Qalinkii: Maxamed Cali Bile, Hargeysa, Somaliland
Wuxu yidhi Mawliidku Nabigu maaha wax diintu waajibisey. Waxa an ku idhi, balse hadana haddii uu yahay xus niyad wanaag loo sameynayo waxba kuma jabna oo waa saacad amma laba saacadood oo la duceysanayo dadkuna kulmayaan masaakiintuna bariis ka cuneyso dadna isku soo ururayaan khasaare maaha. Wuxu yidhi sacaddaasi adoo Qur’aan akhrista ayaa laguu qaatey. Hadda qofkan saacad ayaan makhaayad wada fadhinaa oo sheeko dhanaan aan wax faa’iido ah laheyn ayaanu wadnaa balse uuma muuqato taasi ee Mawliidka ayuunbaa u muuqda. Si an u tuso in ninkan ila doodayaa xawilanyahay ayaan sheekaddii u bedeley oo waxa an ka sheekeysanney ciyaaraha iyo internetka iyo hawlo kale oo an ogaan u yara hor dhigdhigey. Wuxu ii sheegey inaanu TV xoog u daawan oo uu maalintii waxyar daawado gaar ahaan marka ay ciyaaruhu socdaan iyo wararka. Waxa kale oo uu ii sheegey inu isku celcelin maalintii ilaa saacad iyo badh internet ka galo oo u badan Facebook iyo woxoogaa youtube ah iyo wararka oo uu ka akhriyo. Waxa an ku idhi, bal an in yar ku tuso in wax kaa qaldanyihiin oo la inoo diidey inaan adeegsado maskaxda yar ee dhowrka Gramm ah. Sannadkii 547 sacadood ayaad internet ku jirtaa. Wax ku dhow 365 sacadood oo kalena TV ayaad daawataa. Waxaasi oo dhami kuuma muuqdaan balse saacad Nabi Muxammad (NNKH) la xusayo ayaa mashruuc kugu noqotey. Qof ayaa maalintii 5 saacadood jaad u fadhiya oo sannadkii ay noqoneyso 1,825 sacadood, hadana dhib kuguma heyso oo waadigan oo kama hadleysid. qaarkeen ayaa ka qeybgelaya shir beeleedyo oo aan cidina Qur’aan ku akhriyeyn, hadana mar keliya ma sheegeysid iney diintu banneysey shirbeeleedka iyo in kale. waa tan oo maanta oo dhan siyaasiyiin ayeynu badh ammaaneynaa qaarna dhaliileynaa oo weliba xan noqon karta oo hadana aaney dhib kula aheyn. Maxaa sacadda an nabiga xusayaa ku dhibeysaa? intaa siyaasadda laga hadlayo ee la murmayo mar keli ah la sheegi maayo diinta halka ay kaga jirto. inta reer hebel laga sheekeynayo mar keli ah la sheegi maayo waxa diintu ka qabto. Anigu Mawliidka Nabiga (NNKH) waan xusayaa. dhowr masaakiin ahna sadaqo ayaan siinayaa, woxoogaa bariis ah wey ila cunayaan. Waanan duceysan oo in Ilaahey mustaqbal wanaagsan na siiyo ayaan ku duceysan. Asxaab iyo dad kale oo aanaan muddo is aragna waanu kulmi. Dhibaato yey qof kale ku noqon. Haddii aaney saacadaasi aaney adiga kaa go’in iska daa oo wax mawliidka dhaama ku mashquul, amaba Facebook ga iskaga jir. Kumanaan dhibaato oo waaweyn ayaa dadkeena maanta heysta, waxaana xalkeeda laga sugayaa in dhalinyarada maanta kacdey ee wax baratey ay xalkeento. Waa dhalinyarada malaayiinta reer miyiga ihi ay rajada ka qabaan iney harraadka ka bi’in doonaan oo ay biyo u qodi doonaan. Waa dhalinyarada laga sugayo iney hooyooyinka bacadku diley u abuuri doonaan nolol tan dhaanta. Maalinta dhibaatooyinka badan ee ina horyaal. Maaha in dhalinyaradu ku mashquusho wax aan waxba ka anfaceyn. AN KU SALINO NABIGA.