Beesha Ansaarta Somaliland Oo Ka Hadlay Xaallada Muwaadiniin Ku Xidhan Jabbuuti+Baaq Farriin Ah Oo Ay Ku Soo Beegeen Weftiga reer Jabbuuti Ee Dalka Ku Sugan
“Madaxweynaha Jabbuuti Waxaanu Leennahay; Madaxweyne Sed Iyo Samir Mid Uun Naga Sii Xaallada Wiilkayaga Waayo Wax Aan Qawaaniinta Adduunka Ku Jirin Baa Ku Dhacay……… Waran-cadde Mar Walba wuxuu Na Lahaa Waanu Keennaynaa Oo Halkan Baa Maxakamad Lagu Saarayaa Illaa Haddana…”
Gabiley (Hubaal)- Haldoorka dhaqanka ee beellaha Ansaareed ee Somaliland ayaa markii u horreysay cod dheer kaga hadlay xaalladda wiil reer Somaliland ah oo muddooyinkii u dembeeyey ku xidhnaa xabsiga Gabbood ee wadanka Jabuuti kadib markii laga soo qabtay gurigiisa xilli habeennimo ah loona gacan geliyey wadanka Jabbuuti.
Cuqaasha iyo madaxda dhaqanka ee beellahan Ansaareed [Madigaan] oo ku dhaqan gobolka Gabiley ee Somaliland ayaa shir saxaafadeed ay maalintii shalay ku qabteen magaallada Gabiley waxaa ay baaq ugu direen dawladda Waddanka Jabuuti oo waqti xaadirkan uu wefti heer wasiir ah oo dalkaasi ka socdaa socdaal ku joogaan Jamhuuriyada Somaliland.
Wiilkan oo kamid ahaa dad laba sanno iyo dheeraad ka hor laga qabqabtay Somaliland oo loo aanaynayay in ay gacan ku lahaayeen qaraxyo culus oo magaallada Jabuuti ka dhacay bishii MAY ee sanadkii 2014-kii kaasi oo dhiig badan daadiyey isla markaana ay dawladaasi sheegtay in dadkii fuliyey qaraxu ay soo mareen Somaliland, ayaa hawl gallo ay qaraxaasi kadib ciidammada RRU-du habeen dhexe ka fuliyeen xaafadda xero Awr ee magaallada Hargysa waxaa ay ku soo qabteen dad uukamid yahay Muwaadinkan oo magaciisu yahay Cabdillaahi Sh. Cabdiraxmaan, kaasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Beesha madax dhaqameedkan shirka jaraaid qabtay.Weftiga reer Jabuuti oo uu horkacayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi oo maalintii Arbacadii ee dorraad socdaal ku yimi Hargeysa isla markaana la kulmay madax ka tirsan dawladda Somaliland oo Madaxweyne Siillaanyo ugu horreeyo ayaa madaxdhaqameedkani waxaa ay shirkooda jaraaid baaq farriin xambaarsan saxaafadda ugu mariyeen wefti gan iyagoo ka codsaday in ay xukuumaddooda uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ugu horrreeyo ay sifo sharciga ah loo maro muwaadin reer Somaliland oo ku xidhan xabsi ku yaalla dalkaasi. Muwaadinkan oo lagu magacaabo Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo madax dhaqameedku sheegeen in muddo laba sanno ah ka hor laga qabtay Magaallada Hargeysa loona gacan geliyey dawladda Jabbuuti oo uu hadda ku xidhan yahay.
Cuqaashani waxaa ay ku doodeen in dembiga loo haysto muwaadinkan oo ah in uu gacan ku lahaa qaraxyo ka dhacay wadanka Jabuuti kiiskiisa lagu qaado dalka Somaliland gudahiisa.
mid kamid ah odayaashan baaqa u diray xukuumadda Jabuuti oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ku tiraabay “Muwaadinkan waxaanu qabnaa in sifo sharci darro ah loo gudbiyey, waayo haddii uu dembi galay waxaa ay ahayd in lagu maxakamadeeyo dalkiisa, waxaanan leennahay wax aan distoorkeenna iyo qawaaniinta adduunka ku jirin baa wiilkaasi ku dhacay, cadaallad darro ayaa ku dhacday, oo waxaa loo dhiibay Jabuuti illaa immikana wax jawaab ah oo ay dawladaasi kaga soo jawaabtay ma jirto. Somalilandna Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Mr. Warancadde waxaanu la hadalnay oo aanu u tagnay toban jeer oo mar walba waxaa uu na lahaa waanu keenaynaa inankaas oo halkan baa maxakamad lagu saarayaa, Madaxweynaha xataa waanu kala hadalany laba jeer waxaanu ku nidhi arrinkaas baa jira oo inankaas baa si sharci darro ah loo gudbiyey ee mudane Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa in inankaas arrinkiisa aad il naxariis leh ku eegto oo sed iyo samir, geeri iyo nolol aad mid uun naga siiso, inkastoo inankii aanu ka war hayno oo uu immika ku xidhan yahay Gabbood hadana waxaanu leennahay in inankaas loo soo celiyo xorriyadiisii”. Sidaa ayuu yidhi Odaygan oo kamid ahaa xubnaha beesha madigaan ee warbaahinta la hadlay waxaanu intaa ku daray isaga oo si gaar ah ula hadlay madaxda Jabuuti ee weftigoodu ku sugan yahay Somaliland “Waxaanu leennahay madaxda dawladda Jabuuti ee maanta weftigoodu halkan joogo iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelleba, waxaanu si naxariisleh uga codanaynaa in inankaas loo soo celiyo Xorriyadiisii oohaddii uu Jabuuti dembi ka galay iyo haddii uu halkan Somaliland ka galayba waanu ogolnahay in wixii uu dembi leeyahay lagu saaro dalkiisa oo lagu maxakamadeeyo.” “Midda kale ummaddu had iyo jeer dembi waa ay gashaa oo qofku 24ka saacadoodba waa ay ku dhici karaan oo inankaas kama difaacayno dembi uu sameeyey laakiin waxaanu qabnaa in aan haba yaraatee aanu wax dembi ah gelin ee la iib geeyey oo si toos ah baa loo gudbiyey, waayo innamadii la socday qaar ka mid ah oo la xidhnaa oo laga reebay baa jiray oo waanu ognahay. markaa hadal iyo dhammaan cabashadayadu waxa weeye maanta, horena waanu uga hadalnee, Md. Madaxweyne Waxaanu kaa codsanaynaa oo inankaas aad il naxariis leh ku eegto arrinkiisa oo aad xorriyadiisa u soo celiso.”. sidaa ayuu yidhi ninkan waayeelka ahi.