Qofka Somaliland Madaxweyne Ka Noqda Abaalkiisu Ma In Qoladiisa La Caayaa!!.. W/Q: Ustaad Asad Muuse Kibaar

0
45

Waa maalin Jimce ah oo laga soo dareeray Salaadii Jimcaha meesha aan joogo waa Magaalada Hargeysa Qof kasta wuxuu u dhaqaaqay xagaa iyo qadadii Gelin ka dib ama wakhti yar ka dib oo ay saacadu aheyd 1:30-kii waxaan soo maray Wadada [Gargaar] Hormarta Waxaan kusoo maray Odoyaal Timuhu Cadaadeen oo waayeelo ah, oo Mijin Mijin Jaad ah dul fadhiya oo isla qeeylyaya. Sheeda markan ka arkay waxay iila muuqdeen, Odayaal dhiig ama Jaraaxo ka wada hadlayo oo ay mushkiladi dhextaalo, Markan usoo dhowaaday waxaan maqlay Cod ay Carro ku jirto “Reer Hebel Xukunka Dalka Ayay Xoog Ku Haystaan” iyo Oday kale oo lah “Reer Hebel Taladii Dalka Ayay Maroorsadeen” Odaygii sadexaad ayaa hadlay oo isaguna yidhi ” Waan Arkayaa Inay Reer Hebel Muddo Kordhin ay Qasab Ku Sameeysteen” Kii Afaraad baa yidhi “Guurtidiina Way Dalooshadeen” Waan wada eegay wejiyadooda Carro ayaa ka muuqata mana arkayo cidan la dhaleeceynayo cid wakiil ka ah oo meesha fadhida oo difaaceysa. Doodana waxay ku fiican tahay marka ay jirto dad ra’yi ahaan iska soo horjeeda oo u murmaya si xamaasad leh.

ustaad asad muuseHalkani waxaa fadhiya afar Oday oo qiireeysan oo dhan kasoo wada jeeda, oo aan garan waayay Cidan ay u careeysan yihiin inay u og tahay iyo in kale.

Tan kale waxaan is idhi bal eeg, Odayashii Reeraha Utalin Lahaa waxay ku Mashquuleen Tollow waxani Ma-shaqadoodii  baa? ma siyaasiyiin bay noqdeen?

Maxaase kasoo gelaya hadii Muddo kordhin Xukuumada loo sameeyni waayo? Hadii Xukuumada loo kordhiyana maxay ku waayayaan? Waxaa kale oo an is weydiiyay madaxweynaha Qarankan Hogaanka u qabta in Qoladiisa La caayo maxaa keenay? Ma Qolaadaa Madaxweyne ah mise Shaqsi lasoo doortey oo Xilkani iyo Masuuliyadaan loo dhaariyay?

Shalay bay aheyd Daahir Riyaale wixii af-lagaado ahaa ee ku dhacay Reerka uu kasoo jeedo, iyagoo an shaqo ku laheyn Goolaftankii Siyaasadeed ee waqtigaa socday.

Maantana cid haysto ama wax ka sheegeysa ma jirto, bal waa la amaanayaa, Taas Macneheegu ma waxa weeyi Kursiga Cida ku fariisata Abaalkeega in Arintaa laga dhigay? Marka uu ka degana inuu Sharaf iyo Amaan Mudanayo,markaa mushkiladu ma madaxtinimadaa?

Waxyaabihii layaabka lahaa ee dhacay waxaa kamid ahaa Waqtigii Daahir riyaale, in maalin maalmaha ka mid ah BBC-da Af-Soomaaliga ay sheegtay in Ciidanka Booliiska Ee Somaliland ay kasoo qab-qabteen Degmada Qulu-jeed ee Gobolka Awdal nimaN sheeganayay Nebinimo.

Arintaas oo aheyd arin dhacday laakiin waxay kudambeeysay aanan garanayn!.

Laakiin Odayaal Reer Hargeysa ah ayaa ka fajacay warkaa  markay idaacada ka maqleen iyagoo Maqaaxiyaha fadhiya  oo waxay yidhaahdeen “Reer Hebel Kursigii Dalka ugu sareeyay Ayaabay Haystaane Ma Nebinimo Ayay Doonayaan In Ay Ku Darsadaan!!, Waa Yaab Soow Kuwan Na Qadiyay Nimanku!!.

Arintaas oo runtii aheyd arin Qosol badan – Raali-gelina waan ka bixinayaa Arintaas hadii khalad loo fahmo waayo? Reer Hargeysa kuma dhaleeceynayo , laakiin waxan ka waramayaa wax-dhacay, waxaana uga jeedaa in Qolada Madaxweynaha La dhaliilo oo wax laga sheego waa arin aan ka baqayo inay dhaqan inaga noqoto oo qofkan shalay Taageersaneeyn markuu mucaaradka ahaa in markuu xukunka qabto aan Bilowno Dhaleeceyn reer, iyadoo aan wada Garaneeyno Reerkan aan hadal hayno Habeen iYo Dharaar inaanay Madax Wadanka ka aheyn ee uu Madaxweynuhu yahay Shaqsi la doortay.

Tan kale hadaan Ujeedno Reerkan La Caayayo, Madaxweynaha ka dhashay Waxaan wada garaneeynaa in Qofkastaba uu Qoys kasoo jeedo marka ma waxan Madaxweyna ka dhiganaa Qof aan Qolo iyo Qoys-na kasoo jeedin Taasina macnaheegu waxay noqoneeysaa mid aan dhici kareyn.

Haday arintu sidaa kusii socoto waxaan leeyahay Qofkasta oo Soomaaliland Madaxweyna ka noqda iyo Qoladiisaba Xaal-Qaata..

Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar

Email: asadmuuse03@hotmail.com

Telephone: 063-4453653,, +252(63)44536353

Boorama – Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here