W/Q: Caydaruus Sh. Cumar Geeddi
Muddo hadda dhawr bilood uun qiyaastii laga joogo taariikh ahaanna ku beegmaysa maalmaha ugu horreeyey bishii November ee 2014-kii, Waa fiidnimo, Salaadda cishaa’i uun wax yar ka dib, wuxuu ka baxay Suuqa si uu isaga hoydo, guriga uu deggen yahay oo ku yaal Xaafadda Daruuraha, nin aanu Saaxiibbo nahay wuxuu ka qabsaday waddada kor uga baxda Togdheer ee illaa Idaacadda Radio Hargeysa socota. Wuxuu ku talo-galay inuu ka bari uga leexdo marka uu marayo guriga Ina Faarax Joome ee badhtamaha jiirta Togdheer, halkaasoo ku beegan Xaafaddiisa.
Isla markii uu qabsaday jidka laamiga ah ee kor u baxa, Cabdi Cismaan waxaa ku soo dhacay Telefoonka gacanta oo jeebkiisa sare ee shaadhka uu xidhan yahay ugu jiray, intii uu la hadlayey qofkii soo wacay, waxay ku qaadatay inuu la sinmo Wajahadda hore ee Hangarrada Wershadda Biyuhu ku qoran tahay, ama Xarada Goljanno, meeshaas haddii aad aragtay waxaa ku yaalla dhir labada dhinac ee jidka teedsan oo u badan Geedka Garanwaaga aynu ku magacawno oo joog nin dhererkoodu yahay qaarkoodna waxyar ka sarreeyaan.
Weli isagoo dhegta ku haya Mobile-kii, iskana baraad la’ oo hadlaya, ayaa wuxuu mar kaliya ku war helay; Dhufashada xoogga leh ee la gundhiyey ama gacantiisa laga fara-maroojiyey Teleefankii uu ku hadlayey, deg-deg ayuu u soo jeestay, waxaanay indhihiisu markiiba qabteen dhalinyaro saddex ah oo sii yaacaya.
Dhalinyaradu waxay xuleen Sekadaha Xaafadda Goljanno, Cabdina wuxuu liqi waayay inuu iskaga hadho oo ka samro nimankaa yaryar ee Kibirka kaga boobay Taleefankiisii gacanta, waxaanu go’aansaday inaanu sidaas kaga hadhin. Wuu iska daba-majiiray (orday), iyana waxay ka war heleen in lagu daba-jiro, way isu qaybiyeen oo midba gees ayuu ugu cararay.
Cabdi oo aan garanayn ka dhabta ah ee sita allaabtii laga xoogay ee mashaqadanba sababta u ahayd, wuxuu markiiba daba dhigtay kii uu u arkayay inuu orodka ugu gaabinayay saddexda Wiil, isagoo maanka ku haya inuu kan uun qaban karo.
Wax uu eryadaba, kolba Sakad kala baxaba, marba jar uga boodaba, aakhirkii wuxuu ku qabtay meel waxoogaa dhinaca Galbeed ka xigta Dukaanka Caanka ah ee Ina Bakeeri, Woqooyi qumanna kaga beegan Dugsiyada Lammaanaha ah ee Gacma-dheere iyo 26-ka June ee isla Xaafadda Goljanno ee degmada 26-ka June.
Markii uu gacanta ku dhigay Cabdi Cismaan Wiilkii yaraa, waxaa isla markiiba ku soo gaadhay dad iyaguna meesha marayay. Cabdi oo aan muddo dheer ordini, markii uu garabka qabtay kii yaraa, isagii waxaa ka dhammaaday dhaqaaqii oo wuu daalay, waxaanu tahli waayay inuu gacmahaba kii yaraa ku hayn karo daal iyo xiiq daraaddood.
Dadkii isugu yimid ayaa ka caawiyey inay la soo kaxeeyaan markii ay nasteen, waxaanu qorshaystay inuu geeyo Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa oo uu isaga aqoontiisa ahaa Saldhigga ugu dhaw markaas. Laakiin dadkii la socday waxay u sheegeen inuu jiro Saldhig Xaafadda Goljano leedahay oo ku yaal meel u dhaw geesta Bari ee Xaafaddaasi qiyaastiina kor kaga beegan goobtii lagu helay. Cabdi wuxuu la qaatay go’aankii ahaa inuu Saldhiggaas geeyo oo ku xidho.
Markii ay soo gaadheen Saldhiggii, oo ahaa mid dhawr maqsin ka kooban, meeshii wuxuu kula kulmay waxaanu filaynin, waxay u yimaaddeen, halkaasoo aanu jirin qof joogaaba, Maxaabiis walaa Askar midna, irridaha qolalkuna furan yihiin dhamman oo hawaanayaan; ‘Cajiib ma meeshan bay Saldhig kuugu sheegayeen?’ ayuu is-weydiinayaa Cabd Cismaan.
Yaabbaa u dhammaaday, laakiin maaddaama oo uu dadkan la socday laftooda ka shakisnaa goorahanba, kuwaasoo u badnaa dadkii Xaafadda, isla markaana gartey magaca yarka uu haysto iyo reerkooda-ba, Cabdi wuxuu go’aan ku gaadhay inuu halkan ku sugo Askarta ku qoran oo Xaafaddii u xigtay u sheegtay inay sidan oo kale dhacdo, balse laga yaabo inay Askartu imanayaan.
Cabdi, qol ka mid ah qolalkii Saldhigga ayuu kii yaraa ku tukhaan-tukhiyey, korkana kaga handaraabay oo uu kaga xidhay, Dukaan ka soo horjeedana wuxuu weydiiyey qiimaha Qufulka lagu iibiyo. ’18,000 (Siddeed iyo toban kun oo shillinka Somaliland ah’) ayaa laga siiyey, Bahal quful ah oo caaqiibo leh ayuu ku qufulay Maqsinkii uu Yarka ku xareeyey, isaguna wuu hor fadhiistay.
