Hargeysa (Hubaal) Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo Maanta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ku qaabilay Munaasibad balaadhan oo soo dhaweyn ah ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiye Cirro ujeedisay Talooyin ay kaga waaninayso dhibaatooyin ka muuqda Maamulka Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Faadumo Siciid waxay Madaxweyne Siilaanyo kula talisay inuu ka dhabeeyo Hadaladii iyo balanqaadyadii uu galayay wakhtigii Ololaha islamarkaana Bulshada ka daayo Cabudhinta, xadhiga iyo ku tacadiyida cid kasta oo fikirka Xukumadda ka soo horjeeda.waxaana iyadoo ka hadlaysa ay tidhi
“Axmed Maxamed Siilaanyo, wuu soo halgamay,SNM ayuu ahaa, Duurka ayuu u galay laakiin, maxaa ka dambeeyay! Waxaan leeyahay Axmedow maadigaan Xukumaddan xukumin, hogaankana ma adigaan hayn? Ma waxaad xasuusan wayday Raggii iyo dumarkii iyo dhalinyaradii qaaxo kula joogay.
Waadigii ku halgami jiray ee hal hays ka dhigan jiray maalintaan Kursiga ku fadhiisto Caddaalad mooyaane wax kale kuma xukumayo. Waar maadaan hogaankii hayn oo dad kaa hooseeyaa haya, ma Ummad aynaan garanayn baa haya, ma dumar baa haya, ma rag baa haya, ma dhalinyaraa haysa, waar Somaliland dadka hogaaminaya aanu Ogaano oo aanu aragno waanu fahmi la’nahaye, anigu waan ku wareeray oo ma garanayo.
Bal ciddan na xukunta aanu Arji u gayno oo nidhaahno Caddaalad nagu dhaqee, bal yaa na xukuma, dad waxay Odhanayaan Xirsi Gaabow baa xukuma, dad waxay odhanayaan Aamina Waris baa haysa, dad waxay odhanayaan hebel iyo hebel baa haya, bal anagu idin ma garanaynee idinku isa soo shaaciyo oo anigaa hogaanka haya is dhaha” ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid.
Sidoo kale waxay tilmaantay in Madaxweyne Siilaanyo hadalo qiimo badan ku soo jiidan jiray dadka wakhtigii Ololaha “Waa La hayaa Axmed Maxamed Siilaanyow hadaladaadii qiimaha badnaa ee aad hal hayska u lahaan jirtay wakhtigii Ololaha, waxaan leeyahay haddii Xasuustii kaa yara yaraatay, Muuqaaladii (video-yadii)ayaan idiin haynaa,waanu ku tusi waanu ku xasuusin, waxaanu ku leenahay dib u xasuuso hadaladii qiimaha lahaa, waxaad tahay madaxweynahayagii, Qiimayn baad naga mudan tahay,waanu ku jecelahay oo odaygayagii baad tahay laakiin Dulmi uma dulqaadanayno” ayay tidhi Faadumo Siciid.
Sidoo kale waxay talooyin u jeedisay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro “ Qofku siduu u wanaagsan yahay ee qalbi xabxab u yahay ayuun buu Kursigaa ku fadhiisanayaa oo Waraabe aan la garanayn uun baa ka soo jeedsanaya, markaa Cabdiraxmaan waxaan leeyahay haddii Illaahay inagu guuleeyo waynu ducaynaynaa, waynu rushaynaynaa ilaa aynu nadiifino meesha junuuda meeshaa joogta tii Moorgan baa wali joogta ayaan u malaynayaaye.
Markaa Cabdiraxmaanow waxaanu adiga kaa rabnaa, Ballan qaad, ballanqaad, ballanqaad laba waxyaabood ah: Lambar kow Marwadaadu Marway noo noqon oo Gurigay noo fadhiyi, lambar laba Inaadeerow dadka kula soo halgamay ee kula soo dhintay ee kula soo kifaaxay inaanad ilaabin iyo dhalinyaradu way gefaysaa, way kulushahay oo waxbay hiigsanayaane waxaan kugu waaninayaa inaanad Jeelalka u taxaabin. Umaddaaduna kuli ma wada noqonayaan kuwo ku jecel ee kii ku necbaa, kii kaa soo horjeeday, kii ku habaarayay kii kuu ducaynayay ayay iskugu jirayaan oo Madaxweyne ayaad u noqonaysaaye bal jeelasha uun ha noo taxaabina”