Hargaysa:(Hubaal)-Agaasimaha Maamulka ee xagomaynta Xanuunka Aids-ka, ahna Siyaasi ka tirsan Saraakiisha Xisbigga taladda Somaliland haya ee KULMIYE,ayaa si dareen-taabad leh uga sheekeeyay dhacdo uu kala kulmay mid ah mid ah saraakiisha Ciidanka Ilaaladda Waddooyinka Somaliland,kaas oo sheegay inuu ku sifoobay ansha iyo dhawrsoonaanta Ciidan-nimmo. Cabdkarriim Axmed Maxamed (Xinif),ayaa sheegay inuu Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimmaan uu usoo jeediyay inuu Ninkaas Sarkaalka ah ku abaal-mariyo shaqo-wanaagga uu la yimid,waxaana uu sheegay inuu Taliyuhuna arrintaas ka aqbalay,dhawaan-na la arki doono dhiiri-galinta loo samaynayo askariggaas.
Agaasime Xinif,ayaa sidaas ku sheegay Qoraal kooban oo uu warbaahinta soo gaadhsiiyay,waxaana uu u dhignaa sida tan; “Waxay ahayd saaka [shalay] 6:00 Am oo ah waqtiga aan caadiyan guriga uga baxo, waxaan sii maraa waddada dheer ee laamiga ah ee isku xidha Bariga iyo Galbeedka dalka. Jidkaa marka suuqa lagu socdo ee laga yimaaddo dhinaca galbeedka waxa ku yaalla meel isgoys ah oo afar waddo isku weydaartaan. Meeshaas subax walba waxan ku dhaafaa raxan askar ah oo ah ciidanka nabadgelyada waddooyinka, anigoo ah dadka salaadda subax markay tukadaan soo baxa ee aan dib u seexan ee jarmaada, kooxdaa Askarta ahi way iiga soo horraysaa meeshaas is goyska ah. Haddaba kooxdan waxa ka dhex muuqda nin captain (dhamme) waxa uu taliye ka yahay saldhigga ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee ku yaalla Galbeedka Hargeysa ama kaalinta indho birta agteeda. Waa nin ay ka muuqato akhlaaq wanaag iyo edaab ciidan. Anigu sidaydaba waxan ka mid ahay dadka u naxariista badan ciidammada dalka gaar ahaan kuwa nabadgelyada waddooyinka oo aynnu ognahay in ay hortaagan yihiin darawallo badan oo aan sharci iyo dhaqan midnaba dhowrayn. Haddaba saaka ayaan is idhi nimanka meesha subax walba taagan ee dantiina u taagan quraac sii.
Maxaa Iga Gaadhey Haddaba
Waxa igu dhacay wax aanan jeclaysan hadana aan ku farxay oo ku ogaadey ciidankiinnu inaanay geyin aflagaaddada iyo cayda sida caamka ah loogu geysto. Markii aan u yeedhay oo si ixtiraam leh uu iigu yimi ayaan woxoogaa yar oo lacag ah si hoose ugu fiiqay anoo u raaciyey inaadeer hooyoo ku quraacda. Isagoo haddana aad ii ixtiraamaya ayuu ayuu haddana iyadoo aan dareemayo inuu dhibsanayo igu yidhi waa nagu cay waanad mahadsan tahay. Anigoo khajilsan ayaan ka dhaqaaqay. Inyar kadfib ayaan la hadlay Taliyaha Guud ee ciidanka Boliiska Somaliland kana codsaday ninkaas sarkaalka ah ee ilaalinaya islamarkaana garanaya sharafta ciidanka inuu dhiirri geliyo abaal gudna siiyo, aliyuhuna wuu iga aqbalay, haddana mar danbe aannu kulannay taliyaha waan u faah-faahiyey isna wuxu ii ballan qaaday inuu shirka saraakiishana ka sheegi doono wax kalena ugu dari doono. Anigana wuxuu iga codsaday inaan miidhiyaha ka sheego. Haddaba bulshada reer Somaliland ee ciidankooda sharaftiisa jecel ka codsanayaan inay sii faafiyaan”.