DAAWO SAWIRRADA+VIDEO: Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne), Maayar ku xigeenka Caasimadda Somaliland
“Cali Warancadde ayaa Su’aal La Weydiiyey Oo Waxa Lagu Yidhi, Horta Marka Meel Lagu geynayo Ma Waxa Aad Tidhaahdaa Lacag Ii Siyaadiya”
“Qofka Marka Kursiga La Geeyo Halkuu is-dhiguun buu Yaallaa, Waxaana Kartidiisa Lagu Qiimeeyaa Cidda Kasii Horreysay”
“Haddii Dhagax laguu dhiibo oo aad Hayso Uun & haddaad marba Gacan Ku qabato, Isku Mid Maaha, Macnaheedu Waa….”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye kuxigeenka golaha deegaanka degmada ahna ku xigeenka Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo maalintii shalay ka hadlay Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee qorshaynta iyo wasiirkii hore ayaa yidhi ayaa waanooyin dhaxalgal ah faraqa ugu guntay wasiirka cusub ee wasaaraddaasi loo soo magacaabay Mr. Maxamed Ibraahin Qabo, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay shakhsi karti leh oo kaalintiisa ka soo dhalaalaya.
“Runtii maanta waa maalin aad u qaalli ah oo wasiir weyn oo waxqabad leh uu madaxweynaha JSL u soo magacaabay wasaaradda Qorsheynta oo aynu fadhinno xil wareejinteedii uu xilka kula wareegayo Wasiir Maxamed Ibraahin Aadan (Qabyo-tire) “. sidaa ayuu yidhi Ku xigeenka duqa caasimadda Hargeysa Md. Cabdicasiis Cagoweyne, waxaanu intaa ku daray isaga oo ku halqabsanaya wasiirkii hore ee daakhiliga haatanna lataliyaha gaarka ah u ah madaweyne Siilaanyo Mr. Cali Maxamed Waran-cadde “Run ahaantii waxaan xasuustaa Mar Cali Warancadde la weydiiyey su’aal oo waxaa la yidhi Caliyoow marka wasaarad lagu geeyo ma lacag baa lagu raaciyaa, Waxbarashadaa lagu geeyey, waxbaad samaysay, duulistaa lagu geeyey waxbaad samaysay, warfaafintaa lagu geeyey waxbaad soo kordhisay. Markaa ma marka meesha lagu geynayo ayaad tidhaahdaa miisaanniyada [budget] ii siyaadiya?. Waxaan ku xasuustaa oo uu yidhi Cali Warancadde; Haddii Dhagax laguu dhiibo oo aad gacanta uun kuhayso iyo haddii aad marna gacanta midig ku qabato marna ta bidix isku mid ma’aha, markaa anigu Shaqada uun baan dhaqdhaqaajiyaa ee waxba la ima raaciyo.” markaas taas macnaheedu waxaa ay tahay halka uu qofku is dhigo ayuun buu yaallaa oo isagay ku xidhan tahay in marka kursiga la geeyo uu isagu inta kale samaysto, arrimahaasina waxaa ay ku xidhan tahay kartida qofka iyo in illaahayna la qabto”. ayuu Mudane Cago-weyne hadalkiisa ku daray. gunaanadkii khudbadiisana waxaa uu ku hogatusaaleeyey sida ay u kala wanaagsan yihiin wada shaqaynta wadarta ahi “Ragga waxaa lagu qiimeeyaa marka meel la gaynayo, yaa sii joogay baa la yidhaahdaa, markaa Wasiir Qabyotire nasiib buuleeyahay, waxaa xafiiska kaga sii horreeya oo lasii jooga wasiir ku xigeen aad u nasiib badan Mr. Keysar Cabdillaahi oo runtii aqoon badan iyo waayo aragnimo badan hay’adahan u leh, kuwaas oo waxbadan tari doona, sidoo kale waxaa kasii horreeya agaasime guud oo aad u khabiirsan Mr. Xasan Cumar Hoorri|”