Hor-joogaha Hadhaaga Kooxdii Fashillantay Ee Xukuumadda Ka Fellaagowday Oo Luuqad Quus Ah Kaga Hadlay Isbedellada Siyaasadeed Ee Hadheeyey Garabkiisii
“Wadahadalladii Naga Dhaxeeyay WADDANI Way Socdaan Markay Soo Baxaana Saddexda Xisbi Kaanu Ku Biirayno Waanu Sheegi Doonaa”
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo haatan horjooge u ah hadhaaga kooxdii faashilka noqotay ee ka tirnaan jiray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanay talo dhaxal xumaysatay iskaga casilin xilalkii ay qaranka u hayeen ayaa markii u horreysay ka hadlay qoddobo ay kamid yihiin bedelka uu hoggaanka KULMIYe ku soo magacaabay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee KULMIYE kadib markii ay guddida fulinta ee xisbigu xasaannadii iyoxubinnimadiiba kala noqdeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee labaad ee KULMIYE xil. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo.
Xirsi Cali Xsan oo shalay qaar kamid ah warbaahintu su’aallo door ah ku weydiiyeen xilli uu ku sugnaa Hotel Maansoor ee magaallada Hargeysa waxaa uu sido kale ka hadlay halka uu ku dembeeyey xidhiidhkii isaga iyo u dhexeeyey wasiirkii hore ee maalliyada Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo haatan dalka dibadiisa ku maqan kaasi oo la weriyey in marka uu soo guryo noqdo shaacin doono halka uu ku furi doono geedigiisa siyaasadeed. Mr. Xirsi mar uu ka jawaabayay bedelka guddoomiye ku xigeenkii labaad ee KULMIYE uu hoggaanka Xisbigu ku sameeyey waxaa uu sharci darro ku tilmaamay magacaabista Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye oo guddoomiye Muuse Biixi shalay u magacaabay. Xirsi waxaa uu sheegay in aanu Waabeeye Xisbiga Ka bixin ee uu ka mid yahay isbahaysigii Kulmiye balse go’aan Xisbiga lagaga saaray aanu ahayn mid waafaqsan sharciga Kulmiye“Waa sharci daro”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee madaxtooyadu. Wasiir Xirsi waxaa uu sidoo kale ka hadlay warar sheegaya in Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ka baxay isbahaysigii Kulmiye lana heshiinayo Guddoomiye Muuse Biixi, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay arrimahaasina waxa uu yidhi “Cabdicasiis Samaale waxa uu yidhi markaa Hargeysa tago war farxad leh ayaan sheegayaa warkaa farxada lehna waynu ka sugaynaa waa saaxibkayo waxaanu ku ognahay wanaag dhibaatona kuma ogin isku kooxna waanu ahayn….qof walibana waxa uu leeyahay madaxbaanidiisa siyaasadeed haddii uu KULMIYE raaco iyo haddii uu WADDANI raaco iyo haddii UCID raaco xor ayuu yahay” ayuu Xirsi yidhi waxanu hadalkiisa ku ladhay halka ay ku dembeeyeen wada-hadalladdii u dhexeeyey kooxdiisa iyo xisbiga WADDANI, waxanu yidhi “Wadahadalladii naga dhaxeeyay WADDANI way socdaan markay soo baxaana saddexda xisbi kaanu ku biirayno waanu sheegi doonaa”. Gebo gabadii Waxa kale oo uu ka hadlay Xirsi Cali Xaaji Xasan heshiiskii dekedda berbera ee u dhexeeyay xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta waxaanu yidhi “dekedda berbera waa laba shay oo midna waa heshiiska la soo galay oo maan arag annigu oo kaa ka hadli maayo, midna waa dekedda berbera ma horumarinaa oo dalkeena ma horumarinaa oo waan soo dhawaynayaa inaynu horumarino ayaan aaminsanahay inay maalgalino ayaan aaminsanahay lakiin heshiiska la soo galay maan arag waxa iigu danbeeyay heshiis wafti aan hoggaaminayay oo ahaa 17 may sannadkii hore aanu ku tagnay Imaaraadka Carabta markaa heshiiskii lana soo hordhigay waanu diidnay kan ay xukuumaddu aqbashay maan arag oo ka hadli maayo”.