hadana mar kale ayuu igu celiyay “Haddaanad waraaqo haysan waan ku dhaafin karaa xadka” Haye i dhaafi baan ku idhi. Waxaanu gallay heshiis aan sharci ahayn. Isna heshiis kale oo aan sharci ahayn ayuu la galay Askari xadka joogay. Waxaan bixiyay lacag laaluush ah shuruudna waan ku xidhay. Waxaa lakala qaybsaday lacagtii. Ballantuna waxay ahayd: In uu xadka i dhaafiyo inta danbana aan is debbero. Hawraar-san ayaan ku kala tegay. In yar haddaanu joogno waxaan arkay: Nin rakaab nala ahaa oo isna indhaha meermeerinaya; Nidaamkii aan maray ayaan u sheegay. Isna laaluush ayuu bixiyay.
Heshiiska waxaa ku jiray: In xadka inta Somaliland uu na dhaafiyo ninka shacabka ah. Inta danbana askariga jabuutiyaanka ahi.
Waanu soconnay, waxaa na horgalay mukhalliskii noo dhexeeyay annaga iyo askariga. Dhulku waa kulayl xagaa baas ayaa taagan. Hanfi kulul ayaa wejiga kaa leefaya, sahay badan ma sidanno, kaaga darane masaafada u dhaxaysa Lawyacaddo iyo Jabuuti anigu waxaan u haystay in loo kala lugayn karo. Weligayba waxaan moodayay marka buurta dheer laga dego in markiiba la gelayo caasimaddii. Laakiin runtu saas may ahayn Jabuuti iyo Lawyacaddo waxa u dhexeeya 12KM. Kolkaanu xoogaa jaqaafiinnay daal iyo harraadnna na hayo hanfi baasna wejiga naga leefay ayaan gaadhnay xadka u dhaxeeya labada del ee Somaliland iyo Jabuuti. Waxa ku wareegsan taar aan is idhi malaha isticmaarkii ayaa ku wareejiyay oo bacadku dishooday lagana tallaabsan karo. Markaanu taarkaas soo gaadhany waxaa sheedda naga arkay askarigii makhallasku laaluushka kula ballamay.
Qorshuhu wuxuu ahaa inuu magaalada na geeyo ama gaadhi na saaro. Labadaas midna muu yeeline intuu lacagtii qaaatay ayuu cidhibta ku dhuftay. Aad ugamaan xumaan anigu waxaanan u haystay in ay magaaladu kambalka saaran tahay. Markaanu xoogaa lugaynay ayaa waxa naga horyimi gaadhiga nooca soomaalidu u taqaanno CABDIBILE. Judhii aanu gaadhiga aragnayba iska garanay in askari saran tahay. Saaxiibkay wuu cararay anigu se maan cararin waayo meelaan u cararo iyo cidaan cararo toona ma garanaynin. Gaadhiga waxaa saarraa laba nin, mid waxa uu ahaa askari Canfari ah. Midka kalena waxa uu ahaa laba xidiglle Jabbuutiyaan ah. Canfarigii wuxu eryaday saaxiibkaygii aanu wada soconnay, anna waxaa dhirbaaxo ii waalay labaalihii. Wuxu ahaa nin dheer oo da’da lixdanka gashay ah hayeeshee balwadi dilootay. Si uu uga qayb qaato soo qabashada saaxiibkaygii cararay una cabsi geliyo dhawr xabbadood ayuu sare u riday. Midda layaabka leh waxay ahayd ninka labaalaha ah markuu xabbad ridayo hoos ayuu u foorarsanayay indhahana wuu isku qabanayay…markaasaan xasuustay in Jabuuti dagaalladii Soomaaliyi ku hoobatay iyo kuwii ka horreeyay toona taariikh ku lahayn.
Waan sheeko taraaraye askarigi canfariga ahaa wuu ka soo hoyday ninkii reer hawd. Faro madhan ayaanu lasoo noqday labaaluhuna aad ayuu u canaantay dabllihii ku fashilmay inuu gacanta kusoo dhigo miskiinka duurka galay.Waxa isku soo hadhay aniga iyo colkii reer Jabuuti, waxa ay isoo saareen gaadhiga xaggiisa sare. Waxa ugu weyn ee aan ka baqayay wuxu ahaa xabsi aan ku seego ballantii ku saabsanayd mustaqbalkayga waxbarasho. Waxay igu soo celiyeen kaantaroolkii u dhexeeyay labada dal ee Soomaaliland iyo Jabuuti. Laba xidigllihii oo xanaaqsan ayaa ku canaantay askartiisii: Maxay tahay sababta xadka laysaga marayaa? Lacag ayaa qaadateen saw maaha? Markay intaas maqleen askartii way ka baahday. Mid ka mid ah ayaa damcay in uu i dhirbaaxo si uu labaalihiisa u raalli geliyo. Booddadii uu soo qaaday iyo waxa is xiga gabbashadaydii. Waxaana cagta midig halka rays magaadhada kala xaabiyay taar na ag yaallay oo af badan. Mar alla markii ay intii kale arkeen dhiigga askariga ka da’aya ayay igu miiseen, gacan nebi nin doonoow ayaa ka dhacday! Laadka, feedhka, hidhka laygu boobay waan yaabay.
