Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab waafi ah ka bixiyey sas iyo didmo uu Guddoomiyaha Guurtu ka muujiyey Heshiis dhawaan Saddexda Xisbi-qaran ka gaadheen Khilaafkii ka aloosnaa Muddo-kordhinta Xukuumadda Loo Sameeyey.
Guddoomiye Muuse oo Xalay soo saaray War-saxaafadeed uu shacabka iyo Guurtidaba ku fahamsiinayo ujeedada Heshiiskaas laga lahaa iyo meesha loogu talo galay in Go’aankii Guurtida laga maro, ayaa sheegay inaan la laalin Go’aankii Guurtida, taas Beddelkeedan Heshiiska lagu caddeeyey in iyaga lagu noqon doono.
Guddoomiye Muuse waxa uu War-saxaafadeedkiisa ku sheegay inay Aaminsa yihiin in Go’aanka Golaha Guurtidu uu yahay mid distoori ah, isla-markaana xaq distoori ah ay tahay muddo-kordhinta ay sameeyeen,
Waxa aad moodaa In ay warbaahinta ku soo baxayaan hadalo dhibaato ku abuuraya heshiiskii ay xisbiyadyu dhexdooda ka gaadheen. Horta sida ku cad heshiiskoodii xisbiyadu waxa ay ixtiraamayaan go’aankii Golaha Guurtida ee kordhinta Muddo Xileedka Madaxweynaha, ku xigeenka iyo golaha wakiilada, waana dastuuri sababtoo ah golaha guurtidu waa Gole Sharci dajineed oo uu dastuurku u jideeyay awooda mudo kordhinta” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka uu Guddoomiye Muuse Biixi Soo Saaray.
War-axaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Kulmiye, waxa sidoo kale lagu faahfaahiyey sababta keenay in Arrinta Guurtidu Go’aamisay Wada-hadal laga furo, waxana la tilmaamay Go’aankaasi ahaa Mid madaxweynaha ka yimi si loo qanciyo tabashada Mucaaridka, maadamaa Madaxweynuhu yahay Hoggaamiyihii waranka,
“Hadaba markii uu go’aankaasi soo baxay, waad ogaydeen oo xisbiyada Mucaaradku way ka cawdeen oo qaylo dheer bay ku dhufteen.Xisbiyada mucaaradu waxa ay ku eedeeyeen xukuumada, madaxweynaha iyo xisbiga kulmiye in muddo ka badan intii doorasho lagu qaban lahaa loo kordhiyay.Madaxweynuhu cabashada mucaaradka wuxuu u fidiyay Gogol, lagaga wada hadlo oo lagu darso waxa ay ku Tabanayaan. In kasta oo aanu madaxweynuhu lahayn awoodda muddo-kordhinta, hadana waa Hogaamiyihii qaranka oo wixii khilaafaad siyaasi ah ee soo kordha waa masuuliyadiisa in uu xal u helo.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.
Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Kulmiye oo sii socday, ayaa lagu yidhi,
“ Iyada oo taaas laga duulayo ayaa xisbiga Kulmiye iyo Mucaaradku wada hadal bilaabeen May 25, 2015.Doodda mucaaradku waxa ay ahayd doorasho waa la qaban karaa muddo ka gaaban taas ay guurtidu ay cayintay.Kulmiye waxa uu ku dooday horta aan qiimayno hawlaha inoo yaala ee ka horeeya wakhtiga doorashada iyo inta ay qaadanayso.Dooddaas waxa ka soo dhex baxay oo aanu isla garanay in December 2016 badhtankeeda la qaban karo doorashada.”
Waxa qoraalkaas lagu sheegay sababta keentay in Go’aanka saddexda Xisbi wada gaadheen la shaaciyo ka hor intii aan talo loola tegin Guurtidii Go’aanka Gaadhay, waxana Hadalka loo dhigay,
“Hadaba waxa aanu isweydiinay sidee baa sharciga loo waafajiyaa. Markii aanu la tashanay sharciyaqaano waxa ay noogu muuqatay, maadaama uu mudo xileedkii guurtidu ay gooysay uu sharci yahay oo aan cidina diidanayn in dhexdeeda lagu qaban karo doorasho.Kulmiye ahaan waxa aanu labada xisbi ee kale ka codsanay in muddo laba cisho ah aynu guurtida iyo meelaha kale ee ay khusaysaba kala tashano si aynu u saxartirno arrinteena, Halkaas nasiib darro waxa naga cadhooday Xisbiga Wadani oo u arkay in aanu ka cago jiidayno arrinta.Waxa dhacday in ay arrintii oo aan bislaani dibada nooga baxday.”
Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay in Guddoomiye Saleebaan Laga raalligelinayo Degdeggaas ku dhacay Turxaan bixinta Khilaafka jirey, ka hor intii aan sharciga la waafajin,
“Si Xun wax u sheeg sixir ka darane waxa loo turjumay in xisbiyada qaranku ay Go’aankii golaha Guurtida jabinaynaan, arrintuna sidaas ma ahayne waxa aanu u soo wadnay guurtida oo aanu kala tashanaynayn sida la isu waafajin karo arranta aanu wadnay iyo go’aankooda.
Xalay(Habeen hore) saddexdayada guddoomiyeba waxa aanu u soo jeedinay Shirguddoonka Guurtida Heeshiiskayagaas aanu isla gaadhnay idina nala taageera oo sharciga nala waafajiya, Waxaanan ka raali gelinayn in warkii uu naga soo baxay anaga oo aan idin soo gaadhin.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.
Ugu dambayntii waxa lagu soo gunaanaday Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Muuse Biixi,
“Guddoomiyaha arrintu way ku cusbayd hadal xuna namuu odhan, Dastuurka uun baa la raacayaa ayuu noogu jawaabay.Waxa aanu leenahay hadii aanu xisbiyadii nahay, arrintu meel wanaagsan bay inoo maraysaa, saddexdii xisbi way Is afgarteen,waxa ay nala tahay inay guurtida oo odayaasheenii ahi in aanu heli karno si la isu waafajiyo heshiiska xisiyada iyo sharciyada.”
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.