Akhri Nuxurka 2 Qoddob Oo Talo Bixin Oo Guddoomiye Foosi Sh. Yoonis U Kala Diray Goleyaasha Qaranka Iyo Beesha Caalamka
“Waxaan og nahay in Go’aankii Golaha Guurtida ee kordhinta muddo xileedka Xukuumadda iyo Golayaasha sharci-dejintu uu khilaaf xooggani ka dhashay, bulshada caalamkuna aad uga soo horjeesatay, khilaafkaa oo khatar ku noqon kara Qaranimada, ammaanka, xasilloonida iyo nidaamka dimoquraadiyada Somaliland iyo weliba xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada Caalamka.
Haddaba ururka Qareennada Somaaliland ee SOLLA waxa uu kula talinayaa dhamaan dhinacyada hawshani sida tooskaa iyo sida dadbanba u khusayso gaar ahaan Sadexda xisbi Qaran, Golaha guurtida iyo Madaxweynaha si looga baxo khilaafkan wakhtiga doorashada la qabanayo, xaalada dalka iyo dadkana loo dejin lahaa in si cilmiyaysan oo lagu wada qanacsanyahay beesha caalamkuna u garawsan karto lagu xaliyo khilaafka, iyadoo aynu og nahay in Go’aanka Golaha Guurtidu yahay go’aan Gole dastuuri ah oo qaab Dastuurka iyo Xeerarka waafaqsan waxa keliya oo wax lagaga bedeli karaa uu yahay qaab sharci. Annaga oon ka eegin xaga sharciga laakiin iska taagnay xaga danta qaranka ee maslaxadda ummadu ku jirto waxaanu u aragnaa in labadan dariiq lagaga gudbi karo khilaafka taagan.
- In Sadexda Xisbi, M/waynaha iyo Golaha guurtidu ku heshiiyaan waqtigii sanadka iyo shanta bilood ahaa ee sadexda Xisbi soo wada jeediyeen, ka dib M/waynuhu u gudbiyo Maxkamadda Dastuuriga ah go’aanka mudo kordhinta ee Golaha guurtidu si ay Maxkamadda Dastuuriga ahi ugu saxdo Go’aankii Golaha Guurtida heshiiska cusub ee la isla gaadhay.
- In Sadexda Xisbi, M/waynaha iyo Komishanka Doorashooyinku ku heshiiyaan In mudo kordhintii Golaha Guurtida halkeedii loo daayo laakiin komishanka doorashooyinku doorashada ay ku qabtaan mudadaa sanadkaa ee ay sheegeen in ay ku qabankaraan doorashada, haddii ay u suura gasho, hadii kalena mudada u hadhay tan guurtida ay riseef u isticmaalan oo dhexdeeda uun ay qabtaan doorashada, dabadeed doorashada madaxwaynaha hadii M/waynaha joogaa ku guulaysto iyadoo mudo u hadhsantahay ay halkaa uga bilaabmanto mudada cusub ee la doortay, hadii lagaga guulaystona iyadoo mudo hadhsantahayna uu xilka wareejiyo mudo bil gudaheeda sida uu dhigayo Qod:83aad Dastuurka jamhuuriyada somaaliland, heshiiskaana M/waynuhu u gudbiyo Maxkamadda Dastuuriga ah go’aanka mudo kordhinta ee Golaha guurtidu si ay Maxkamadda Dastuuriga ahi ugu saxdo Go’aankii Golaha Guurtida heshiiska cusub ee la isla gaadhay.
Sidoo kale waxaanu madaxwaynaha u soo jeedinaynaa inuu sida ugu dhakhsaha badan u soo magacaabo cid u qalanta aqoon ahaan iyo akhalaaq ahaanba gudoomiyihii maxkamada sare isla markaan ah gudoomiyaha maxkamada dastuurigaa oo uu xilkiisii banaan yahay markii gudoomiyihii hore xilka laga qaaday 25/04/2015 iyo xubnaha ama garsoorayaasha ka dhiman maxkamada sare ee jamhuuriyada somaaliland. Dhanka kale waxaanu talo u soo jeedinaynaa dhamaan qaadhan bixiyaasha beesha caalamaku inay tix galiyaan heshiisaka cusub ee dhinacyadu isla gaadhan ee ka dhasha wada xaajoodka dhinacyada iyagoo tix galinaya qaranimada iyo jiritaanka dalkan oo ah dal yar oo curdina oo dimuqraadiyadaba bilaw ku ah marka loo eego dunida, wadamada aanu jaarka nahay iyo wadamada africaba sida xaaladaha ka taagan wadanka Burundi I.W.M. sidoo kalana iyadoo beesha caalamku maanka ku hayso in tacab badan iyo aduun badan wadankan gashatay in ay u dul qaadato xaaladaha kolba la soo gudboonaada wadanka dimuqraadiyadiisa oo ay kala shaqayso sidii loo xalin lahaa ee looga bixi lahaa kolba cida ka shaqaynaysa sidii khilaafyadii kan taagan ka horeeyay oo kale ee aanay faraha kala bixin.
ALLAA MAHAD LEH.
Ururka Qareenada Somaaliland Ee SOLLA.
Gudoomiyaha ururka Garyaqaan Fowsi sh. Yoonis Xasan.