Qeybtii 2aad Ee Taxanaha Qormada Uu Qorey Eng. Naasir Haybe, Email: abdinasirh@yahoo.com
“Maalgalinta Mashaariicda Horumarinta Somaliland waxa ku baxaya 64 malyan USD (afar iyo lixdan malyan oo USD ah mudo afar sanadood ah oo ka bilaamaysa 2013 intii badnaydna way hirgashay)” hadalkaa waxa yiri Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Dr. Sa’ad Ali Shire bishan August 15, 2015, mar uu shir jaraa’id ku qabtay xaafiiskiisa. Shirkaas waxa wasiirka ku waheliyay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Md Osman Abdillahi Sahardiid (Cadaani) oo isna shirkaa ka sheegay in mashruucan ay masuul ka tahay company ay leeyihiin qoladii maalgalinta bixisay. Qaybtan waxan kaga hadlaynaa yaa maamula mashaariicda Somaliland Development, iyo lacagaha ilaa iminka la qoondeeyay iyo halka loo qoondeeyay.
Maanta ooy bishu tahay August 27, 2015, Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelko oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi mar uu kahadlayay wado laga dhisi doono xaafada Goljanno ee magaalada Hargaysa“Waddadani waxay noqon doontaa 2KM, 1KM wuxuu ku jiray qorshaha dawladda hoose, 1-ka KM ee kalena waxaan uga mahad-celinayaa labada Wasiir ee Maaliyadda iyo Madaxtooyada….” Hadaladan iyo siyaabaha loo hergalinayo mashaaricda Ayaan ahayn mid cilmiyaysan, masuuliyiintu marnaba kama hadlayaan xaqaa’iqda mashruuca oo ay ka mid tahay lacagta ku baxaysa, cida qandaraaska qaadatay, waqtiga lagu dhamaynayo. Qodobadaas waa kuwii aan uga soo hadlay qoraalkaygii kowaad eek u saabsana mashaaricda iyo marxaladahooda.
Sida ku cad shaxda hoose ku xusan sida laguu soo bandhigay mareegta Somaliland Development Fund, mashruuca waxa maamula laba gudi oo kala dambeeya; Gudi hawsha hogaaminaya iyo gudi xoghayneed.
1- Gudida hawsha hogaaminaysa: gudidan waxay ka kooban tahay dawlada Somaliland iyo deeq bixiyayaasha. Dhinaca dawlada Somaliland waxa qayb ka ah Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta, iyo Wasaarada Maaliyada, iyo wakiilada hayadaha deeq bixiyayaasha, waxa kaloo xubin sharafeed ka ah gudidan wakiila ka socda bulshada Somaliland. Gudidani iyada ayaa ka masuul ah shirarka iyo waqtiyada fulinta mashaariicda.
2- Xoghaynta Mashruuca( Somaliland Development Secretariat) waxay masuuliyadeedu tahay fulinta hawlmaalmeedka mashruuc . Xoghaynta oo xaafiiiskeedu yahay magaalada Hargaysa ee Somaliland waxa qandaraas ku qaatay shirkad khaas loo leeyahay oo magaceedu yahay BMB Mott MacDonald oo ah shirkad caalami ah oo xarunteedu tahay London UK, dunida daafaheeda ka hawl gasha. Shirkadan ayaa u qaabilsan maaamulka maalgalinta Somaliland Development Fund.
Sida ku cad shaxdan hoose Gudida Mashruuca waxay ogolaataya lacag dhan 45 malyan oo qayb ka ah 64 malyanka mashruuca in lagu bixiyo mashaariicda hoos ku xusan, Hayadaha biyaha waxa loo qoondeeyay lacag dhan 15,043,000 USD (shan iy toban malyan saddex iyo afartan kun) sidoo kale waxa qayb libaaxa loogu tala galay hayada wadooynka Somaliland Road Authority/Wasaarada Madaxtooyada lacag gaaraysa 9,928,630 USD (sagal malyan sagal boqol sideed iyo labatan kun lix boqo iyo sodon).
Projects
The SDF Joint Steering Committee has approved USD 45 mln for funding of projects.
Summary of allocations is provided below.
Mashaariicdan hirgalinteeda, dabgalkeeda, waqtiyaynteed intaba wax ka masuul ah gudida hawsha wada oo ay qayb ka tahay Wasaarad Qorshaynta iyo Wasaarada Maaliyadaa. Sidaa sarteed, waxa labadan wasaaradood loga fadhiyaa inay shicibka reer Somaliland u soo bandhigaan halka ay hawshu marayso, mashaaricda la hirgaliyay, wixii dhiman, shirkadaha qandaraasyada ku guulaysta iyo gababada mashaaricda.
Wa Billahi Tawfiiq,
Eng. Nasir Haibe
abdinasirh@yahoo.com