Akhri: Nuxurka Heshiis Shan Qoddob Ka Kooban Oo Wasiirka Khaarijigu Ka Akhriyey Madasha Shirka
“In Distoorta Somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi laga sameeyo madaxda goleyaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah” – Tafsiirka Mid Ka Mid Ah Qoddobada Ay Ku Heshiiyeen Labada Dhinac
Hargeysa (Hubaal):- Hoggaanka Khaatumo oo ay weheliyaan Culimo iyo Madax-dhaqameed Buuhoodle iyo Sool ka socday iyo Xukuumadda Somaliland oo ay weheliyeen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye Masuuliyiin ka tirsan, ayaa shalay Heshiis ku wada saxeexday Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa Warbaahinta u akhriyey qodobbada Heshiiska ay labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo wada saxeexdeen, waxaana qodobbadaas ka mid ah in la helo Somaliland loo wada siman yahay oo aan la kala lahayn iyo ambaqaadka wadahadallada labada dhinac u socday. In Dastuurka Somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood-qaybsi cadaalad ku dhisan, maamul-daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo, in shir kale la isugu yimaaddo tobanka bisha Julay 2017, laguna qabto magaalada Burco, si loogu dhammaystiro waxyaabaha qabyada ah. Prof: Cali Khaliif Galaydh, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamed Sheekh, Culimo iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda gobollada Buuhoodle iyo Sool, ayaa dhammaantood halkaas ka hadlay, soona dhaweeyey heshiiskaas, iyaga oo faahfaahiyey muhiimadda heshiiskaas. Dr. Sacad Cali Shire, WAsiirka daakhiliga Somaliland oo halkaasi ka akhriyey qoddobada lagu heshiiyey waxaa uu yidhi: “Waxaa lagu heshiiyey qoddobadan:
- In Somaliland iyo Khaatumo ay ku tuntuunsadaan sidii is afgarad buuxa loo wada gaadhi lahaa.
- In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo wada gaadhi lahaa Soomaaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan caddaalad, maamul wanaag, hab dhawrista xuquuqal insaanka, kuna dhisan diinta islaamka, oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti ee ay u wada siman yihiin.
- In Distoorta Somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi simanoo caddaalad ku dhisan oo laga sameeyo madaxda goleyaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
- In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo, lana qeexo mid walba awoodeeda.
- In shir dembe la isugu yimaado 10-ka bisha Julylaguna qabto magaallada Burco si loogu dhammeeyo wixii qabyo ah.
Shantaas qoddob ayaa laga soo saaray wada hadallada shalay ka furmay Hargeysa ee ay isku hor fadhiisteen Xukuumadda Somaliland iyo kooxda Khaatumo.