Hargeysa(Hubaal)- Maxamed Cali Bille oo ka mid ah mutacalimiinta Somaliland isla markaana ah siyaasiyiinta cusub ee xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa sheegay in qof kastaa shaqada loo dhiibo uu gaadhsiiyo heerka aqoontiisu leeg tahay.
Mr. Bile oo ka mid ah siyaasiyiinta rayul-caamka bulshadu hadal hayaan inay suurtogal tahay in lagu soo daro golaha wasiirrada ee uu soo dhisi doono madaxweynaha la doortay Muuse Biixi, marka uu la wareego xafiiska, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa facebook, waxaa uu kaga hadlay in qof kasta oo waajib xambaaraa uu shaqadiisa uga soo baxayo siday aqoontiisu tahay.
“Qof Kastaa Shaqada Loo Dhiibo Wuxuu Gaadhsiin karaa heerka aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa,”ayuu yidhi aqoon-yahan Maxamed Cali Bile, waxaanu intaas raaciyay; “Haddii shaqo amma mas’uuliyad heerkeedu sareeyo loo dhiibo qof aqoontiisu amma xirfadiisu hoosayso, qofkaasi hawshaasi uu la daadegaa oo wuxuu keenaa heer hoose oo aqoontiisa uun leeg.”
“Haddiise qof aqoon wanaagsan leh loo dhiibo shaqo heerkeedu hooseyso, waxa uu qofkaasi shaqadaasi geeyaa heer sare oo aqoontiisa u dhiganta,”ayuu yidhi Maxamed Cali Bile oo ka mid ah jiilka cusub ee siyaasiyiinta Somaliland. wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo aqoonyahannadii ka soo shaqeeyay diyaarinta iyo isku dubo-ridka barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE ku galay doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay 13kii bishii hore ee November.