Galabtaas aakhiro ayaan qorshaystay bal qiyas kabaha askarta qof beerka iyo madaxa lagala dhacay! Markay dhulka iigu tureen ayaa haddana labaalihii gaadhi soo eryay si uu madaxa iiga mariyo! Kolkuu in yar ii jiro ayay ku qayliyeen askartii kale KA DAA KA DAA! Kuwii i dilayay ayaaba arxan ii noqday, kolkay koomo i geliyeen cadceeduna kulayl tahay ayay meel hadh leh igu xidheen. Halka aan ku xidhnaa xageeda sare waxaa ku qayilayay askari kale oo ilaalo ah. Haashka iyo garabada ayuu madaxa igaga soo qubayay. Markaan miiraabay ayaan ku idhi “Adeer iga daa xashiishka” waanu iga daayay run ahaantii. Wax aan miyirsaday iyada katiinad labada gacmood igaga jabsan tahay. Waxaanan ka fekeray sida ay iga yeelayaan iyo halka ay i gaynayaan. Tolow ma xabsi bay kuu taxaabayaan? Oo xabsiga miyaan maxkamadi ka horreyn? Waar waa dawlad Afrikaan oo way iska kaa xdhayaan? Horta nimanku maxay kuu dileen? Ma denbi baad gashay? Haayoo waddan dhan ayaad rabtaa in aad bilaa sharci ku gasho? Oo Jabuuti miyaanay dhul Soomaaliyeed ahayn? Hadday tahayna saw calan gooni ah malaha? Oo askarigu muxuu laaluushka kaaga qaatay? Su’aalo caynkaas ah ayaan is waydiiyay! Saacaduhu waxay socdaanba waxa la gaadhay fiidadawgii anoo wel welsan ayay isoo hordhigeen baasto wada saliid ah. Ma wax baan cuni karayaa cirridka iyo afkuba way ii dhiigayaan uurku jirtuna waaba i khalaas. Waxba kama cunine biyo kulul ayaan cabbay badhna ku fool dhaqday.
Markan sidii hore waan dhaamaa waananan miyirsaday oo si wacan u miirabay walaw welwel xooggani iga hayo halka aan u hoyan doono. Anoo fekeraya waxaa ii yimi nin labaaluhu soo igmaday misuu igu yidhi: Maxaad u baahantahay? Weyso iyo meel aan ku tukado ayaan waydiistay? Waanu iga aqbalay. Markaan tukaday waxaa ii yimi labaalihii oo taqsiintu wejiga intiisa kalaba ka weyntahay. Markan si naxariis leh ayuu iila hadllayaa malaha murqaankii ayaa laabtiisa xaradhaamiyay. Waxaanu ii sheegay in aan xor ahay haddaan dib u noqonayo iyo haddaan hore u soconayaba. Naqas farxadi ku ladhantahay ayaa markan iga soo booday, waxaanan u sheegay in aan hore u soconayo ballan muhiim ahna leeyahay. Waxaanu i saaray gaadhi i gaadhsiiya Jabuuti. Sidii baan ku imi hawlahaygiina ku dhammaystay?
Waa ayaamo duniduye islla sannad ka dib waxan ka dhoofayay Madaarka Xasan Guuleed Abtidoon. Baasaaboorku waa kii fiisahiisa lay diiday. Laakiin hadda fiisaha saran ayaa Faransiis ah, sida la ii galbinayay waxaad i moodaysay boqor. Ama madaxweyne dadkiisii nabad gelyeynayaan waxa la cisaynayay may ahayn shakhsiyadda soomaaliga ee waxa ay ahayd fiisaha baasaaboorkayga saaran. Markan ayaan xasuustay tix aan bawsaday, qofkii lahaa se aanan garanayn:
Nin gumaysi habayoo
Isticmaar halleeyoo
La hal maalay baad tahay
Ugu danbayn aan cafiyo kii isoo qabtay iyo kuwii i jidh dilayba, nidaam kasta oo dal ka jiraana ma wada xuma mana wada wanaagsana.
Xamse Cabdi Ibraahim “Qoor Cadde”