Laba saacadood ka dib markii uu Wiilka xabbisay, isaguna uu weli sidii u hor-fadhiyo, dadkii markii hore meesha ku buuqsanaana ka kala tageen, waxaa meesha yimid laba nin oo Ciidanka Booliiska ka tirsan. Markii ay labada Askari soo galeen Saldhigga, waxay arkeen ninkan sii sugaya, waxaanay weydiiyeen, waxa uu doonayo iyo waxa uu yahay, Cabdi, iyagii ayuu ku celiyey bal inay horta isku sheegaan.
Waxay u sheegeen inay yihiin Askartii Saldhiggan uu fadhiyo ku qornayd, isna canaan ayuu u jeediyey oo yidhi; “Waa maxay qayrul-masuulnimadani, miyeydaan Shacabka u adeegayn? Dhawr saacadood baan meesha fadhinaa, cid joogta iyo cid wax noo qabatana aannu weynay?’’ Ka dib, wuxuu ku wargeliyey inuu qolkan uu hor-fadhiyo ee qufulan, oo aanay iyagu markii hore dhaadinba, uu ku jiro Wiil uu isagu soo xidhay, qufulkana uu isagu soo iibsaday oo dusha kaga xidhay. Askartii oo yaabban ayaa weydiiyey sababta, laakiin Isagoo daal-goostay oo markan xaaladda Saldhigga uun xanaaqiisu ku eeg-yahay, wuxuu Cabdi uga warramay sidii wax u dhaceen oo dhammaystiran.
Markii uu warka u dhammeeyey Askartii, ayaa waxa uu u raaciyey, inuu doonayo inuu yarkan u xidhan rabo illaa Maxkamad in xaalkooda loogu gudbiyo. Sidaas ayaana la isla qaatay, Cabdi-na habeenkii kaga hoyday Wiilkii oo Saldhigga ku xidhan.
Cabdi, subaxdii markii uu Rugtii Booliska yimid, wuxuu ugu yimid, ruux Dumar ah oo isaga sugaysay, waxaanay u sheegtay inay dhashay Wiilka xidhan, isla markaana Mobile-kii ay dhallinyaradu ka boobeen, isla xalayba ay Askartii meesha joogtay u keentay oo ka soo qaadday Yarkii inankeeda la socday ee falka kula jiray, waxaanay ka codsatay inuu u sii daayo, maaddaama oo uu wixiisii haysto oo ay farta ka soo saartay.
Waxay Hooyadu intaas u raacisay in ilmuhu kiisa oo kale yahay, in loo fasaxaana daruuri ay u aragto maaddaama oo aanu jirin wax maqan oo la baadi-goobayaa wakhtigaas. Ninkii Cabdi ahaa, wuxuu kor ugu qayliyey; “Maaha Wiilkayga oo kale, waa Budhcad, Maxkamadda ayaanan geynayaa oo waxaan la tiigsanayaa sharciga.” Waxaanu Askartii ka codsaday inay u soo qabtaan Wiilasha kale ee maqan, Gabadhana laga raad-raaco, maaddaama oo ay guryohooda garanayso.
Xaalkii Cabdi iyo Hooyada dhashay Wiilka xidhan, halkaas ayuu ku xumaaday, Askartiina waxay dalbadeen inuu haddana maanta iska noqdo si ay u baadi-goobaan Denbiilayaashii kale, isna wuu aqbalay.
Maalin labaaddii ayuu haddana soo kallahay, oo meeshii is keenay, sidii si leeg ayay Askartii uga codsadeen inaanay haynin maantana, Baabuur lagu soo qaado Wiilasha, balse ay arrintaas si adag uga hawlgalayaan isna uu iska noqdo.
Waxba yaan hadal idinku daalinne, maalintii saddexaad, Cabdi meeshii markii uu yimid, wuxuu arkay Wiilkii u xidhnaa oo aan Saldhigga ku jirin oo la sii daayay. Askartii ayuu weydiiyey, sababta, waxaanay u sheegeen in dammaanad lagu sii daayay, oo nin Adeer u ahi ka dammiintay, kuwii kalena aan weli la haynin, Cabdi oo cadhaysan ayaa Saldhiggii ka dhaqaaqay.
Markii uu sheekada Cabdi iiga sheekaynayay, wuxuu ku calaacalayey sida uu uga xun yahay inaan loo yeelin sidii sharcigu ahaa, isla markaasna qarashka iyo hawsha iyo waliba wakhtigaba loo geliyey, haddana loo dhayalsaday arrintiisa. Wuxuu ku dooday in inta xaalku sidaas yahay, aan xal loo helaynin arrinta Boobka Taleefannada gacanta ee Mobile-adda ee dhallinyaradu inta badan dadka jidadka maraya ugu geysanayaan Caasimadda dhexdeeda oo mararka qaar haddii uu qofku isku yar-adkeeyo ama ay u arkaan inuu iska difaaci karo ay ku dilaan, uguna geystaan dhibaatooyin dhaawac iyo naf-bax-ba isugu jira iyo weliba sida uu u liito adeegga Ciidammada Ammaanku sida ka muuqata Rugta Boolis ee iyadoo madhan wuu tegay ee ay ku kalliftay inuu xataa qufulka qolka uu Wiilka ku xidhay isagu soo iibsaday.
Caydaruus Sheekh Cumar Geedi
W/Q: Caydaruus Sheekh Cumar Geeddi